Masuuliyiin Cusub oo loo Magacaabay Degmooyinka Wajaale iyo Gabiley

 


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa masuuliyiin cusub u magacaabay shalay degmooyinka Tog-wajaale iyo Gabiley.

Degreeto uu shalay soo saaray Wasiir Gabboose waxa Guddoomiyaha degmada Wajaale ugu magacaabay Xaashi Maxamuud Cabdi Geeddi, Guddoomiye-ku-xigeenna Maxamuud Sheekh Muuse Bookh, halka uu Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Tog-wajaale u magacaabay Faysal Maxamuud Cumar.

Sida oo kale waxa uu Wasiirka Daakhiligu u magacaabay Mr. Axmed Maxamuud  Muxum ed inuu noqdo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Gabiley.

Masuuliyiinta cusub ee loo magacaabay degmooyinka Gabiley iyo Wajaale, ayaa la  filaya a in ay maalmaha soo socda si rasmi ah xilalka ugala wareegaan masuuliyiintii hore ee

 xukuumaddii Madaxweyne Rayaale.


Source:Jamhuuriya Online