Dr.maxamed
C/laahi Cumar oo ka Qayb galay Xaflad Lagu war eejinayay Maamulka
Gabiley Furayaasha Cusbitaalka Guud ee Laga Dhisay Gabiley.
Gabiley (TNN):-Munaasibad
ay furaha kula kala wareegayeen maamuulka Gobalka Gabiley,Gudida
horu marinta Gobalka Gabiley iyo shirkada dhismaha ee Almis oo iyadu
dhistay cisbitaalkan guud ee maga alada Gabiley,iyada oo
maanta munaasibadaasi lagu qabtay gudaha cisbitaalka.
Munaasibadani oo ahayd mid si heersara ah loo soo agaasimay ayaa
waxa ka soo qayb galay dad wa yne aad tira badan oo ka kala
socday qaybaha kala duwan ee bushada .kuwaasoo is kugu jiray
siyaa siyiin,
aqoonyahano,salaadiin,cuqaal,boqoro,.dhakhaatiir,ganacsato,qurbo
joog,dhalinyaro,haween, iyo dad wayne kale oo lagu soo casuumay
Xafladaasi
Gudoomiyaha gobalka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(xabiib) oo
munaasibadaasi furaha lagula ka la wareegaayay hadal
kajeediyay ayaa ka waramay guud ahaanba xaalada uu kusuganyahay
gobalka Gabiley iyo muhiimada wayn ee uu cusbitalkani u yeelan doono
magaalada Gabiley iyada oo magaalad ni mudo sanado ah aano
shaqaynaynin cusbitalkii guud ee magaaladani..
Badhasaabka gobalka Gabiley ayaa waxa ugu horayn ka war bixiyay
xaalada guud ee gobalka isaga o o sheegay in gobalkani gabiley
ay dhawaan ku soo biireen dag-mooyin iyo tuulooyin cusub oo ay
haa tan dagmooyinku yihiin lix dagmo iyo tuulooyinkoodii,.
Waxa kale oo gudoomiye xabiib ka hadlay cusbitaalkani guud ee cusub
kaasi oo uu gudoomiyuhu tima amay in gobalkani Gabiley wax
wayn uga tari doono xaga caafimaadka..
Isagoo arimahaasi faah-faahinaayana waxa uu yidhi “marka hore aad
ayaan ugu mahad naqayaa qur bojooga gobalkani Gabiley oo iyagu
maalgaliyay cusbitaalkani iyo cid kasta oo gacan ka gaysatayba, in
kasta oo qurbo jooga reer Gabiley ay lahabsaameen howshani sobobta
oo ah waxaanu ka war qab naa dhakhtarada ka shaqeeya gobalada
kale ee dalka sida burco, boorama iyo magaaloyinkalaba wa xa
dhisay qurbo joogooda, dadka qurbo joogta ahi waa xoogii kaydka ahaa
ee bulshada, dadka gudu hu iyagu mahaystaan awood sidaa u
siibadan, laakiin gobolkeenan Gabiley waxaynu leenahay ganac
sato waawayn, aqoonyahano, kuwaasoo aan leeyahay u soojeesta
dadkiina oo wax gashada” , ayuu yidhi gudoomiye xabiib ; isagoo
hadalkiisa siiwatana waxa uu yidhi (cusbitaalkani cusub gudi baanu u
samayn doonaa taasi oo isugu jiri doonta ganacsato, aqoonyahano,
culimodiin, iyo cidii kale ee looga maarmi waayo,maanta inaga ayaa
la ina sugayaa waxaana la inooga baahanyahay in aynu wax dhis
no dhaliisha hala daayo oo ha loo soo jeesto wax dhisid iyo ka
shaqayn aynu ka shaqayno horumarka gobalka )
Sidoo kale waxa isna munaasibadaasi hadal ka soo jeediyay xoghayaha
arimaha dibada ee xisbiga K ULMIYE Dr. Maxamed C/laahi cumar
isaga oo ugu horayn u mahad naqay ururka haweenka Gabiley ee
MAANDEEQ, qurbajoogii dhisay dhakhtarkan sidii wanaagsanayd ee ay u
bilaabeen hawshan isaga oo sheegay xoghayuhu in gobolkani Gabiley uu
muujiyay horumar uu kula tartamaayo gobolada kale
Isaga oo xoghayuhu arimahaasi faah-faahinayana waxa uu yidhi “waxaan
ugu horayn u mahad naqa yaa ururka haweenka ee MAANDEEQ
kaalintii waynayd ee ay ka qaateen dibu dhiska cusbitalka, taas ina
waxay muujinaysaa kaalinta ay haweenku kaga jiraan dalka, waxaan
kale oo aan u mahad naqay aa qurbojooga,gudida horumarinta
gobalka kuwaasi oo ay tahay in lagala shaqeeyo hosha ay u hayaa
gobalka, waxaana loo baahanyahay gudi maamusha dhakhtarka waa laga
ma maar maan taasi,waxa n an filayaa in ay tahay mid lagaga
bad-baadi doono waxyaabo badan,gobolkan Gabiley waxa uu muu
jiyay hor u mar aad u balaadhan,taasina waxa ay ku timid
iskaashi,dhakhtarkani waxa uu ku yimid is kaashi dhexmaray
shacabka iyo maamulka gobolka Gabiley” ayuu yidhi xoghayuhu..isaga
oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ waxaan uga mahad naqayaa
shacbi waynaha Gobolka gabiley sidii wanaag sanayd ee ay uga
qayb qaateen codayntii doorashadii madaxtooyada ee ay ku muujiyeen
sida ay u doonayaan isbedel iyo hor umar” ayuu hadalkiis ku soo
geba-gebeeyay Dr.Maxamed C/laahi.
Marwo Safiya Aw Aadan Meecaad oo ah gudoomiyaha ururka haweenka
MAADEEQ ee gobalka Gabil ey, urrurkaasi oo lahaa fikradii dib
u dhiska cusbitaalkani,iyada oo marwo Safiya ugu horayn u mahad
naqday jaaliyada reer Gabiley ee wadanka finland oo iyagu maal
geliyay dayactirka cusbitalkan,waxa kale oo ay safiya ka waran tay
dhibaatada ay dhakhtar la,aantu ku hayso guud ahaan gobolkan gaar
ahaan magaaladan Gabiley iyada oo sheegtay in marka ay hooyadu
umalayso ama ay dhiig baxdo loo la cararo hargaysa taasina ay
tahay mid dhibaatadeeda leh..
Guddoomiyaha jaamacad Tima-cadde ee gobolka Gabiley Dr Cismaan Aw
Yuusuf Magan oo isna halka asi ka hadlay ayaa uga mahad
celiyay jaaliyada reer Gabiley ee hirgeliyay dhakhtarkani iyo
cidkasta oo gacan ka geysatayba,waxa kale oo uu Dr Cisman sheegay in
ay xidhiidh la yeelan doonaaan jaam acad ahaan dhakhtarkani
isaga oo xusay in ardayda jaamacada ee barata caafimaadku ay tababar
ahaan kula shaqayn doonaan inta ay ku gudo jiraan waxbaraashada.
Sidoo kale waxaa munaasibadani maanta furaha lagaga wareegayay
shirkada ALMIS ee iyadu dhistay dhakhtarkan hadalo ka soo jeediyay
masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Boqor Muxumed Geele
seed,gudoomiyaha guddida hor u marinta gobolka Gabiley Maxamuud
Yuusuf X cabdi,Dr maxam ed Yuusuf Aw cali Culimo,C/samad
daahir oo ku hadlayay magaca qurba jooga reer Gabiley ee dalka
Finland iyaga oo dhamaanba masuuliyiintaasi si aad ah ugu mahad
naqay cidkasta oo gacan ka gaysa tay dayactirka iyo dib u
dhiska cusbitalkani,iyo muhiimada uu u leeyahay bulsho waynta reer
Gabile y, iyaga oo xubno ka mid ah masuuliyiintanai ay soo jeediyeen
in dhakhtarkan loo sameeyo guddi maa musha hawlihiisa taasina
ay tahay mida keliya ee uu ku har mari karo dhakhtarkani.
Mustafe Future
Timacade News Reporter
Gabiley/somaliland.
|