Guddoomiyaha
Ucid Oo Hanbalyo U Diray Gudoomiye Ku Xige enka Baarlamaanka Kenya,
Eedo Kulkululna U Jeediyey Tifaftiraha Laanta Afsomaliga Bbc-Da
Yuusuf Garaad
“Wasiirka Magaca Sharmutada Lihi Dalkayaga Waxba Kama Sheegi Karo”Faysal
Cali Waraabe
Hargeysa, march, 3 , 2010 (TNN) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng:
Faysal Cali Waraabe ayaa hanbalyo u diray Guddoomiye ku xigeenka
baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo difaacay socd aalkiisii
uu somaliland ku yimid dabayaaqadii sanadkii hore ee 2009-kii oo
shalay eedo uga soo je ediyey wasiirka arimaha dibada ee Kenya
inuu taageeray gooni isku taaga somaliland, jawaabihii uu Faarax
Macalin ka bixiyey waraysigii xalay uu la yeeshay tifaftiraha laanta
afsomaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, ayuu sidoo kale ku sheegay
in wariyahaasi waji gabax kala kulmay.
Waxa kale oo uu gudoomiyaha
UCID Yuusuf Garaad ku eedeeyey inuu geed dheer iyo geed gaab
anba ugu taagan yahay xumaynta Somaliland, kuna tilmaamay mid
idaacadii ka dhigay mid loogu adeego kooxaha ku dagaalamaya Somalia
qaar ka mid ah.
Guddoomiyaha UCID waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka
telefoonka kula soo xidhi idhay wargeyska Haatuf, kaas oo uu
si adag jawaab ugaga bixiyey eedaha loo jeediyey Guddoo miye
ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ee lagu haysto
socdaalkii uu ku yimid Som aliland, kuna tilmaamay shakhsi
geesi ah oo xaqiiqda aan iska indha tirin isagoo arintaa ka
hadla ayana waxa uu yidhi “waxaan halkan tahniyad uga dirayaa anigoo
ku hadlaya magaca xisbiga UCID iyo taageerayaasha balaadhan ee
dalka iyo gudihiisa iyo dibadiisa kala jooga, Gudoomiye ku xigeenka
baarlamaanka Kenya Faarax Macalin sidii geesinimada lahayd ee uu uga
hadlay una dif aacay socdaalkiisii uu ku yimid dalka iyo
Yuusuf Garaad oo isaguna ku sifoobay “Dhidar xabaalo qodaa qudhun
buu uga dhaadhacaa” kuna caanbaxay xaasidnimada iyo xumaynta
Somaliland, w araysigii uu la yeeshay Faarax Macalina waji
gabax kala kulmay shaqsigaasi ina Garaad oo isagu ah mid xaasidnimo
iyo cuqdad uu u qabo Somaliland ay ka soo ifbaxayso, mudadii uu
idaacada tifaftiraha ka ahaana ka dhigay goob uu Somaliland ka
colaadiyo oo uu koox ugu adeego, waxaa nuse leenahay Somaliland kuma
baabiin kartid xiqdigaa iyo buqdigaa aad ka wado BBC-da ee isdabo
qabo ayaanu ku leenahay iyadoo hooyadaa iyo ehelkaagiiba ay u soo
qaxeen Somaliland, hadana waxa nasiib daro ah inaad xumaynta
Somaliland uun ka shaqaynayso, wasiir khaarajigan kenyana waxaanu
leenahay dalkayaga waxba kama sheegi karo nin magac sharmuuto lihi,
Faarax Macalina waxaanu leenahay waa nin aqoon iyo waayo aragnimo
dheer u leh Somaliland sharaf iy o qadarin wayna u leh shacbiga reer
Somaliland iyo taariikhda faca wayn ee dalka iyo dadka reer
Somaliland.
Source:Haatuf
|