Dr. Axmed Xusseen
Ciise Oo Deeq Buugaag Ah Ugu Deeqay Dugsiga Hoose Dhexe Ee
Qudhac-Dheer
Hargeysa (TNN ) - Dr. Axmed
Xuseen Ciise ayaa maanta buugaag ku wareejiyay maamuulka dugsi
ga hoose dhexe ee Qudhac Dheer ee Magalada Hargeysa .
Munaasibada ay labadan masuul kula kala wareegayeen buugaagta oo ka
dhacday xarunta dugsi gaas Qudhac-Dheer ayaa waxa ka soo qayb
galay maamulka dugsiga, macalimiinta, Ardayda iyo waalidiin
Caruurtoodu waxa ka barato dugsigaasi.
Ugu horeyn maamulaha dugsiga Hoose Dhexe ee Qudhac-dheer Jamaal Aw
Cali Cilmi oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu
mahadnaqay Dr.Axmed Xuseen Ciise, deeqdan buugaagta ah ee uu ku soo
wareejisay dugsiga, waxaanu balan qaaday in ay ka maamul ahaa sida
ugu fiican ugu maamuli doonaan ardayda.
Waxa kale oo uu sheegay in deeqdani ay tahay mid qiime weyn ugu
fadhida ardayda iyo maamulka dugsigan “Waxa aan Axmed Xuseen Ciise
uga mahadnaqayaa sida fiican ee uu noogu deeqay buu gaagtan,
waxaanan leeyahay if iyo aakhiro labadaba waa wax meel fiican u
gelaya” ayuu yidhi Ma amulaha dugsiga hoose dhexe ee Qudhac
Dheer.Waxa kale oo uu sheegay in ay baahi weyn u qab een
Buugagtaasi, isaga oo Xussay in ay markasta soo dhaweynayaan Deeqa
noocan oo kale ah.
Dr. Axmed Xuseen Ciise ooka mid ah assaasyaasha Abaarso Tech oo isna
halkaas ka hadlay ayaa sheegay in buugaagta uu maanta ku
wareejinayaa ay tahay baaqiga buugaag ay Abaarso Tech ka keentay
dalka maraykankan oo gaadhasysay ilaa 20,000 in badanina ka soo
hadhay baahidii ay AT u qabtay.
Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in dugsiga hoose dhexe ee qudhac
dheer uu yahay halkii uu waxbarashada ka bilaabmay waxaanu maamulaha
iyo macalimiinta kaleba ugu baaqay in aanay b uugaagtaasi
noqonin kuwo la dhigto guryaha oo ay shakhsiyaad koobani ka
faa’iidaystaan balse loo baahan yahay in dhamaanba ardaydu ay u
sinaato oo ay noqdaan wax ay ka wada faa’iidaystaan.
“Dugsiga qudhac dheer waxa aan buugaagtan u siiyay dedaalkii ay ka
galeen dhinaca waxbarasha da oo labadii sanadood ee u
dambeeyeyba ay arday badani ka soo gashay Abaarso Tech. Waana halkii
aan Hargeysa dugsiga hoose ka bilaabay aniga oo ka mid ahaa fasalkii
ugu horeeyey ee hal kaa lagu bilaabo. Asxaabtii aanu halkan
standard one ka wada bilownnay in badan baanu haddan na Sheikh
isugu tagnay oo dugsiganna markaaba aad buu u fiicnaa. Waxa ragaa ka
mid ah Adan Mohamoud Xasan, Mohamed Ahmed Mohamed, Gaxnuug,
Cabiraxman Dheere, Xasan Yusuf iyo rag kale oo badan oo weli aanu
asxaab nahay. Buugaagtan markii hore Abaarso Tech baa loo keenay
waxaanu se jecelnahay in ardayda Somaliland ka wada faaiidaysato.
Markaa waxa aan maamulka kula dardaarmayaa in aanay buugaagtani
noqonin kuwo la dhigto gur yaha oo keliya oo ay ka
faa’iidaystaan shakhsiyaad balse waxa loo baahan yahay in ay ardaydu
u sinaato oo ay kawada faa’iidaystaan” ayuu yidhi
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Mid k a mid Walidiinta oo la
yidhado Salax Xassan Maxa med waxanu sheegay in uu uga
mahadnaqayo Dr. Axmed Xuseen Ciise deeqdan buugagta ah ee uu ugu
deeqay guddoonsiiyayna dugsiga Qudhac Dheer.
waxa kale oo uu sheegay in aany marnaba ilaaweynin Deeqdan Buugagta
ah ee Abaarso Tech iyo Dr. Axmed Xusseen Ciise u fideyeeen ardayda
iyo macalimiinta Qudhac Dheer.
Buugaagtaa waxa ku jiray set Encyclopedia ah oo iksu dhan, buugaagta
laga barto xisaabta, Che mistry, Biology, English iyo Geography
waxaanay qiyaas ahaa ka badnaayaan 500 oo buug oo cus ub.
dhegaystayaal waxaanu idiinsoo Gudbindoona Deeqdaasi uu saaka Dr.
Axmed Xusen Ciise ugu dee qay Dugsiga Qudhac-Dheer ee ku yaal
Magalada hargeysa. oo ah DHAGEEYSI ee la soco sacadaha soo socoda
Source:Waaheen
|