Dr.
Axmed Xussein Ciise oo la hadlay dadweynaha somaliyeed k. africa
Dr. Axmed Xuseen
Ciise oo La hadlay Dadweynaha Somaliyeed ee Degan Koonfurta
Afr ika ugana Waramay Arrimaha Somaliland , Somalia iyo Geeska
Afrika Waxay dadweynu hu aad u soo dhoween khudbadiisii oo
ahayd mid isu so dhowaynaysa Dadweynaha Som aliyeed ee Koonfur
Afrika?. Waxay qaar ka mid ahi ku dhawaaqeen inaan Somaliland la
xaasidin ee la isbarbar taago gacanna laga siiyo aqoonsi raadiskeeda.
Waxay maanta oo Jimcaha xaflad balaadhini ka dhacday madasha
shirarka ee AMAL Sh opping Centre ee xafaada somalida ee
Mayfair, Johannesburg . Xafladfaas waxa si wada jir u soo
qabanqaabiyey labada urur ee Community of Somaliland in Southern
Africa (COSSA) iyo Somali Community Broad. Waxana ka soo
qaybgalay dhammaan qaybaha ay dadweynaha Somaliyeed ee deggan South
Afirca ka kooban yihiin.
Maalmihii u dambeeyey wuxuu Dr. Axmed Xuseen Ciise lalahaa
Jaaliyaddaha Somaliyeed hadalo gooni gooni ah oo uu ku talinaayey
inay danahooda isku meel uga soo wada jees taan, iskuna
duubaanaadaan.
Wuxuu ugu horrayn la kulmay Jaaliyadda Somaliland iyo ururkooda
COSSA. Wuxuu kale uu la Kulmay madaxda Somali Community Board oo ay
ka wada hadleen dhibaatada hay sata dadka Somaliyeed ee ku
dhaqan dalkan ee dil iyo dhac badan lagu hayo aanan lah ayn
dawladdo u hadla iyo siday isu xilqaameen ee u ururiyeen macluumaad
dhab ah, int ay yihiin iyo khasaaraha soo gaadhay sanadiihii u
dambeeyey..
Waxa kale oo sidoo kale si gaar ah ula kulmay qaybo ka mid
Jaaliyadda oo ay ka wada h adleen dhibaatooyin gaar ah oo ay
dhinaca Somaliland ka tirsanayeen.
Wuxuu Prof. Axmed ugu balanqaaday inuu Somaliland gaadhsiin doono
warbixin dhan in ta karaankiisa ahna uu kala hadli doono
madaxda South Africa arrimaha khuseeya dadka Somaliyeed ee halkan u
soo qaxay ama ka shaqaysta. Khudbadii uu Jimcihii ka jeediyey
halkaas ayaa ahayd mid naxariis iyo walaaltinimo ku xeeran tahay.
Wuxuu Prof. Axmed ka hadlay colaada ka jirta meelo badan oo Geeska
Afrika khaas ah aan Somaliya iyo sida ilaa maanta xal loogu
la'yahay.Wuxuu ku tilmaamay dadka Soma liyeed dad sharaf badan
iyo qiimo lahaan jiray oo aduunka iyo Afrikaba laga jeclaa
maan tana colaada soo jiitantay ay karaamadii ka qaaday.
Wuxuu sheegay in Geeska Afrika halkay Somalidu ka deggan tahay inuu
noqon karo meel hogaamisa dhaqaalaha iyo Siyaasadda Afrikaba. Prof.
Axmed wuxuu si gaar ah uga war ramay Somaliland iyo nabadda ka
jirta iyo horumarka illaa maanta ay gaadhay. Wuxuu ka warramay
heerka dhaqaale iyo wax barasho. Wuxuu tilmaamay inay Somaliland
tah ay meel lagu nabadgeli karo, waxna ka qaban karta colaadda ka
jirta Somalia haddii mar ka hore ay iyadu si fiican isu taagto.
Waxa kale oo uu qaadaa dhigey Dr Axmed sidii ay reer Somaliland ku
gadhen horumarka isagoo tilmaamaya in ay tahay wada hadal iyo
is ku tanaasul iyo kala danbeyn ay keenen shacbi weynaha Reer
Somaliland.
Dr Ahmed Hussein Ciise waxa uu bulshadii somaliyeed ku qanciyay in
haddi Somaliland la aqoonsado ay dan u wada tahay dhamaan bulsha
weynta somaliyeed oo aney ku kobna yn reer Somaliland oo
kaliya.
Dhinaca kale waxa uu talooyin wax ku ool ah u soo jeediyay dadka ku
hadal af Somaliga ee ku dhaqan wadanka koonfuur Africa waxanu yidhii,
"Waad la socotan wadankan aad joogtan in madaw iyo cadaanba loo soo
haajirey ha loo soo kala horeyeebe. Waxayna halkaa qoloba weliba ku
soo gadheen waa isku duubni iyo kala danbeyn waxan idiin soo
jeedinaya in aad isku dubnataan oo aad wax wada qabsataan imika wey
ii muqata in uu jiro xidhidh laakiin waa tan shirkanba wada jir u
soo qabateen, laakiin waa inaad sii laban laabtaan. Waa inaan
kooxiba dhinaceeda mas'uuliyiinta dawaladdan iyo safaaradaha
jo oga gooni gooni ugu tagin, waxba idiin tari mayso. Inta ka dib
waxa dadweynuhu su'aalo weydiyeen Prof. Axmed.
Su'aaal. Prof waxan ku weydiiyay waxaa Somaliland loo aqoonsan wayay
mudadaas dhe er?
Jawaab. Siday ila tahay waxa loo aqoonsan wayay Somaliland waxaa sal
u ah saddex arimood: 1. In muddo badan ay ku hawlaneed beesha
caalamku siday u nabadayn lahayd Somalia iyada oo shirar iyo
dawladdu ku meel gaadh ah marba la dhiso, beesha caalamkuna mar
walba istidhaado bal horta suga intay waan waantani hirgelayso. Ka
hadalkii laga hadli lahaa arrimaha Somaliland taasi kolba dib bay u
sii dhigtaa.
2- Beesha Caalamka oo had iyo jeer u daysa midowga Afrika arrimaha
Afrika, nasiib dar raduna tahay Midawga Afrika oo ku fiicnayn goaan
qaadashada oo aan habayaratee ka yeelin dhibaatooyinka dhex yaal
Afrika sida ay EU-da ka yeeshay dhibaatooyinkii dhex taagnaa
BALKANS oo si wanaagsan u kala furdaamiyeen. Iyaga oo aqoonsaday
wadda mo kana dambeeyey Somaliland lana miisaan ahayn Somaliland .
3- Iyo iyada oo uu qabo inaanay reer Somaliland, xukuumad, asxaab
iyo jaaliyadba gaa dhsiin dadaalkoodii aqoon raadiska halkii
loo baahnaa ee midho dhalin lahayd.
Prof Axmed Xussein Ciise ayaa ah siyaasigii kowaad ee ka soo jeeda
Somaliland ee uma dda Somaliyeed ee ku dhaqaan South Africa
ula kulmey sii gar gar ah iyo sii guudba.
Ugu dambayntii waxa halkaa ka hadlay odayo hogaamada jaaliyadda ka
mid ah oo dham maan taageeray hadaladii Axmed Xuseen. Oday ka
mid ah odayda ka soo jeeda Puntland kana mid ah aasaasayaashii
ururuka Somali Community Board oo halkaa ka hadaly ayaa soo
gunaanaday shirkii isagu oo yidhi:
"Professerku wuxuu inuugu yimi walaatinimo, kuna soo dhawaynay,
wuxuu inoo la had lay isaga oo aqoontiisa inagu soo kordhiyey
sidii aynu wax u wada qabsan lahayn. Wuu inoo sheegay inuu isagu
reer Somaliland yahay iyo waxay qabsatay oo aanu annaba qir
ayno inay tahay dhul Somaliyeed oo aynu maanta ku nabadgalnay kuna
nabadgeli karto. Shan Somaliyeed baynu doonayaynu, waxbana inaynu ka
qabno maaha inay Somaliland sidaa Djibouti xor iyo dal madaxbanaan
noqoto , in la xaasidan maaha
Ibrahim Miigane
Zaaki
Johannesburg |
|