‘Itoobiya Waa Saaxiib Dhab ah oo Somaliland Leedahay’Wasiirka
Arrimaha Dibedda oo faahfaahin ka bixiyey caqabadaha ugu waaweyn ee
horyaal Somaliland
Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga
ah Dr.Maxamed Cabdillaahi Cum ar, ayaa faahfaahin ka bixiyey
caqabadaha Somaliland horyaal ee u baahan in qaran ahaan wax laga
qabto.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo gelinkii dambe ee shalay
shir-jara’id ku qabtay xafiiskiisa, kadib mar kii uu ka soo
laabtay safar shaqo oo uu ku soo maray dalalka Ingiriiska iyo
Itoobiya, waxa uu ka sheeg ay in dawladda Itoobiya tahay
saaxiib dhab ah oo Somaliland leedahay.
Waxa wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ka
warbixiyey sida bulshada caalamku u aragto Somaliland wixii ka
dambeeyey doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26 June
20 10, tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid magac iyo iyo sumcad
dheeraad ah u soo jiidday golayaasha qaranka, xisbiyada iyo guud
ahaanba dadweynaha reer Somaliland.
Waxa uu xusay in bulshada caalamku nidaamka dawladeed ee Somaliland
u aragto mid shacbigu haysan karo oo dimuqraadi ah, isaga oo
tilmaamay in wax badan iska beddeleen macaamilkii Somaliland iyo
bee sha caalamka tan iyo intii ka dambaysay doorashadii madaxtooyada
ee xisbigii mucaaridka ahaa ee KU LMIYE ku guulaystay,
madaxweynihii horena sida sharafta leh u wareejiyey xilkii uu
qaranka u hayey.
“Wax badan ayaa iska beddelay habkii hore ee Somaliland iyo beesha
calaamku u wada macaamili jire en, waxayna doorashadaasi
keentay in Somaliland macaamil joogto ah la yeelato dawlado markii
hore wada xidhiidhkoodu soo mari jiray hay’ado kale, waxaanan
rajaynayaa in Somaliland iyo dunidu u wada xidhiidhaan si dawlad
ilaa dawlad ah,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Wasiirka Arrimaha Dibeddu waxa uu shirkiisa jaraa’id faahfaahin kaga
bixiyey arrimo uu sheegay inay yihiin waxyaabaha ugu waaweyn ee
Somaliland horyaal, isla markaana loo baahan yahay in wax laga qabto,
isagoo arrimahaas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Arrimaha ugu
waaweyn ee qaranka Soma liland horyaal waxa ka mid sidii aynu
u sii wadi lahayn nabadgelyada dalkeenna ka jirta ee aynu ku
guul aysanay 19kii sannadood ee dalkani jiray, maadaama Somaliland
ku taal mandaqad xaasaasi ah oo nabaddeeda laga dayrinayo, waxayna
ilaalinta nabadgelyadu u baahan tahay in shicib iyo dawladba la iska
kaashado oo laga wada hawlgalo sidii loo sii xoojin lahaa.
Waxa kale oo u baahan in aynu horumarino ganacsiga dalkeenna iyo
koboca dhaqaalaha, kuwaas oo ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee
Somaliland horumar ku gaadhi karto. Sidoo kale waxa ina horyaal oo u
baahan in qaranka Somaliland wax ka qabto shaqo la’aanta ka jirta
dalkeena, waxaynu ognahay in dha llinyaro badani ka soo baxaan
dugsiyada iyo jaamacadaha dalka, waxyar ayaana shaqo ka hesha,
arri ntaasina waa mid u baahan in qaran ahaan aynu wax ka qabano.
Waxyaabaha kalee Somaliland u baahan tahay inay wax ka qabato waxa
ka mid ah kaabayaasha dhaq aalaha, sida dekedaha, madaarrada
iyo waddooyinka oo aynu helno madaarro caalami ah oo dunida isu keen
xidha, arrimahaasina waa waxyaabaha lafdhabarta u noqon doona
horumarka dhaqaalaha, horu marinta dimuqraadiyadda iyo
dawlad-wanaagga Somaliland qaadatay. Qodobaddaasi waa waxyaabaha ugu
waaweyn ee Somaliland horyaal, loona baahan yahay in wax laga qabto,”
ayuu yidhi wasiirku.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa kaloo uu carrabka ku adkeeyey in
siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland iyo aayo-ka-tashiga ay
gacanta ugu jirto shacabka xaalad kasta oo timaad, taasi oo uu ku
tilmaamay inay yihiin waxyaabaha aasaaska u ah jiritaanka
Somaliland, isaga oo xusay in Somaliland u taagan tahay sidii ay u
horumarin lahayd mabaadii’deeda, isla markaana dunida ka codsanayno
ictira afka ay xaqa u leedahay.
Wasiirku waxa uu xusay in Somaliland haysato waxyaabo ay kaga
qaybqaadan karto horumarinta caal amka, kuwaas oo uu sheegay
inay ka mid yihiin horumarinta dimuqraadiyadda, la-dagaallanka
budhca d-badeedda iyo argagixisada iyo ilaalinta nabadgelyada.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu intaa ku daray inuu booqasho
shaqo oo rasmi ah ku soo maray dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulamo
kala duwan kula yeeshay wasiirul-dawlaha arrimaha dibedda Ito
obiya iyo masuuliyiin ka tirsan safaaradaha dawladaha reer galbeedka
ee ku yaal maagalada Addis Ab aba, isagoo tilmaamay in
xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya meel fiican marayo waqtigan.
“Itoobiya waa saaxiib dhab ah oo Somaliland leedahay, waxana innaga
dhexeeya xidhiidho kala duwan oo dhinacyo badan leh, iyada oo
Itoobiya innaga taageerta sidii Midowga Yurub dhaqaale ugu bixin
la haa mashruuca Berbera Coridor ee jidka isku xidha Berbera iyo
Itoobiya, arrintaasna way ku soo qa adaan shirarka Yurub ee ay
ka qaybgalaan,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibeddu.
Source: Jamhuuriya Online
|