Dr.Idirisow Hadii aqoonta iyo garaadku isla jaanqaadin waa garbo la'aan

 

Aqoontu waa mid ilaahiya ah iyo mid uu qofku barto,garashaduna waa hibo Eebe  ad u unkiisa ugu deeqo. La yaab maaha hadii uu qofku difaac siyaasi isku dayo,waxase nasiib darro ah inuu u ekaado qof maqiiq u tafo xaytay.

Waa wax laga xishoodo arrin aanad keli u hawl gelin inaad guusheeda sheegato, adi goo weliba aqoonyahan ah,ummadna xil culus u haya.

Wasiirka xanaanada xoolaha Mudane Dr.Idiris waxa uu si qaawan eed dusha uga  tuu ray Gudoomiyaha xisbiga UCID Mudane Eng.Faysal Cali oo uu ku tilmaamay nin libanta siiyay Shariifka Xamar inuu xoolaha dhoofintooda soo furay.

Waa la yaab arrinka khuseeya Sacuudiga oo dhamaan xoolaha Somalida ka qaaday  x ayiraada,dhacdana waqtiga isagu u baahanyahay ee xajka inuu Dr.Idiris la soo  taag naado keli dawlada uu ka tirsanyahay ayaa u fure ahayd,kuna shaambadeeyo  Gudo omiye Faysal inuu qaranka meel kaga dhacay,raalli gelinna siiyo shacabka Somaliland.

Waydiinta aan u soo jeedinayo Dr.Idiris waxay tahay "Ma Somaliland ayay keli ku  ta hay xayiraada xoolaha laga qaaday?" Marka xigta "Ma Somaliland ayay keli ku tahay maxrajyada carabku dhistay?"

Mudane wasiir saw ma ogid ummadan reer Somaliland inay tahay  dadyawga ugu  ho reeyay ee u shaqo taga dalka Sacuudi arabia,kuna noolyihiin ilaa maanta.Shacabka aad u sheegayso wax aan jirin way ogyihiin inuu ninka Jaabiri ka dhistay maxjaro  da lka jabuuti,Bosaaso iyo dalkeena Somaliland (Berbera).Waana arrin ku saabsan  dhin aca caafimaadka xoolaha laga dhuufinayo waddamadan kor ku xusan.

Dhinaca kale,Dr.Idiris miyuu ilawsanyahay boqortooyada Sacuudigu inay Somaliland u aqoonsantahay gobol ka mid ah Somaliya! Talaabooyinka dalnimo ee ay la  yeelanay sana ay u marto Somaliya. Dabcan innagu dal iyo qaran gaar ah ayaynu nahay balse weli Sacuudigu taa ma qabo. Bal Dr.Idiris waxan uu dibnaha u kala furay miyaanay garashadiisu la jaan qaadayn aqoontiisa!

Talaw Dr.Idiris ma arday dugsiga hoose ku jirta ayuu cashar u marinayaa
!



Somaliland Guul.

 

 

 

Xuseen Badmaax