Wasiirka Arrimaha
Dibada Somaliland Oo Kulan La Yeeshay M adaxweynaha iyo Wasiirka
Arrimaha dibedda ee Dalka Jabuuti
Hargeysa October 19, 2010 (TNN)-Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo
booqasho diblomaasiyadeed ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta oo
Salaasa -19 October,20 10 qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti kulan
rasmi ah kula yeeshay Madaxwaynaha Dawladda Jabuuti, Mudane
Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirku wuxuu Madaxwaynaha u gudbiyaya
fariin uu ka siday Madax waynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo nuxurkeedu yahay sida sh
acabka iyo xukuumadda Somaliland ay u danaynayaan horumarinta
xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhax eeyay Somaliland iyo
Jabuuti, iyo in loo baahan yahay kobcinta xidhiidhkaasi. Wasiirka
iyo madax wayn uhu waxay is waydaarsadeen hadalo ka turjumayay
mawqifka labada dal ee siyaasadda mandaqada geeska Afrika iyo
ilaalinta xasiloonida oo ah dan guud oo ay wadaagaan labada dal iyo
wadamada kale ee gobolkuba. Madaxwayne Ismaaciil Cumar geelle wuxuu
dadka Somaliland ugu hambalyeeyay guulaha dhinacyada badan leh ee ay
gaadheen.
Isla maanta galinkii hore wuxuu wasiirka Arrimaha Dibadda ee
Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cum ar, kulan dheer la
yeeshay Safiirka dawladda maraykanka u fadhiya dalka Jabuuti,
Ambassador Swan. Waxaa kulankan lagaga wada hadlay siyaasadda cusub
ee Maraykanka ee ku wajahan taageerada iyo la shaqaynta Somaliland.
waxaa kulanka oo hore loo sii qorsheeyay ujeedadiisu ahayd inay
Somaliland talo ka gaysato siyaasad la filayo in dhawaan wasaaradda
arrimaha dibadda ee Maraykanku ka soo saarto magaalada washington oo
ku wajahan Somaliya iyo Somaliland. wuxuuna wasiirku u ololaynayay
sidii aragtida iyo qorshaha xukuumada Somaliland loogu xisaabtami
lahaa ka hor inta aanu siyaasadda asi soo bixin dabayaaqada
todobaabkan.
Waxaa kaloo shalay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland
xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti mudane
Maxamuud Cali Yuusuf. Waxay labada wasiir kawada hadleen sidii loo
dar dar-galin lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee
dhinacayada ganacsiga, nabadgalyada iyo siy aasadda. waxayna
isku raaceen qorshe wax lagaga qabanayo fulinta arrimaha ay kawada
hadleen. Shirka ka dib wuxuu wasiirka khaarajiga Jabuuti qado-sharaf
u sameeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.
Dhinaca kale , waxaa maanta wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland
qada-sharaf ugu sameeyay hu dheelka uu degen yahay wasiirku ee
Kimpenski, xubno ka tirsan xukuumadda dawladda jabuuti, qaar ka mid
ah ganacasata waawayn ee reer Jabuuti, jaaliyadda Somaliland iyo
hogaamiye dhaqameedyo.
Shalay galinkii danbe waxaa wasiirka khaarjiga ee Somaliland la soo
tusay hawlaha horumarinta ee dal ka Jabuuti ku talaabsaday
sanadihii ugu denbeeyay oo ay ka mid tahay balaladhinta dekedda iyo
mash aariicda badan oo nawaaxigeeda laga hirgaliyay.
Waxaa la qorshaynayaa in Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland
dhawaan booqasho ku tago Jam huuriyadda jabuuti, oo qayb ka ah
safar madaxwaynuhu dhawaan ku tagi doono wadamo ka mid ah dalalka
jaarka.
|