Dumar waa ninkeed Bila iyo Ninkeed Biiya.
Qaybtii 2aad .....
 


 

Hadaba inantii dahabo ayaa intii shaahu dabka u saarnaa qiyaastii guriga u dhaqaaqday halkii ay iyada iyo hooyadeed raaskii aqalka ka dhisi  lahaa yeen, marba dhinac bay iska taagtaa halkay alaabta ku fureen waana  cad do niidhiya oo dayaxu afar iyo tobnaad yahay, waxay hadba meel  qorsha ysaba waxay isla garteen iyada iyo hooyadeed halkii aqalka laga qotomin lahaa, islamarkiiba waxay lasooboday sarabaddii iyo dhigihii, markay dhigii qiyaastoodi dhamaysay ayay hogogii ku bilowday oo hooyadeedna dhigihii u qab qabatay.

Markay intaa ka gaadhsiisay ayay u booday shaahii oo u karay ka dib waxay ham kusiisay sonkortii iyo rinjigii marku casaaday ayay kasoo qaaday oo galaas caano ahna gundhada u dhigtay oo u shushubtay aabeheed iyo gabanadoodi kuna tidhi “qaxwahan hooya aabo iyo walaalayaal”.

Dahabo waxay ku noqotay dhisidii aqalka waxa lasaaray dadkii oo gurigiiba dhagbaa laga siiyay durba intii aan candhuuftaasu dhulka u dhicin, waxay sidii u tafaxaydnaataba dahabo waagiibaa dilaacay oo dhulkiiba nin iyo geed loo kala gartay.hadaba dahabo maaha inandaalaysa ee waxay durbadiiba isku tuurtay xeradii adhigooda iyadoo sidata buqul iyo dhiil kuna riday dhiishii miscirirtii xerada si marka buqulku kafatoho ay caanaha ugu shubto dhiisha, dahabo riyo iyo idaba way listay oo maqashiina way U dhigtay markay intaa dhamaysay ayay caanihii lasoo baxday oo badhna cadays udhigtay badhna dhitaysay kuna shubtay weelkii loogu tala galay oo dabooshay si ay u gadhoodhaan kadib loo lulo.

Dahabo waxay hawshii reerkooda hadba dhinac u wadaba aabeheed iyo Hooyadeedna u duceeyaan oo ku yidhaahdaan meel roon mar mid kuu qalmana Alle ha kusiiyo, beelnoqo oo buxsan, noqo tii lagu reeyo ee raaskeedu nagaado, badhaadhena haka bixin abidkaa hooyo.hadaba dahabo meel kale Kama wadato fifircoonida iyo kartida ee waa hoyadeed Jamaad oo sidan markay yarayd iyo markay waynaydba uhawlkar ahayd ilayn horaa loo yidhi “inani waa hooyadeed”.hadaba wax Inantii dahabo sidii ducadii waalid keed ugu wadaanba waxaa kasoo wareegay dhawr canamaal habeenkay isbarteen wiilkii haybe ee doobka ahaa.hadaba maalin waliba tilmaanlehe.

maalin maalmaha kamid ah ayay inantii dahabo adhigii foofisay oo daaq gaysay meel aan ka fogayn gurigooda waayo dhulku waa barwaaqo oo kanbalkay xooluhu ka dhargayaan kadib waxay adhiga u foofisay dhinaca dabayl ka soo dhaca mooye dhinaca kale waayo hadii kale waxaa hanganaya maqasha yaryaree edega ku jirta idaha dhalayna way soo horanayaan markay maqlaan cida iyo sawaxanka maqasha hadii loo foofiyo adhiga dhinaca dabayl kasoo dhaca.

Dahabo waxay maalintii oo dhan adhigii lajoogto kolba kob xareedu jiifto kusoo dabashaba oo daajisaba waxa liiqa dhigtay cadceedi kadib waxay gaadhay xiligii caraabaha adhiga, markaasay Dahabo oo dhexdu u xidhantahay oo goshana ku sidata dhuubab maydhax ah oo ay soohanaysay oo xadhigay soohaysay ee qoorta ugu duubanaana dhu dhuminaysa si ay u ogaato inta geeddi ee ay soohday maanta. ayuu sheeda ka arkay inankii haybe oo awrtoodii caraabinaaya bidhaanta inanta kadib waxa uu u fiirsadoo oo kolba inantii eegaba dahabo waxay bilawday inay adhigii oo iniba meel iskaga xasilantahay isu soo husho (ururiso) si ay u caraabiso una jeedisay xagii gurigu ka xigay tii yoo adhigii eekaynaysa iska dhex mushaaxaysa ayuu gartay haybe inay inantaa talaabada noolnooli tahay dahabo oo aanay ahayn inan kale, waayo beesha meesha daganba wuu yaqaanaa oo ilayn waa wiil guurdoon ah kana war haya hablaha beeshan ishana farta kasoo galiyay ogna inaanay ku jirin inaan sidan ulexojeclo badani.kadib intuu awrtii seeto ku taxay.

xagay dahabo ka xigtayna usoo dhaqaaqay markuu dhawr talaabo usoo jiro ayuu farxad awgeed bilaabay dhoolocadayn iyo qosol.

Intantii dahabo markuu inyar usoo jiro ayay aragtay oo garatay inuu inankani yahay inankii habeenkii ay is barteen ee haybe wuxuu soo fadliyo talaabada hoosta kasoo xadaba waxa uu soo gadhay inantii dahabo markaa suu ku yidhi

“haye haye dahabo maxaa lasheegay” dahabo ayaa ugu jawaabtay “haybow waanabade indunkuna iska warama”

Haybe ayaa ugu jawaabay “waa lawacanyahay intaan kawarhayo balse dahabooy masaxniye waan saaq nahay” dahabo ayaa fahantay sarbeebta uu u raaciyay bariidadii oo ugu jawaabtay “haybow nin walba tiisu way dhimantoo toogo beel male” haybe ayaa farxad laba kala noqday markuu dhuuxay macnaha xigmaday inantu ku tidhi ku jira ee laga dhadhansanayo mar inay inan gashaantiya oo timo tidcantahay oo iyaduba wax tabanayso marka kale waxa uu ka fahmay inay ula jeedo in inankuna garab haween ubaahanayahay inaantuna ubaahantahay garab rag oo qofkaliyi isbixinkarin.Kadib wuxuu niyadiisa iska yidhi maadama aanay inantu ku diidin ee ay hadalkaaga isu soo taagayso adiguna aad caashaqsan tahay waxba yaanay idin ku rafan sheekadu ee runta u sheegoo waxba haw kala reebin ee waxad dib udhiganlahaydba imika dheh dahabo


La soco qaybta seddexaad……………..

 

 

 

Qalinkii Nuura Maxamed Cali
Nuura_happy@hotmail.com