DR MAXAMED CABDILLAHI CUMAR
SHAKHSIGA SANNADKA EE 2008

Maamulka shabakadda wararka ee Longlivesomaliland News Media, ka dib markuu daraa sad iyo baadhis qoto dheer sameeyay, waxa uu u doortay shaqsiga sannadka ee 2008, Inuu yahay xooghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga mucaaridka ee Kulmiye , Dr Maxamed Cabdillahi Cumar.

Haddii aan faalo kooban ka bixinno shakhsiydda Dr Maxamed Cabdillahi Cumar, waa nin halgan dheer ugu jira  danta guud  ee dalka iyo  maslaxadda umadda  Somaliland,isagoo adeegsanaya aqoontiisa   ,  khibraddiisa iyo  waayo arragnimadiisa balaadhan ee uu u   leeyahay siyaasada caalamka.

Dr Maxamed ,waqtigiisa qaaliga ah kuma  lumiyo , inuu xisbiyada kale ee qaranka  masuul liyiintooda iyo taageera yaashooda ,  af xumeeyo ama canbaareeyo , laakiin  talo iyo tusaale  ayuu u soo jeediyaa ,  marka  uu u  arko inuu talo  wax ku oola uu ku biirin  karo.

Dr Maxamed , waa nin rumeysan  in  mucaarid , muxaafid iyo shacbiba , meel looga soo wada jeesto sidii wadankeenna aan :

1-Aqoonsi ugu raadin lahayn
2-Nabadiisa u  adkeyn laheyn
3-Cadawgiisa meel uga soo wada jeedsan lahayn
4-Horumarkiisa uga wada  shaqayn lahayn
5-Sumcaddiisa   kor ugu qaadi lahayn , iwm


Run ahaantii , iyadoo aanay noo suurto gal ahayn Inaan qoraal keliya kaga faalloono wax qabadkii iyo halgankii Dr Maxamed Cabdillahi Cumar uu muujiyey sannadkii 2008 , bal hadd ana waxaan isku dayaynaa Inaan idiin soo ban dhigno , qaar ka mid ah shirarkii caalamiga ahaa ee  uu ka qayb galay iyo qoraaladiisii uu saxaafadda u soo gudbiyey:


1-Xoghayaha Arrimha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa saaka oo Sabti ah, August 30, u duulay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya oo uu kaga qaybgalayo shirwayne lagaga hadlayo sidii nabad loogu dhammayn lahaa colaadaha ka dhex aloosan wadamada ku yaalla geeska Afrika.
 

 

         Warkaas Oo Faah Faahsan



2-Kulmiye statement on the Horn of Africa:Drawing on a reputation for neutrality and commitment to peace, Somalilandīs KULMIYE PARTY is in favour of a peaceful means for resolving all the disputes in the Horn of Africa. Our vision for the regionīs stabilisation reflects on this principle and is anchored around the following five key priorities:

 

        Warkaas Oo Faah Faahsan



3-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kulmiye,oo ka qaybgalaya shirweyne caalami ah oo ka dhacaya dalka Sweden.Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa saaka u dhoofay magaalada Stocklom ee dalka Sweden ka dib markii uu xisbiga KULMIYE martiqaad rasmi ah ka helay urur waynaha ka dhexeeya xisbiyada dimuqraadiga ah ee qaaradda Yurub ee loo yaqaano ELDR oo shirwayne caalami ah ku leh magaalada Stocklom ee dalka Sweden. Gudddoomiyaha xisbiga KULMIYE, mudane Axmed M. Maxamuud
 

 

        Warkaas Oo Faah Faahsan



4-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga KULMIYE JSL, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo dhawaan ka qayb galay shirwayne caalami ah oo ay xisbiyada dimuqraadiga ah ee qaaradda Yurub ku yeesheen Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden, ayaya u suurta gashay inuu gaadhsiiyo qaddiyada JSL 22 Dal.


 

 

      Warkaas Oo Faah Faahsan

 

                        
5-Aqalka Odayaasha ee Baarlamanka dalka Ingiriiska, ayaa shalay ugu yeedhay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar kulan xog-warran iyo la-tashi ah oo ku saabsan xogogaal u noqoshada xaaladda Somaliland iyo xiisadaha siiyasadeed iyo kuwa colaadeed ee haatan ka aloosan mandaqadda Geeska Afrika.

 

 

        Warkaas Oo Faah Faahsan

 

 

6-Dr Maxamed Cabdillahi waxa uu shir caalami ah kaga qayb galay waddanka waqooyiga Ireland.Shirkaas oo ah ka qayb galeen wufuud ka socotay ilaa 28 dal.


 

         Warkaas Oo Faah Faahsan

 


7-Dr Maxamed doodo fara badan ayuu ka qayb galay sannadkii inna soo dhaafay ee 2008, isagoo qadiyadda gooni isu taagga Somaliland  si cilmi ahaana u daafacaya.Tusaale ahaan ,waxaan idiin soo  gudbinaynaa mid ka mid ah doodahaas , oo uu Dr Maxamed  , aqoontiisa ,waayo arag nimadiisa,khibradiisa  iyo kartdiisaba,  ku daafacay, hadhuudh lahana ku daray , mid ka mid ah dadka ka soo hor jeeda  jiritaanka , sharafta, karaamada iyo gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland .

 

 

Doodii oo dhameys tiran halkan ka dhageyso: 


 

 


Dhammaan maamulayaasha,weriyayaasha iyo hawl wadeenada  Shabakadda wararka ee Longlivesomaland News Media, waxaanu u aqoonsanay Dr Maxamed Cabdillahi Cumar Inuu yahay, shaqsiga Sannadka 2008 , Person of the year , ee Jamhuuriyadda Somaliland.


 

HAMBALYO  DR  MAXAMED  CABDILLAHI 

 

 



Maamulka Shabakadda

Longlivesomaliland  News  Media

 

 

 

mahadnaq

 

Waxaan Shabakadda wararka ee  LONGLIVESOMALILAND uga mahad celi nay aa shahaado sharafta ay i guddoon siiyeen iyagoo qiimaynaya hawl  gallayd ayada ku jahaysan dhinaca kobcinta qaddiyada Somaliland iyo  horumarkeed a.

Waxaan anigoo ku faraxsan, leeyahay aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihi in waanan idinka guddoomay shahaadadii aad i siiseen.

Run ahantii shabakada wararka ee  LONGLIVESOMALILAND, waxay ka mid tah ay warsidayaasha Somaliland ee wararkooda iyo faalooyinkooduba ay yihiin kuwa ka turjumaya qawaaniinta iyo anshaxa wanaagsan ee saxaafadda xor ta ah.

Wararka shabakadani waxay ku salaysan yihiin xaqiiq, madax banaani, danta guud ee ummada iyo dhex dhexaadnimo, waana calaamadaha lagu yaqaano saxaafadda wanaagsan ee waxtarka u leh bulshada. 

Waxaan ugu hambalyaynayaa LONGLIVESOMALILAND horumarka ay ka gaadhay tabinta warar iyo faalooyin tayo leh, waxaanan u rajaynayaa inay sii wado shaqada wanaagsan ee ay Shabakadani u qabato akhristayaasheeda.

 

  

Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar