WAR-SAXAAFADEED

 

 


Date:20/12/2011



Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxw eyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-828/122011 Xilkii kaga Qaaday maareeyihii Ho re ee Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir.

Waxaanu uga mahadnaqay mudadii uu xilka soo hayey, Hawlihii uu qaranka u qabtay sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo Sunaha Dawladnimo raacaya.



Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;



Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Dekeddu u leedahay Dhismaha Qaranka;



Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Dekedda Berbera;



Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;



Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;



Wuxuu go’aansaday



In Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xooor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeya ha Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 


ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.