Guddoomiyaha ololaha Doorashada Gobollada Galbeed ka ee Xisbiga Kulmiye Eng. Baashe Cabdi Gaboobe oo u jawaabay Cali Guray

 


Beryahan waxa Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Guray kula dul kufaayey madaxda Xisbiga KULMIYE, gaar ahaan Guddoomiyaha Kulmiye
 


Ku: Dhammaan Warbaahinta



Beyahan waxa Afhayeenka Xisbiga UDUB Cali Guray kula dulkufaayey madaxda Xisbiga  KU LMIYE, gaar ahaan Guddoomiyaha Kulmiye Muj. Axmed Maxamed Siilaanyo hadalo deelqaaf iyo hanjabaado rikhiis ah oo aan meel loo dayin.

Afhayeenka Xisbiga UDUB waxa uu ku andacooday in Xoghayaha UDUB fagaare kasta oo  H argeysa ah lagu qayliyo oo lagu foodhyo, taasi waa runtii, laakiin Hargeysa oo keliya  maa hee meelo badan ayaa lagaga foodhyey, xataa Oodweyne oo uu u dhashay ayaa  socdaal kiisii u danbeeyey lagaga foodhyey, laba qofna loo xidhay arrintaas.

Haddaba, waxa ka maqan Cali Guray in nidaamka Dimuqraadiga ah, shicibku marka ay  ark aan maamul faasid ah oo musuqmaasuqu ku baahay, ummaddana aan waxba u qaban, mud do dheer oo muddo dhaaf ah xukunka hayey doorasho la’aan, inay shacbigu dareenkooda ku cabiraan foodhi iyo qaylo marka fagaarayaasha laga hadlaayo, taas oo muujinaysa sida ay Shacbigu u naceen maamulkaas, sida kan Riyaale.

Hadalkan uu ku tiraabay Cali Guray waa mid laga yaqyaqsoodo oo laga xishoodo oo qof  da miir lihi aanu u quudhi Karin Mujaahidka Ummadda Axmed Maxamed Siilaanyo oo isaga  wal iba si gaar ah ay muddo dheer isku mabda ahaayeen, isla markaana abaal badan ku leh.

Waxa isweydiin mudan maxa Mujaahid Cali guray ku kelifay haddalada noocan oo kale ah, Mujaahidka loogama baran weedhahan, balse waxa cad inuu ku milmay maamulka Riyaale ee ay ka buuxaan Madaxdii rajiimkii hore, sida NSS-tii iyo Hangashtii, kuwaas oo ku  raaxa ysta aflagaadada iyo xagxagashada Mujaahidiintii SNM, ujeedaduna tahay inuu kalsooni bu uxda ka helo.

Iyada oo laga war hayo Taageerada balaadhan ee Xisbiga Kulmiye ku leeyahay guud  aha an Wadanka, gaar ahaana shanta Degmo ee Caasimadda Hargeysa, waxa wax lala yaabo ah inuu Mujaahidku yidhaahdo Degmooyinka 26 June iyo Koodbuur waxay u badan yihiin UDUB, waxa markhaati cad ah in maamulka Riyaale hore u qiray wakhtiyadii  mudaharaady ada in labadaas Degmo si ba’an uga soo horjeedaan, gaar ahaana mudaharaadkii  Barlama anka loogu hiilinaayey si weyn ugu soo baxeen.

Waxaan Mujaahid Cali Guray iyo cid kasta oo wali u haysata Hargeysa Ceelkii Xooluhu ka  c abi jireen u sheegayaa in Hargeysi maanta tahay Caasimadii Somaliland oo hiigsanaysa  in ay la tartanto Caasimadaha jaarka ah ee Geeska Africa, sida Addis-ababa iyo Nairobi  i.w.m, muwaadiniin iyo ganacsato waaweynina ay hanti badan geliyeen, sida Shirkadaha isgaadhsiinta, Hoteellada, Guryaha waaweyn, Shirkadaha biyaha, Shirkadaha  dhismayaa sha iyo qaar kale oo badan.

Hargeysi maanta waxa keliya ee ay u baahan tahay waa Dawlad wanaagsan oo u samaysa Kaabayaasha dhaqaale (Adeega Bulshada), sida sugida nabadgelyada, wadooyin isku  xid han (Road Network), laydhka, biyaha iyo muwaadiniinta reer Hargeysa oo si sharaf leh u soo dhaweysa cid kasta oo ka qaybqaadata horumarka Caasimadda Hargeysa.

Waxaan u malaynaya in Mujaahidku riyoonayo,



ALLAA MAHAD LEH



Eng. Baashe Cabdi Gaboobe
Guddoomiyaha ololaha Doorashada Gobollada Galbeedka ee Xisbiga Kulmiye