WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOMALILAND OO LA KULMAY SAF IIRADA
MARAYKANKA IYO INGIRIISKA U FADHIYAY ITOOBIYA
Maanlintii Jimcaha ee ay taariikhdu ahayd 22 Oktoobar waxa Wasiirka
qado sharaf ugu sameeyay Safaaradda Ingriiska ....
Addis Ababa (TNN)-Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee
Jamhuur iyadda Somaliland, Mohamed Cabdillahi cumar, ayaa kulammo
gooni gooni ah la yeeshay qaar ka m id ah diblomaasiyenta reer
galbeedka ee fadhigoodu yahay Addis Ababa, ee dalka Itoobiya oo uu
ku tagay booqasho rasmi ah oo shaqo ah.
Maanlintii Jimcaha ee ay taariikhdu ahayd 22 Oktoobar waxa Wasiirka
qado sharaf ugu sameeyay Safaaradda Ingriiska Safiirka Dalka
Ingriiska u fadhiya Itoobiya H.E. Norman Ling, oo ay weheliyeen
safiir ku xigeenka kowaad, John Marshal iyo safiir ku xigeenka
labaad, Matt woods, kulankaas wa xa aad loogu falan qeeyay
xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal Jamhuuriyadda
So maliland iyo Dawlada Britain
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland waxa uu ku nuux nuux saday sida
ay lagama maarmaarnka u tahay inay Somaliland hesho mashaariic
horumarineed si loo daboolo baahiyaha dhaqan dhaqa ale ee ka
jira dalka sida :- hurumarinta dhaqaalaha, abuurid shaqooyin,
hagaajinta wadooyinka, biyaha, waxbarshadda iyo caafimaadka, kuwaas
oon laantood waxyaabihii u qabsomay Somaliland aanay sii jiri Karin.
Dhinacooda safiirku waxuu balan qaaday inay wadi doonan siina
balaadhin doo nan kaalmadii ay siin jireen Somaliland dhinac
walba
Wasiirku waxa kale oo isla jimcihii la kulmay safiirka wadanka
Maraykanka u fadhiya Ethiopia, H.E. Donald E. Booth, iyaga oo ka
wada hadlay xidhiidhka labada dal siyaasadda cusub ee ku wajahan
Somaliland iyo guud ahaanba arimaha gobolka sida horumarka
dimuquraadiyadda iyo nabad gely adda. Wuxuu wasiirkau si
dheer uga hadlay taageerada ay Somaliland maanta uga baahn tahay
Maraykanka oo ah sidii Somaliland looga dhigi lahaa wadan xubin
buuxda ka noqda bulshada caal amka si u hanato guulaha
dimuqraadiyadda iyo nabadgalyadu ka mid ka yihiin ee ay ku
talaabs atay, mandaqaddana sidii loo xasilin lahaa ay gacan ka
gaysato, arrintaasi oo u baahan taageero dhaqaale iyo mid
siyaasadeed oo ka qooto dheer ta ay maanta Somaliland caalamka ka
hesho
Timacade News Desk
Addis Ababa,Ethiopia
|