Dr/Pro.Maxamed C/laahi Cumar oo Madaxwayne Rayaale kaga Taageero Batay Gobolka Gabiley iyo Degmada Wajaale oo ka soo Dhex Mudhay Degmooyinka Somaliland

 


Way yartay in Xukuumada Rayaale laga helo Aqoonyahano moocan oo kale oo ka dhex muuqda Xuku umada uu madaxda ka yahay,
Qalinkii: Nimco Qaali

Hargeisa (TNN)-Dr/Pro.Maxamed C/laahi Cumar Waa Aqoonyahan Da,yar oo Dhawaan ku Soo laabtay Somaliland, Waana Xogyaha Arimaha Debadda ee Xisbiga Kulmiye, Dr.Maxamed C/laahi Shacabka  re er Somaliland Waxay u Muujiyeen Soo Dhawayn Qiimo leh iyada oo Aanay u kala hadhin  Taageerayaa sha Xisbiga uu ka tirsanyahay ee kulmiye.

Dr.Maxamed C/laahi Waxaa uu Kala Qayb galay Maalintii lixaad ee ololaha Doorashooyinka Qaranka, Degmooyinka Gobolka Gabiley halkaasi oo Si,aan Hore loo Arag loogu Soo dhaweeyay isaga iyo Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Wakiilada iyo Xubnaha Sarsare ee Xisbiga kulmiye, Taasi Muquunisay Awoodii iyo Taageerayaashi U soo Baxay  Ma daxwayne Rayaale maalintii uu Gobolka Gabiley soo Maray.

Sidaa Darteed Waxaan Odhon karaa Dr.Maxamed C/laahi Wuu kaga Taageero Batay Daahir Rayaale Gobolka Gabiley, Gaar ahaana Magaalada Ganacsiga ee Wajaale oo iyadu Hogaanka u Haysa  Taageer ayaasha Xisbiga Mucaaridka ee kulmiye isu soo baxyadda ay Sameeyaan Wakhtiga ololaha.

Dr.Maxamed oo Dalka ka maqnaa Muddo aad u dheer Balse Dhawaan ku Soo laabtay Dalka si uu uga Qayb qaato, Goob joogna uu u Ahaado Doorashadda la filayo inay Dhawaan Dalka ka Qabsoonto.

Dr.Maxamed waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada hargeisa isaga iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay maalin ka dib Waxa kale oo Soo Dhawayn aad Uqiimo Badan loogu Sameeyay Gobolka Gabiley oo uu Dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Dr.Maxamed oo ah Aqoonyahan Dhalinyaro ah oo Aad looga Qadariyo Guud ahaan Somaliland gaar  a haana Dhalinyaradda Waddanka ayaa Xiiso gaar ah u haya Soo Dhawaynta Aqoonyanadda Dalka u Maqan.

Dr.Maxamed Waxaa uu Soo maray Degmooyinka Arabsiyo, Gabiley iyo Wajaale oo si,aan loo kala  had hin loogu soo dhaweeyay, Taasi oo muujinaysa Taageerada iyo Qadarinta loo hayo Dr.Maxamed iyo  X isbiga uu ka tirsanyahay ee Kulmiye, Halka Madaxwayne Rayaale Dadka lacag lagu Soo laaluushayay Si ay shaashadda Cameradaha uga Muuqdaan oo loo yidhaahdo Gabiley ayaa aad looga soo  dhawee yay.

Way yartay in Xukuumada Rayaale laga Helo Aqoonyahano Noocan oo kale oo ka Dhex muuqda  Xuku umada uu Madaxda ka yahay, iyo Golihiisa Wasiirada oo Badankoodu Dugsiyada Sare ka baxeen, Bal se aanu Aqoon ku Qaadan ee uu u qaato Reer hebel iskaga Jeedi, Waana Ta manta la hadhay  Somalil and ee Nin dugsi Sare ka Baxay oo aan Caafimaadka Waxba ka Aqoon laga Dhigo Wasiirka  Caafimaa dka iyo Wasaaraddo kale oo la mid ah.

Soo Dhawaynta Dr.maxamed C/laahi Waxay Muujinaysaa Taageerada loo Hayo Xisbiga uu Madaxda ka yahay Axmed Siilaanyo oo ay ku Bahoobeen Somaliland intii Aqoonta lahayd, intii Indheer  Garadn imo lagu Tuhmayay, intii Dalkan u soo halgantahay iyo Intii Rajo ka qabtay Somaliland.

Dadka reer Somaliland Waxay u Baahanyihiin Isbeddel Dhab ah oo ku Salaysan Masiirka iyo  Rabitaan ka Shicibka reer Somaliland Cida ay raali ka yihiin, Danta iyo Maslaxada Wadankuna ku jirto, Sidaa  A wgeed Aqoonta Mudnaanta koowaad la siiyo Ayaa Wanaagsan, Qofkana Aqoontiisa iyo kartidiisa  la gu qiimeeyo Balse aan laga horaysiin Qabiilka uu ka soo jeedo, siday Xukuumada Rayaale ku caana maashay.

Illaahay Dariiqa Saxda ah ha ina Waafajiyo.

 


Nimco Muxumed Ibraahin

Madaxa Barnaamijyada
Timacade News Network (TNN)
Hargeisa/Somaliland
Qaali540@hotmail.com

 

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE

TOG-WAJAALE