SOCDAALKA DALKA MARAYKANkA - XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA EE KULMIYE

 

WAR-SAXAAFADEED - JULY 29, 2009

Xisbiga KULMIYE isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee ka saaran hagaajinta xidhiidhka Somaliland la leedahay bulshada caalamka; arkayna in xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo Maraykanku uu imika soo kale dhexgalay isafgaranwaa culus, sida ka muuqatay hadaladii ay is dhaafsadeen Wasiirka  Ar rimaha Dibadda ee Somaliland iyo xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha  Afr ika uu qaabilsan Kongaress ka Maraykanka, wuxuu go’aansadey xisbigu inuu ka shaqeeyo sidii xidhiidhka Somaliland la wadaagto dawladda Mareykanka loo  ha gaajin lahaa. Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, xoghaya arrimaha dibadda ee  xis biga Kulmiye , oo mrtiqaad ka heley Congress-ka Mareykanka ayaa socdaal ku tagay dalkaas . Dr. Maxamed wuxuu kulan gaar ah kula yeeshay magaalo  mad axda Mareykanka ee Washington DC Mudane Donald Payne, Guddoomiyaha  Gu ddiga Baarlmaanka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika.

Gudoomiye Donald Payne waa nin miisaan wayn ku leh siyaasadda Maraykanka ee Afrika, wuxuuna ahaa xildhibankii soo bandhigaya mooshinkii nambarkiisu  a haa 20, ee laga ansixiyaya Kongaress ka Maraykanka taariikhdu markay ahayd Febuary20, 1999. Nuxurka mooshinkaasi wuxuu ku baaqaye in Somaliland la  sii yo gargaar dhaqaale iyo taakulo bini’aadanimo, waxaanu ahaa mooshinka  kali ya ee Kongarayska Maraykanka laga soo saaray ee taageero loogu fidinayay Somaliland. Gudoomiye Payne waa xildhibaanka keliya ee ka tirsan Kongaresska Maraykanka ee yimi Somaliland, waana xildhibaankii u suurto geliyay in  Madax waynihii hore ee Somaliland, Madaxwayne Mohamed Haji Ibrahim Cigaal, loogu sameeyo casho sharaf Kongaresska Maraykanka oo ay ka soo qayb galeen  xil dhibaano badan. Gudoomiye Payne waa Kongaressman-ka keliya ee la kulmay Madawayne Rayale markii uu yimi Maraykanka. Waxa uu Gudoomiye Payne  ta ageero joogto ah la garab taagan yahay shacabka iyo dawlada Somaliland.

Shirkii ugu dambeeyay ee uu ku qabtay Washington wuxu ugu talo galay in  So maliland ay ka hesho taageero dhaqaale oo lagu sugo amaanka. Gudoomiye  Pa yne wuxuu madax ka yahay guddi barlamaan oo qaabilsan soo jeedinta iyo  ans ixinta taageerada iyo hawlgalada xukuumadda Maraykanku ka fuliso Afrika. Wuxuu gacan wayn ku leeyahya samaynta qawaaniinta iyo hindisayaasha  siya asadeedd ee saamaynta ku leh qaaradda Afrika. Wuxuu kaloo wax ka  go’aami yaa dakhliga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku baxa waddamada Africa.


Wuxuu socdaalka Xoghayuhu Dr. Maxamed xaqiijiyay in Gudoomiye Payne  yah ay saaxiibka ugu wayn ee Somaliland ku leedahay barlamaanka Maraykanka iyo in isfagaran waaga culus ee soo kale dhex galay labada geesoodna uu maanta gaadhsiisan yahay heer uu joogsaday wada hadalkii iyo xidhiidhkii labada dal. Taasi oo dhaawac wayn gaadhsiinaysa dantii qaranka Somaliland. Xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbiga Kulmiyewaxa loo sheegay in dawlada Dahir  Raya ale ay martiqaad qoraal ah ka heshay xafiiska Gudoomiye Payne, xukuumada Dahir Rayale-na ay jawaab qoraal ah oo ay ku aqbashay inay ka soo qayb  gas ho shirka u soo dirtay xafiiska Gudoomiye Payne. Muddo yar ka hor xiligii shirka bilowgiisa waxa maamulka Rayale ay go’aansadeen in aanay shirka ka soo  qay b gelin, inkastoo wakiilka xukuumada Rayale ee Maraykana Dr. Saad Noor uu  yi mi oo uu soo fadhiistay madashii shirku ka dhacay. Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa in laga wada hadlo arrimaha saameeya nabad gelyada gobolka iyo sidii ay  daw lada Maraykanku taageero uga gaysan lahayd. Taageeraadaasi oo Gudoomiye Payne oo masuul uga yahay barlamaanka Maraynkanka.

Xukuumada Riyaale waxay ula dhaqantay xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd  Gu ddidd Arrimaha Africa ee barlmaanka Maraykanka iyo khaasatan xidhiidhkii  Gu doomiye Payne si aad iyo aad u fool xun oo wax u dhimaysa danaha aasaasiga ee shacabka Somaliland. Taasuna waa mid tusaale wayn u ah sida xukuumada Riyaale u maamusho xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka. Safarka Dr. Maxamed Cabdillahi wuxu ka halwgalay sidii loo soo noolayn lahaa xidhiidhkii Somaliland la lahayd dalka Mareykanka iyo Guddoomiye Donald Payne oo  mad ax ka ah guddi barlamaan aad ugu mihiima qadiyada Somaliland. Gudoomiye  Pa yne wuxu ogolaaday in uu kulan kula yeesho xoghaya arrimaha dibadda ee  xis biga Kulmiye xarunta barlamaanka maraykanka ee Capital Hill. Kulankaasi oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha 27-kii iyo 28-kii bishii July. Kulankaasi waxaa lagu lafaguray arrimo fara badan oo khuseeya nabadgelyada, dimuqraadiyadda, xi dhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland iyo arrimo la xidhiidha  doora shada madaxtooyada Somaliland.

Wuxuuna Guddoomiye Donald Payne ugu hambalyeeyay shacabka Somaliland dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ilaalinta nabadgalyada iyo kobcinta  dim uqraadiyada . Waxaanu ugu baaqay in Somaliland qabato doorasho xor iyo  xal aal ah oo dhacda xiligii loogu talo galay. Waxaanu muujiyay walaac uu ka qabo khatar soo gaadha nabadgelyada Somaliland iyo inuu diyaar u yahay inuu  Som aliland la shaqeeyo oo ka caawiyo sidii looga hor tagi lahaa khatarahaasi. Waxaa kaloo shirlka lagaga wada hadlay go’aanka uu maanta madaxwayne  Ra yaale ka qaatay natiijadii diiwaangalinta codbixiyayaha dalka iyo saamaynta ay ku yeelan karto nabadgalyada dalka. Dr. Maxamed iyo Gudoomiye Payne waxay is la qaateen in si joogto ah ay uga wada shaqeeyaan balaadhinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.



Hussein Cabdi Ducaale,
Gudoomiyaha Woqooyiga Amerika ee Xisbiga KULMIYE