Ku: Qurbo Jooga Reer Sanaag, Sool iyo Cayn



Maqaalkaygan gaabani wuxuu ku socdaa qubo jooga reer Sanaag, Sool iyo Cayn qaar ka mid ah. Kuwa fariintani ku socotaa waa kuwa had iyo jeer u tafo xaytay iska horkeena umada  re er Soomaaliland. Waxaan akhriyey maqaalo aad u tiro badan oo ay soo qoraan kuwaas oo ay ku dhaleeceeyaan in Soomaaliland xoog ku haysato gobalkaas. Runtii waxaa muuqata in  baq din badan iyo war-war badani hayo kuwan isku sheega in ay u doodaan dadka degan  goba lka. Balse waxaa dhawaan aad ka dareemaysaa in ay si xun u niyad jabeen arimahan  awgoo d:

1. Ictiraafkii Soomaaliland oo iska cad
2. Madaxwayne Faroole oo ka diiday in uu la dagaalamo Soomaliland
3. Dad badan oo gobalkaas ah oo soo raacay Soomaliland
4. Soomaaliya oo xaaladeedii rajo beel noqotay

Runtii markii ay arkeen in aanay qayladoodii waxba qaban, ayay iminka waxay u tafo  xayte en sidii ay u caayi lahaayeen Soomaaliland. Itaal daridooda iyo niyad jabka haysta waxaad ka garanaysaa, habeen dhawayd ayaa waxay soo casuumeen oo xaflad aad u balaadhan u sameeyeen Saado Ali Warsame ka dib markii ay Soomaaliland kasoo hor jeesatay ee ay  afla gaadaysay.



Nimanka arinka wadaa waxay u badan yihiin shakhsiyaad ku jiray dowladii Afwayne iyo qaar ay dhaleen kuwii ku jiray dowladii faqashtu. Waxay waayeen xoolihii dadka Soomaaliyeed ee ay bilaashka ku cuni jireen. Waxay waayeen dadkii ay iska xidhi jireen ee iyaga ka amar  qaa dan jiray baqdin awgood. Dadkani waxay u badanyihiin basaasiintii dowladii Afwayne ee  dad ka basaasi jirtay. Waxay waayeen cid ay maamulaan oo ay xoolahooda dhacaan. Cadho  awg eed ayaa ku kaliftay in ay dadka walaalaha ah ee reer Soomaaliland isku dayaan inay  madax a isu galiyaa. Nasiib wanaag way u suurto gali wayday.



Waxaan umada reer Soomaaliland kula talin lahaa in aan nimankaas waxooda waxba lagasoo qaadin oo waliba sacabka loo tumo. Waa niman geeriyooday.
 

 


 

Viva Somaliland
Fowsi A Ali
Fowsi2001@yahoo.com