War Saxaafadeed
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة
Date, November 25, 2010
Xisbiga UCID shir maanta ay guddigiisa fulinta ay iskugu yimaadeen
xafiiskooda waxay ka soo saareen warsaxaafadeedkan
1. Xisbiga UCID waxay soo dhaweenayaan heerka ay marayso nabadaynta
labada Beelood ee walaal aha ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay
kalshaale, wajiga labaad ee lagu galayo Maygaaglena waxaan
rajeynaynaa in uu guul ku dhamaado.
1. Sidaynu wada ognahay waxa laba cisho horteed hadlay Wasiir ku
Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo si fiican uga digay Puntland
inay soo faragaliyaan nabadeynta labada beelood ee lagu
heshiisiinayo Maygaagle.
Waxa Ummadda Somaliland la yaab iyo waxaan loo fadhiyin ku noqotay
waraysigii BBC-du la yeelatay Wasiirka Daakhiliga Dr. Gaboose ee uu
ku sheegay Wasiirada Puntland ee jooga Buhoodle inay iman karaan
Somaliland oo ay ka qayb qaadan karaan nabadaynta labadaas Beelood.
Waxa hadaba is waydiin leh goorta iyo goobta ay Somaliland iyo
Puntland ay ku heshiiyeen!!
Miyaan ahayn Puntland kuwii inagu haystay dhulkeena iyo dadkeena ee
lahaa isku isir ayaanu nahay oo xuduudihii hore layaqaaney ayaanu
wax ka bedelaynaa?
Qaabkan uu uga hadlay Wasiirka Arimaha Guduhu arrintan waa wax gebi
ahaanba baalmarsan shuru ucda dalka u taala, gooni isu taaga
iyo jiritaanka Somaliland. Waxaanay meel ka dhac ku tahay
siyaa sadii Wasaarada Daakhiliga ee loo igmaday loona dhaariyay;
waxaanu ixtiraami waayey Wasiir ku xi geenkiisa oo sidii ku
haboonayd uga hadlay arrintan. Waxaana waajib ku ahayd Dr gaboose in
qadiya da Somaliland uu difaaco oo aanu ka hor imanin, doorkii ku
haboonaana ka qaato.
Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku (UCID) wuxu Xukuumada Somaliland u
soo jeedinaynaa in xilka uu ha yo Wasiirkaas laga xayuubiyo.
Isla markaasna wuxuu u cadeynayaa cid kasta oo xil u haysa Ummadda
Reer Somaliland inay ogsoon aadaan in gooni isku taaga
Somaliland uu yahay mid aan gogortan lahayn, cid gaara oo
waxyeelaysa na aan lagu raaligelin karin.
Kooxaha Somaliland diidka ahna ee isku uruursaday aaga Buuhoodle
waxaan u sheegaynaa in Beelaha Somaliland 1991 ay shirkii Burco lagu
heshiiyey layiskulana qaatay gooni isu taaga Somaliland, cidii ka
hortimaadana waxaan u sheegaynaa in awood Qaran wax lagaga qaban
doono, islamarkaasna xuduu daha Somaliland ay yihiin muqadas lama
taabtaan ah.
Alla Mahad Leh
Muuse Xaaji Maxamed Guuleed
Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID
Yasmin Raygal Secretary of UCID Party
Cell Phone 00252-2-4427304
Office Phone 00252-2-524326
Hargeisa- Somaliland
|