Stockholm-Xafaladi
26June Oo Bilad Dahaba La Godoonsiyey
Gudomiyaha UCID
Waxaa
magaalada Stockholm ee dalka Sweden lagu qabtay Xafladda lagu
xusa yay 49 guuradii ka soo wareegtay maalintii Maxmiyadda Ingriiska
ee Somaliland xoryaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingriiska.
Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden lagu qabtay xafladda lagu
xusay ay 49 guuradii ka soo wareegtay maalintii maxmiyadda Ingriiska
ee Somaliland xoryaddeeda ka qaadatay boqortooyada Ingriiska.
Xafladdaas oo si weyn loo s o o agaasimay, ayna ka soo qeybgaleen
dadweyne badan oo reer Somaliland ah, waxaaisaguna marti sharaf ka
ahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirax maan
MaxamedCabdillahi (cirro.)
Goobta Xafladdu ka dhacday oo ah xarunta weyn ee Tensta, waxaa
dadweynihii halkaasisugu yimid, si weyn loogaga hadlay taariikhdii
la soo maray iyo hanaqaa dka dimuquraadiyada. Mudane Jamaal,
oo si qoto dheer u sharaxaad dheer uga bixiyay marxaladda kala duwan
ee dimuquraadiyadda Somaliland iyo guud ahaan ba caalamka
kajirta.
Waxaa iyaguna munaasibaddaas khudbado ka jeediyay xisbiyada qaranka
ee ka la duwan.Iyada oo mid kastaa uu dadweynaha somaliland
ugu hambalyay nayay munaasabaddan taariikhda ku leh ummadda
Somaliland. Waxaa xusid mudan oo halkaa goob joog ahaa ciyaryahanka
weyn hadana ah tababare caalamiya Md Jamac Adan Karaacin oo dadku
aad iyo aad ugu farxeen kasoo qayb galkiisa. waxaa isaguna halkaa
hanbalyo ka jeediyey wakiilka Somaliland ee dalka Sweden Md Caydrus
Sh aaden wakiilka oo ku nuxnuxsadey in soo noqnoqodka madaxda
qaranka Somaliland ee dalka Sweden ay sharaf weyn u tahay dadweynaha
ku nooll dalkan Sweden.
Waxaa isaguna si weyn halkaan warbixin dheer ka jeediyay Gudoomiyaha
golaha
Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi, oo hambalyo iyo
bogaadin u soo dhammaan dadweynaha Somaliland meel kasta oo ay
joogaan. Gudoomi yuhu wuxuu warbixin ka siiyay ka soo
qeybgalayaashii halkaas isugu yimid xaala dda dalka Somaliland
haatan ku sugan yahay iyo arrimaha doorashooyinka foodda innagu soo
haya
Intaas kadib, waxaa halkaas gudoomiyaha lagu gudoonsiiyay billad
dahab ah, oo
dadweynaha, ururrada iyo Jaaliyaddaha Somaliland ee Sweden ay u
garteen Gudoomiyaha Xisbiga UCID, mudane Inj. Faysal Cali Waraabe.
Axmed Cabdillahi Cawaale, oo guddoosiintii billaddaas faahfaahin ka
bixiyay sab abaha loo cuskaday in Inj. Feysal Cali Waraabe ku
mutaystay billadaas, wuxuu yidhi:
1. Inj Feysal wuxuu qeyb libaax ka
qaatay oo si aan la qiyaasi karin, oo naftiisa
hurid ah juhid weyn ugu bixiyay soo cointa nabad ay maanta
Somaliland ku caano maasho. Taasi oo burburtay, markii aynu dalkeena
dib u soo ceshanay.
2. Dhinaca dimuquraadiyadda, wuxuu inj
Feysal Cali Waraabe jideeyay inay xisbi yada badan ka
hirgalaan dalkeena. Wuxuuna si geesinimo leh ku garab istaagay
fikradda ah in dalkeena laga abuuro xisbiyo badan.
3. Dhina isu tanaasulka, wuxuu
inj.Feysal horyaal ku yahay, mar kasta oo dalku galo
xaalad qalafsan, wuxuu dejiyaa, wuxuuna ka qaataa goaan u dan ah
dalka iyo dadkaba.
Mudane Cabdiraxmaan oo u guddoomay billaddaas loo hibeeyay inj
Faysal Cali W araabe, oo dadweynuhu sacab iyo mashxarad aan la
qiyaasi karin ku soo dhaw eeyeen, ayaa uu ballan qaaday in uu
ka gaadhsiin doono. Dadweynahana wuxuu u soo jeediyay mahad naq uu
uga mahadceliyay abaalmarintaas Inj. Faysal la siiyay.
Gabagabadii xafladda oo ay ka muuqatay farxad iyo reynreyn badan,
waxaa lagu soo gabagabeeyay madadaallooyin iyo jawi ciiddeed.
Xisbiga
Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID
Justice and Welfare Party UCID
حزب
العداله والرأفة
Hargeys, Somaliland
Abdi
Haji |
|