Dr. Sacad
Sheikh Cismaan oo ay ku Caddaatay Fadeexad lagu miji
xaabinayo Doorashada Somaliland
Siciid
Saleebaan Mire
Wakiilka xukuumadda Somaliland ee Maraykanka, Dr. Sacad
Sheikh Cismaan, iyo nin Australiya u d hashay oo
magaciisu yahay, Gregory R Copley, ayay ku caddaatay
fadeexad ku saabsan hawl gallo ay ku doonayaan in
doorashada madaxtooyada ee Somaliland la miji xaabiyo oo
ayna dhicin, eeda yn qaawanna waxay u soo jeediyay
Xisbiga KULMIYE, Guddiga Doorashada Qaranka iyo qaar ka
mid ah hay’adaha iyo wadamada inaga caawiya hirgalinta
doorashada. Wuxuu maqaalkani iftiiminayaa dariiqa uu Dr.
Sacad u maray meel marinta hawshan, eedaynta uu soo
jeediyay iyo ujeedada uu ka leeyahay.
Qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee deggen
Maraykanka ayaa daboolka ka qaaday in Dr. Saca d iyo
ninkani ay si wadajir ah u sameeyeen bar enternetka ah
oo aan lahayn masuuliyad rasmi ah oo loogu hagaago.
Debadeed, waxuu Dr. Sacad bilaabay qoraallo ku qoran af
Ingiriisi oo aan maga ca qoraaga lagu qorin oo ku
soo baxa bartan, weerar qaawan iyo aflagaado aan sal
lahaynna ku q aaday xisbiga KULMIYE, Guddiga Doorashada
Qaranka Somaliland, hay’ado caalami ah iyo wadamo inaga
caawiya xagga doorashada.
Wuxuu Dr. Sacad qoraaladiisa ku tilmaamay madaxda
Xisbiga KULMIYE inay
qaarkood ka tirsan yih iin ururka xag jirka ah ee Al-Shabaab. Waxayna
dawladda Somaliland ka sii daysay
Radio Hargeysa qoraal Dr. Sacad uu ku sheegay in Eng. Maxamed Xaashi Cilmi,
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose
iyo Mu dane Cabdicasiis
Samaale ay ka mid yihiin Alshabaab. Waxaa kale oo
uu ku sheegay qoraaladiisa in xisbiga KULMIYE uu
cadaadis ku saareen xukuumadda Somaliland in doorshada
la qabto isagoo KUL MIYE la kaashanaya arrintan,
buu yidhi, hay’adda Doorashada Qaranka iyo hay’ado iyo
wadamo sh isheeye ah.
Waxaa eedayntan Dr. Sacad ku raacsan oo u markhaati
furay Madaxweyne Daahir Rayaale oo ma rkii uu ka
soo noqday booqoashadii uu ku tagay Faransiiska iyo
Jabuuti warbaahinta Somaliland u s heegay in bulshada
caalamku ku khasbayso inuu doorashada qabto. Waxaanay
arrintani muujinay saa in Dr. Sacad ka duulayo
fikirka iyo amarrada Madaxwaynaha oo tilmaamaya in aan
dalku doora sho hadda galin.
Baadhis lagu sameeyay qoraalladan ciddii qortay ayaa
muujisay in Dr. Sacad iyo Mr. Gregory Cople y ay
ka denbeeyeen. Waxayna qoraaladani si is daba joog ah
ugu soo baxeen warbaahinta entern etka ee ay
xukuumada Somaliland gacanta ku hayso ee
Qarannews, Somaliland
nation, iyo Harowo.
Markii ay ogaadeen arrintan, ayay qaar ka mid ah
jaaliyadda Somaliland ee Maraykanku digniin u d ireen
Dr. Sacad una sheegeen inuu joojiyo arrimahan
dhabarjabinta ku ah hirgalinta doorashada S omaliland
xumaynaysana cilaaqaadka aynu la leenahay wadamada iyo
hay’adaha ina caawiya.
Weerarka Dr. Sacad maaha mid iskii gooni u taagan ee
wuxuu qayb ka yahay hawlgallo qorshaysan oo UDUB iyo
Daahir Rayaale wadaan. Mus’uuliyiinta UDUB iyo wasiirro
ka tirsan xukuumadda ayaa si toos ah eedaymo kale oo
qaawan iyaguna kula dul kufay guddiga doorashada, iyadoo
ujeedadoodu tahay inay fashilyaa hawlaha doorashada ee
ay sida daacadda ah ee madaxa banaan u wadaan g
uddiga doorashadu. Waxay xukuumaddu xidhay hawlwadeeno u
shaqeeya Guddiga Doorashada, w axay isku dayday inay
xoog ku jiidho goobo ay ku kaydsan yihiin xogta tiro
koobka codbixiyayaas ha qaatay kaadhadhka, waxay
baayacayaan kaadhadhka dadku qaateen, waxayna yareeyeen
wa cyigalinta kaadh-qaadashada. Waxaana hadda la sheegay
inay xukuumaddu dalbatay lacag cusub oo la filaayo inay
dhawaan u soo degto si doorashada iyo codbixiyayaasha
loo khalkhalgaliyo.
Ujeedada ka denbaysa hawshan uu ku jiro Dr. Sacad waxa
weeye in la carqaladeeyo laga hortago doorashada
Somaliland , loona sawiro in kooxa araggixisaha dalku
gacanta u galiyo. Waxay xukuu madda Rayaale is
tustay in ayna maanta helayn teegeerada shacabka,
doorashadana ay ku guul daraysanayso, dabaylo
badan oo isdebel doon ahina dalka bari iyo galbeedba ka
socdaan.. Dr. Sac ad waxaa loo ballan qaaday in, haddii
xukuumadda Rayaale sii jirto oo aan doorasho dhicin (waa
si da kalya ee ay ku jri karte e, laga dhigi doona
wasiirka Arrimaha Dibadda so logu beddelo Cabdillahi
Maxanmaed Ducaale oo aan isagu haatan xukuumadda Rayaale
miisaan wayn ku lahayn.
Ugu denbayntii waxaa Dr. Sacad laga codsanayaa inuu ka
waantoobo hawlahan si dhakhso ahna u joojiyo wararka
beenabuurka ah ee xaqiiqda ka fog raalligallinna ka
bixiyo muwaadiniinta uu ku gaf ay, kana tanaasulo
kharataha aan ka jirin dalka ee uu dinayo.
Siciid
Saleebaan Mire
saeedsuleimans@yahoo.com |
|