Dumar waa Ninkeed Bila iyo Ninkeed Bi,iya Qaybtii Afraad
 


 

Markaa saynab waa inaaderteed oo iyada ay isku fa cyihiin lana gu tirsata oo lanool iyaga, dahabo waa  in tay donaysay oo waxay tidhi haye waa yahay hooyo.

Sidibay isku raaceen hablihii oo ciyaartii ku galeen  ma rkiiba waxa lawada qaday jantii iyo jiibtii oo waa lala qab saday ciyaartii wax lawada qaado ciyaartii oo   dha linyaradii wada xadreeyaanbaa markay gaadhay halkay islahaayeen way ugu kulushahay oo cidna istabimayso ayay duseen oo gucleeyeen waxay sii jeedaanba oo talaabada hoosta ka boobaanba waxay gaadheen halku haybe ugu tala galay inuu ku nasiyo oo dahabo geeyo, waxaanu geeyay guri adeerkii leeyahay oo aad u jecel  hay be.

markuu arkay inuu haybe inan wato ayuu aad u farxay oo sooryo aan la qiimayn karin siiyay subixiina usoo kalahay xagii haybe reerkoodu deganaa oo aabihii iyo tolkiiba isu soo kiciyay intaan candhuuftu dhulka udhicin  ay ay dhameeyeen hawshii oo inanta reerkoodina loo tegay markii ay isu  yim aadeen inanka odayaashodii iyo inanta odayaasheedii ayaa lays  waydis tay, dahabo aabeheedna hibeeyay.

inantii dahabo waxa laga bixiyay 100 halaad iyo baarqabkoodii, qori  maad hina, iyo faras, dahabo iyo haybe waxaa loo yagleelay reer cusub oo iyagu maamulkiisa iska leeyihin xoolihina waxaa loosocay intii loogu talagalay  In aanka, tolkiina way kaaliyeen inanta hooyadeed waxay soo raacisay aqal ay u samaysay oo u diyaar ahaa inaanteeda, iyo joog muqumada oo  sha qlan.

Dahabo iyo haybe waxay noqdeen reer meel yaal oo isku badhaadhay  ila ahayna karajaynaya inuu caruur ugu deeqo hadaba haybe oo jeclaa inuu helo inan gaariya oo hawlkar ah oo aan ax iyo ux midna odhan oo uu  inta ana doobnimo ugu soo gaadhay siduu sahanka ugu jiray gabadh marwo ah aad heshid.

Hadaba hadal badane Muxuu kala kulmay haybe, dahabo?


Ilayn horaa loo yidhi ragu waa Nin naag helay iyo Nin naayaahe korodhsadaye

Dahabo waxay noqotay marwo isgaadhsiisan oo siday gurigoodaba ku  ah ayd ama loogu yiqiin baro sii dheer waxay noqotay xaas walwaal, xilojano, raaswayn, dahabo waxay noqotay siduu kuriyoon jiray haybe ee waligiiba uu radin jiray gabadh tanoo kale ah waxay ku noqotay u qaadan waa iyo lama filaan haybe, waayo dahabo waxay bilowday hawlihii guriga iyo  xolo hiiba iyadoo aan caruuska bixin oo guntiga dhiisha gaysay kuna durdurisay hawlihii gurigeeda dahabo siduu reerkii udhamaaba xanjeerbay dhag ku siisay ka dibna dhabarkay u ridatay, inaankii haybena eeg muun baa kasoo hadhay waxa uu moodayaa wali inuu riyoonayo oo hoostuu ka leeyahay malaa sidani dhab maaha tolow sidan malaguugu wadidoonaa?.

Dahabo waxay ahayd inan aad u dabeecad wanaagsan oo aanay cidna is diidayn yaab durbadiiba waxay is fahmeen sodohdeed oo isku milmeen ceeshow milixna noqdeen yaab iyo amakaag gabadh iyadoon caruuska bixin sodohdeed laheshiisa lamaba arag intaa waxaa u dheerayd dahabo amaanta ay amaanayso sodohdeed markastaba waxa uu maqlaa haybe hooyadii oo aabihii kuleh “duco qabtaa illaahay afka inooga soo galiyay, alle dhawrtan oo kaleba waligay maan arag” intaa haybena wuu dhaga dhagaynayaa warkeeda markuu arkay sidan ay wax u kala wado oo waxa uu ka baadhayaa dhaliilo uqarsoni bal inay jiraan.

Hadaba dumar iskuma jiraane dahabo waxay noqotay ninkeed bila ama kaaba oo gaari baal dheeri kataaganyahay, waxay ka bilowday aqalkeedii oo waxay bilowday maydhax soo diirkii oo durba waxay soohday xadhko buqulo ah oo ay ugu tala gashay inay ku dareeriso bahal caws ah oo isku joog ah, dhinacna waxay ka dareerisay kebad baraley ah, waxaasu waxba kuma aha oo waxay udhalatay hawlkarnimo, xilkastnimo, iyo firfircooni sidii ay gurigooda ku ahayd ee hooyadeed iyo aabeheedba ugu ducayn jireen ayuunbay kana ku noqotay oo sodohdeed iyo sodogeedba ducadii ugu miisayaan.

Dahabo intaa waxaa udheerayd dhaga nugaylka, daacadnimada iyo  ixtira amka ay ninkeeda kula dhaqanto Inanakii haybe wuu farxad dhaafay oo ilaahaybaa nasiibkiisii uwanaajiyay oo ragba intaasu dheeryahay ilayn  hor aa loo yidhi saddex waligaa magaadhid

“ninkaa faras wanaagsan maalin galinkeed magaadhid, nin kaa beer  wana agsana sanad magaadhid, ninkaa naag wanaagsana waligaaba  magaad hid” haybe markuu doobka ahaa waxaa halhays u ahayd oo markasta uu odhan jiray “Allahayow nasiibkayga haka dhigin naq baaqsaday” oo uu uga jeeday allaahayow taan doonayo haygu guuldarayn ee iga dhig meel baadleh oo aan abid nabaad guurin oo hayga dhigin doog soo baxoo roob la’aani ku dhacdoo dabadeed baaqsada (dib u qaadha ) hadaba  qofkast aba waxa uu ilaahay ka baryo ayuu helaaye.


La soco qaybta 5aad……………

 

 

 

Qalinkii Nuura Maxamed Cali
Nuura_happy@hotmail.com
Burco Somaliland