Wasiirka
Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalimaga oo Xilkii Si Rasmi ah ugala
Wareegay Wasiirkii hore.

Wasiirku wuxuu sheegay inay awooda saarayaan sidii ay cilaaqaad
wanaagsan Somaliland ula yeel an lahaayeen dalalka Carabta...
Hargeysa ,July 29 2010 (TNN)-Xafladdii
xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Arrimaha dibada waxa
k ale oo ka soo qeyb galay Wasiirul Dawlihii hore ee Wasaaradaasi
Md. C/Raxmaan Ci smaan Aadan (C/Raxmaan Sagal), Wasiir
Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaasi Md. Axmed Aadan Is maaciil (Axmed
Kayse), Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxaha iyo shaqaalaha
Wasaarad a Arrimaha diba da. waxa kale oo madashaasi lagu soo
marti qaaday marti sharaf badan oo u bad naa qurbo jooga
Somaliland ee taageera xisbiga tallada dalka ku guulaystay ee
KULMIYE iyo xubno ka mid ah Wakiila da Somaliland ee dalalka
dibada.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha dibada Md. Cabdilaahi Maxamed
Ducaale, ayaa hadal dheer oo uu xafladaasi ka jeediyay ka xogwaramay
waxqabadkii Wasaaradaasi mudadii uu Wasiirka ka ah aa waxaanu
u mahad celiyay Madaxdii la soo shaqeysay, Wakiilada Somaliland ee
dalalka dibada iyo qurbo jooga Somaliland oo uu xusay inay kaalin ku
lahaayeen dedaaladii loogu jiro qadiyada ictiraaf raadinta.
Wasiirku wuxuu sheegay inay qadiyada Somaliland gaadhsiiyeen beesha
caalamka oo dhan isla mar kaana ay Somaliland kasbatay
saaxiibo badan oo qadiyadeeda ka gacan siiya waxaanu tilmaamay in
dalalka adduunku ay hab- macaamil wanaagsan la leeyihiin.
Md. Ducaale waxa uu u mahad celiyay wadamada Jaarka ah ee ay ka mid
yihiin Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya waxaanu xusay in dalalkaasi uu ka
dhaxeeyo xidhiidh iyo cilaaqaad aad u wanaagsan waxaa nu
xukuumada cusub u soo jeediyay inay halkaasi ka sii ambo qaadno.
“Qaramada Midoobay xidhiidhkeenu wuxuu ahaa markii hore bisad iyo
jeer hase yeeshee dhawaan ayay xaqiiqdii arkeen waanu wada hadalnay
waxaanu isla garanay aakhirkii in la wada shaqeeyo oo ay Hargeysa ka
furtaan xafiis siyaasadeed. Waxaynu ka rabnayna waxay ahayd inay
warbixinada Somaliland ay u sheegaan si sax ah,”ayuu yidhi Md.
Cabdilaahi Maxamed Ducaale.
Wasiirkii hore wuxuu sharaad dheer ka bixiyay waxqabadkii iyo
socdaalo heerkoodu iskugu jiray mid heer Madaxweyne, Madaxweyne Ku
Xigeen iyo Wasiiro oo ay ku tageen dalal badan oo ku yaala Af
rika, Yurub, Carabta iyo Maraykanka waxaanu sheegay inay Somaliland
marayso heer wanaagsan oo u baahan in halkii uun laga sii ambo qaado
midhihii xukuumadii hore ee uu ka tirsanaa.
Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, wuxuu sheegay inuu si niyadsami ah
ugu wareejinayo xilka Wasa arada Wasiirka iyo Wasiir Ku
Xigeenka cusub waxaanu isagoo Wasiirka la kaftamayay uu yidhi
“Qola dayadan barigana waxa lagu xantaa deg dega oo waxaan is idhi
salaada Jimcaha ee barri aniga iyo colkaygu, ha salaatu sahwiyina oo
ha is odhanina qoladiina (KULMIYE) ma idin sugaysaa inaad xilkii ku
wareejisaan, markaa aad iyo aad ayay farxad weyn iigu tahay inaan
xilka qaran si kalsami ah ku ugu wareejiyo adiga iyo Wasiir Ku
Xigeenkaaga. Shaqaalaha aad halkan ugu imanaysaana waa shaq aale
wanaagsan oo hawsha muddo dheer ku soo gudo jiray.”
Sidoo kale, waxa xafladaasi warbixin ku saabsan qaab dhismeedka iyo
waajibaadka Wasaarada kha arajiga si qoto dheer uga warbixiyay
Wasiirul Dawlihii hore ee Wasaaradaasi Md. C/Raxmaan Cism aan
Aadan (C/Raxmaan Sagal), Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaasi
Md. Axmed Aadan Ismaa ciil (Axmed Kayse).
Wasiir Ku Xigeenka cusub ee Wasaarada Arrimaha dibada Md. Maxamed
Yoonis Cawaale, oo ka had lay xafladaasi ayaa Wasiirada xilka
ku wareejiyay iyo shaqaalaha Wasaarada Arrimaha dibada uga mahad
celiyay sida ay u soo dhaweeyeen iyo niyad samida xilka loogu
wareejiyay.
“Waxaan rajaynayaa halkan aad soo gaadhsiiseen Wasaarada Arrimaha
dibada inaanu Anaguna se dan si ka sii fiican aanu ka sii ambo
qaadno isaga oo uu nagu hoggaaminayo Wasiirka cusub oo aqo on
badan u leh siyaasada dibada oo runtii mudadii uu xisbiga KULMIYE
ahaana aan u shaqaynayn xisbiga oo qudhee danaha dalka u
shaqeynayay,”ayuu yidhi Wasiir Ku Xigeenka cusub ee Arrimaha dibadu
waxaanu xusay inay wada shaqayn wanaagsan la yeelan doonaan
Shaqaalaha Wasaarada Arrimaha dibada.
Wasiir Ku Xigeenku wuxuu ilaahay ka baryay in mudada ay xafiiskan
joogaan ay Somaliland hesho ictiraafka caalamiga ah ee ay beesha
caalamka ka doonayso.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr.
Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad
celiyay Wasiiradii xilka uu ka wareegay ee Wasaarada Arri maha
dibada, waxaanu sheegay inay xukuumadani culayska saarayso sidii
Somaliland ugu xidhmi lahayd beesha caalamka.
Wasiirku wuxuu sheegay inay awooda saarayaan sidii ay cilaaqaad
wanaagsan Somaliland ula yeel an lahaayeen dalalka Carabta oo
uu tilmaamay inuu dhaqan iyo diiniba ka dhaxayso. Waxa kale oo
Wasiirku intaasi ku daray in xukuumada cusubi ay qaabayn doonto isla
markaana xoojin doonto xid hiidhka ay la leedahay dalalka
dariska ah.
Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Reporter
Hargeisa/somaliland
|