Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo ay waheliyaan mas'uuliyiin kale oo xisbiga ah ayaa maanta shir la qaatay madaxada Was aar ada Arr. Dibada ee dalka Ingriiska u qaabilsan Arr Afrika.



Hargeysa (Timacade News)-Gudoomiyaha xisbiga UCID, mudane Faysal Cali Waraabe oo ay  wahe liyaan, Mudane Axmed Cabdi Ciise (Xoghayaha Iskaashiga Caalmiga), Mudane Maxamed Ibraahim Adan Xoghaya Cadaalada iyo Garsoorka, Mudane Mustafe Cabdillahi Adan ahna Xoghayaha  Siya asada iyo Mudane    Cabdir axmaan Barkhad oo ah xubin guddiga fulinta ee xisbiga UCID, ayaa maanta shir laqaatay mada xada Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Ingriiska u qaabilsan  Afri ka oo uu hormood ka yahay Mr  Mudane Jonathan Allen (Head of African Department), Dr Cedric Barnes (Senior Research Analyst) and Mathew Extance (assistant Foreign desk).

Wadahadalkan gudoomiyaha xisbiga iyo madaxdiisu ay la yeesheen madaxda wasaarada   Arrima ha dibada ee Ingiirska waxa uu ka mid yahay dadaalka xoogan ee xisbiga UCID ugu jiro Ictiraaf u raadinta Somaliland.

Gudoomiyaha xisbigu oo hadal dheer oo uu kaga xog waramayey xaalada Somaliland ku siiyey   m adaxda wasaarada arimaha dibada ee dalkan Ingriiska ayaa waxaa u yidhi;

"Waxaan marka hore mahad u celinayaa dalkan Ingriiska dadaalkii ay u galeen xal u helida   khila af adkii ka dhashay markii doorashadii madaxtooyada ee la filayey inay qabsoonta 27 Sepetmber 2009 ay qabsoomi wayday markii sadadexaad taasoo dalka Somaliland burbur u horseedi  gaadh ay. Guddomiyah xisbiga UCID waxaa kaloo uga mahad celiyey dhaqaalaha kooban ee ay dawlada Ingriisku siiso Somaliland".

Gudoomiyaha xisbiga UCID waxa uu madaxdan Ingriiska ku adkeeyey inay daba socodaan  heeshi skii saddexda xisbi qaran ku heeshiyeen ay si buxdana u filiyaan qodobadii heshiska si loo helo  do orasho xor iyo xalaala oo dalka ka qabsoonto.

Gudoomiyuhu waxa uu madaxdaa ku yidhi in shacbiga Somaliland ay aad u saluugsanan yihiin  siy aasda dawlada Ingriiska ee ku aadan aqoonsi buuxda oo aya Somaliland ay hesho. Maanta waa malintii ay dawlada Ingriisku ay badali lahayd siyaasadeeda ku aadan Citraafida Somaliland oo dalka Ingriisku uu maanta cidna u daba fadhiisan aqoonsi buuxda oo Somaliland beesha caalmaka ka hesho balse ay hormood ka noqoto citirfka Somaliland madama ay Somaliland ay ahyid  maxmi yad Ingriisku mudo ka badan sideetan sano. Waxaa kaloo gudoomiyaha xsibiga UCID u sheegay madaxda daasi ayla kulmeen aqoonsi buuxda oo Soamliland hesho uu wax ka tari doono  nabdag alyda gobalka geeska Afrika iyo dhibaatooyinka sii murgaya ee Somaliya.

Gudoomiyuhu waxaa u khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka hor jeediyey madaxdan dalka Ingriiska kulana taliyey in maanta Somaliland ay hayso shaqo la’aan aad u baahsan  dhalint eeda dada yare e kabaxay dugsiyada sare, Jaamcadaah iyo dhalinta shaqa doonka ah (labourer workforce) xaladoodana sii murgisay citiraaf la’aanta Somaliland. Maanta buu yidhi gudoomiyah xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe waa in Ingriiska iyo dalka bahwadaagta ay yihiin ee EU-da (EU) ay kordhiyaan deeqda ay siiyaan dalka kana hirgaliyaan mashaarciyo horumarimeed si wax looga qabto buu yidhi afada shaqo la’aanta ee dalka haysa

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay xoghaya iskaashiga caalmiga xisbiga UCID oo ka xoog warmay siyaasada xisbiga. Axmed waxaa u yidhi anigoo British Citizen aad baan ugamahad celinyaa  taa gerada ay dawlada Ingriisku siiso Somaliland balse ay tahay in dawlada Ingriisku si ay kor u  qaa do tageerada kooban ee ay siiso Somaliland kuna cadaadiso madaxwaynahayga sidii doorasho xor iyo xalaala u qaban lahaa madama u saddex jeer ka baaqsaday inuu doorasho uu qabto  isag oo ka gaabiyey wajibaadka distooriga ahaa inuu guto.

Axmed waxa uu yidhi Somaliland oo aqoonsi buuxda oo heshaa waa mid faaido u keeni doonto  m andaqada geeska Afrika. Waxaa kaloo Axmed uu siiyey nuqul warqad uu u diray Raysal  Wasaar aha Ingriisak bishii Novermber 16, 2009 inkastoonan jawaab ilaa hada ka helin Prime Minster, Gordon Brown waxaan jeclaan lahaa in wasaarada arimaha dibadu gaadhsiso nuqulka warqadan (please see my letter to the Bristish prime Minster as attached) raysal wasaaraha taasoon u arko buu yidhi mid fikirka Raysal wasaaraha Ingriiska ee Somaliland wax ka badali doonta. Mr  Jon athan Allen oo isaguna hadal dheer halkaa ka jeediyey oo ka jawaabayey hadaladii  gudoo mi yaha Xisbiga UCID ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa;

Dawlada Ingriisku aad bay ula dhacsan tahay nabadgalyda iyo geedi socodka dimoqraadiyada  So maliland iyo dadkeedba u qabsoomay sideed iyo tobankii sano ee ugu dambeeysay ogalana  may no ayuu yidhi Mr Jonathan Allen in waxqabdkaa way ee sideed iyo toban sano socoday inay  doo rashada madaxtinimada ee baqatay saddex jeer inay xagal daaciso. Isgoo hadalkisa sii  wata na waxaa uu yidhi Somaliland shacbkeedu saddex sano in ku dhaw bay sugayeen inay dooraso  mad axtooyadu qabsoonto xaqbaanay u leeyihiin intaa waxkabadan inaany sii sugin. Waxaan idin  cad aynayaa buu yidhi inay dawlada Ingriisku ay dadaal ugu jirto in wixii dhinaceeda ku  xidh an ay  diy aar ula tahay. Waxaa u intaa ku daray oo yidhi dabcan mudaynta doorashadu waa mid ku xidhan gudiga doorashooyinka oo dabcan wixii farsamo ah sida heshiiskii lixda qodob ee la gaadhay loo meelmarin doono

Isgoo dhinaca citiraafka ka hadlayey waxa uu yidhi shacbiga reer Somaliland waxbadan bay u  qa bsoomay oo ay indhihi caalmka soo jiitay, xaq bay u leeyhiin in aduun waynu u abaal gudo  wax qabdkooda balse citiraaf Somaliland ay hesho anu marka hore ka imanayn dalkan balse uu ka iman doono marka hore Somaliland oo is dhista. Taasina bay tahay taanu maanta caalmku indha iska qarin doonin Ingriis ahaan dabcan waanu tageeri doonaa oo waanu ka farxaynaa angoo aragna Somaliland oo isdhista kuna taagan tiirar adag oo nabdgalyo ah.

Waxaa hadalkiisi ku soo gabgabeeyey oo yidhi shaly bay ahayed mar aan wasarad ahaan ka  had layn arin dhaqaale kobcinta ee Somaliland oo waxay ahyid mar aanu ka hadlayn in la  dhamaysti ro jidka Addis Aababa ilaa Berbera amshruucaasi oo dhaqaalaha Somaliland kobcin doona. Waxay dawlada Ethiopia ay balqaaday buu yidhi ilaa 20% ay bixiso iyadoo Ingriiska iyo dalalka kale ee EU ay bixin doonan inta kale.

Gabgabadii shirkan waxa ay madaxda Ingriisku uga mahad celiyeen madaxda xisbiga UCID  warbi xintii ay labada dhinac isdhaafsadeen oo uu Mr Alan Jonathan yidhi waxay ii ahayed fursad  qali ya inaan idin la kulmo aad baanan ugu faraxay shirkan aynu maanta ku kulanay wasaaradayda aad banad ugu mahdsan tihiin dadaalka ad UCID ugu jirtaan inaad dalkiina aad wax u qabtaan , hana kadaalin dadaalka aad wadankiina ugu jirtaan inaad calaamka uga heshaan taageero  dhin ca walba leh waanunu Idinku boorinayna waxaa qabsateen. Su aalo badan oo lays dhaafsaday Gabagabadii wuxuu ku dhamaaday Jawi farxadeed quruxbadan .


Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID.
Justice and Welfare Party UCID. حزب العداله والرأفة

Ucid media
Hargeys/JSL.