Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Ictiraafka Somaliland oo kulan kula
yeeshay Saaxiibada Somaliland Guriga House of Lords ee Ingiriiska
London (TNN)-Mudane Dr. Mohamed Rashiid Xasan
oo ah lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee u
qaabilsan Arimaha
Ictiraafka iyo Isgaadhsiinta Caalamiga ayaa maanta shirar
kala gedisan la yeeshay ur urada u ololeeya Ictiraafka iyo
horumarka Somaliland iyo Saaxiibada Somaliland ee dalka
Ingiriiska(Friends of Somaliland).
Mudane Mohamed Rashiid wuxuu galinkii hore shir si wanaagsan loo soo
abaabulay kula yeeshay Magaalada L ondon Madax ka socotay Ururada
Somaliland iyo hay’ado Ingiriisa oo Somaliland ka taakuleeya xagga
Ammaan ka badda. Mudane Mohamed wuxuu shirkaa ka sheegay qorshaha
cusub ee xukuumadda Somaliland u diyaaris ay horumarinta
dhaqaalaha iyo Ictiraaf u raadinta dalka , taas oo ahmiyad weyn
dowladdu saari doonto weji cusub oo lagu raadin doono sidii
Somaliland uga mid noqon lahayd Bulshada caalamka. Wuxuu ururada
Somalila nd uga waramay sida xukuumadda cusub ay uga go’antahay inay
wada shaqayn la yeelato Qurbajoogga Som aliland oo laf dhabar
u ah dhaqaalaha iyo aqoonsi uraadiska dalkooda. Isaga oo hadalkiisii
sii wata Dr. Moham ed wuxuu yidhi , waxaannu rajaynaynaa inaanu dib
u soo noolayno abaabulkii iyo dhiiri galintii Qurbajoogga So
maliland, si ay halkii uga sii wadaan halgankii ay ay dibadda ugaga
jireen dalkoodii hooyo.
Mudane Mohamed wuxuu galinkii danbe qado sharaf iyo shir kale guriga
House of Lords kula yeeshay Saaxiiba da Somaliland oo uu ka mid
yahay Lord Eric Avebury oo ka mid ah Aqalka Guurtida Sare ee
Ingiriiska(House of Lords) iyo ururo Ingiriisa oo Somaliland kala
shaqeeya arimaha horumarinta. Shirkaa waxaa lagu lafa guray si
da ugu habboon ee Somaliland aqoonsi dhaqaale uga heli lahayd
shariikadaha dalkan Ingiriiska si Somaliland u gaadho horumar
dhaqaale iyo sidii Saaxiibada iyo dawladda Ingiriiskuba gacan uga
geysan lahaayeen dib-u –aqoonsiga Somaliland. Dr. Mohamed oo
hadalkiisa sii watana , wuxuu yidhi , Somaliland maaha dal Somalia
ka soo go’ay, Somaliland iyo Somalia waxay ahaayeen laba dal oo isku
tagey , isku tagoodiina wuxuu ummadda Somaliland u soo jiiday burbur
iyo dib u dhac , sidaa daraadeed ummadda Somaliland waxay goosatay
1991 in ay calankoodii iyo qarannimadoodii la soo noqdaan.
Wuxuu intaa ku daray inay dawladda Cusub ee Somaliland halgan dheer
u gali doonto inay Somaliland saaxiibo cusub ku yeelato Afrika ,
Asia , Europe iyo America-ba.
Waxaa iyana xiiso gaara keentay Hotelkii shirkaa Somaliland lagu
qabtay oo shir kale ka socday oo ku saabsan aa go’itaanka
Southern Sudan. Waxayna taasi farxad ku dhalisay labadii dhinac ee
abaabulayey labadaa shir. Mid ka mida guddida qaban qaabinaysay
shirka Southern Sudan ayaa wuxuu yidhi, Haddaanu nahay ummadda reer
Southern Sudan waxaannu si xooggan ula soconnaa mar walba qadiyadda
Somaliland, waxaa hubaala ina ad Geeska Africa ka samayseen
wanaag iyo kala danbayn aanu idin kaga dayan doonno markaanu
xornimaday ada qaadano bisha soo socota 2011. Dhinacayaga
Somalilander-ka waxaanu u sheegnay in aan la samaysan doono
saaxiibtinimo fiican oo ka dhaxaysa labadeena dal si Geeska Africa
looga dhiso xukuumado wax qabadk oodu ku salaysan yahay
dimuquraadiyad iyo caddaalad.
Axmed kadleye
Kadleye024@hotmail.com
London , UK
|