Dr. Sifir oo waraysi
gaar Ah kaga hadlay Aqoonsiga Maraykanka ee Somaliya

Hargeysa (TNN)-Wakiilka dawladda Somaliland u fadhiya dalka Kenya
Dr. Maxamuud Cabdill a ahi Jaamac (Sifir), ayaa sheegay inaanu
aqoonsiga Maraykanku siiyay dawladda Somali ya wax saamayn ah ku
yeelanayn dawladda Somaliland.
Dr. Sifir oo xogogaal u ah arrimaha diblomaasiyadda gobalka Geeska
Afrika, wuxuu sheeg ay in Maraykanku aqoonsaday dedaaladii uu
sannadihii u dambeeyay geliyay dalka Soma liya. Dr. Sifir, oo isagoo
jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya xalay u waramay Wargey ska
Geeska Afrika, wuxuu ugu horayn ka hadlaya aqoonsiga Maraykanka oo
ay bulshada Somaliland aad u hadal hayso, waxaanu yidhi ?Intaynaan
saamaynta dawlada maraykanku ay inagu yeelanayso eegin in aynu dib u
eegno arrimaha weeyaan, marka hore dawladan Maraykanku waxay
aqoonsatay wado la raacayay oo ay daba socotay ilaa 2009-kii Jabuuti
laga soo bilaabo ilaa Kampala, waxii ay had iyo jeeraale
taageeraysay ciidamadan dalka la geeyay ee ay iyadu lacagta siiso,
waxay aqoonsatay waxa weeye waxii ay taageeraysay waxuu ku
dhammaaday.?
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi ?In uu dal Soomaaliyeed
waligeedba jiro waa la og aa, qaramada midoobayna had iyo jeeraale
waad ogtahiinoo midnimada iyo wada jirka ma bda?iyan waxba kamay
badalin, wax cusub oo halkaas ka yimina ma jiro, waxan la abuuray ee
dawlada noqday maxuu yahay ayaa hadaba is waydiin leh ta saamaynta
inagu yeelan kartaa waa taas ee maaha ta Maraykanka, anigu
Maraykanka iyo Qaramada midoobayba waan la hadlay cid ay wax ka
qarsoon yahiina ma jirto, Dawlada Maraykanku waxa laga yaabaa in
aanay wax badan ka aqoon siyaasada Soomaaliyeed iyo dhaqankeeda,
laakiin dawladnimadu waxay tahay iyo halka loo maro waa ay yaqaaniin
iyo waxay dawladu cag aha isugu taagi karto.?
Sifir, oo arrinkan sii sharaxayaa wuxuu yidhi ?Markaas xaqiiqada
Somaliya maxay tahay? Taasna waa laga wada war hayaa, labaatan kun
oo ciidan ah oo shisheeye ayaa ka dagaal ama oo la dagaalama
Shabaabka, gobalada in badan ayaa ay gacanta ku hayaan meelaha laga
saarayna maamul looma samayn oo nidaamka loo samaynaayo wax heshiis
lagaga yahay ma jirto, markaas waxay I xasuusinaysaa tani barigii
aan aniguba TFG-da ku jiray ee aan ka noqonay halkan ( Kiiniya )
ayaa laysku qabtya laba wax, dhinac waxa uu yidhi dib u
heshiisiintii waa la soo af-jaray oo waa ay dhamaatay, qolo aan
anigu ku jiraana waxay tid hi waxba lama soo heshiin oo hadday curad
tahaye dadka dib u heshiisiin haloo sameeyo, waxa maanta taas lamid
ah dadkan ku hadaaqaya in waxii kala guurka ahaa soo af-jarmay, wax
soo af-jarmay ma jirto, wax is badalayna ma jiro ee wax waliba waa
sidiisii Somaliland meeshee diibay joogtaa, Puntland meesheedii ayay
joogtaa oo gabalada dhaxe waa meesh oodii, markaas dadkan ku
hadaaqay waxii kala guurka ahaa ayaa dhamaadeen waa filin iyo
riwaayad iyo dad wax ma garato ah ama aan daacad waxba ka ahayn.
Markaas dawlada Maraykanka iyo dawladaha kaleba in Somaliland ay
jirto waa la ogyahay, wadada dheer ee ay soo martayna waa la ogyahay
cid dafirsanina ma jirto, waana tii wad a hadalka la bilaabay, hada
hadii wada hadalkaas la sii wadana wax lagu heshiiyay ayay no
qonaysaa wada hadalkuna waa inoo wada dan si waxan loo soo af-jaro.?
Waxa kale oo la weydiiyay danjiraha su?aalahan
Siyaasadii labada dhinac ahayd ee uu Maraykanku kula dhaqmaayay
Somaliland iyo Somali ya xagay ku danbaysay, se haddaad tidhi
Maraykanbaa xidhiidh la sameeyay ma kala hada shay qaabka uu
Somaliland ula xidhiidhayo?
Waan kala hadlay Somalilandna sideedii ayaa loo arkaa, waxan wax
iska badalayaana waa dhulka Shabaabka laga qabanaayo ee maamulada
loo samaynaayo ee waxii Xamar ku koobnaa la balaadhinaayo, waana
sida qabyada looga saarayo.
UN-ku waxa uu hadda wadaa sida ay uga hawlgali doonto Somaliya iyo
Somalilandba, bisha saddexaad ee sanadkan ayaana golaha amaanka war
baxin la gaynayaa, tilmaamaysa aay aha iyo mustaqbalka sida
qamaramada midoobay ay uga shaqaynayso Somaliya, waana w ax imika la
curinaayo waxna waa waxii hore oo isa sii soconaaya.
Ugu danbaynta maxaad ku soo gunaandaydaysaa, marka aad eegto hadal
hayntan aqoon siga uu Maraykanku siiyay Somaliya?
Xaqiiqadu waxaya tahay inay dawlad cusubi maanta ka abuurantay
Somaliya caalamkuna uu is leeyahay waxbaa dib looga samayn karaa, oo
kaalmo loola diyaar yahay, inagana wa xa laynooga baahan yahay in
aynu noqono dad xalkaas ka qayb gali kara, waana in dadkee na la
mideeyo oo siyaasadeena dib loo habeeyo oo wada tashi la galiyo.
Waana in duruufta cusub ee abuurantay aan layska indho tirin, danta
Somaliland iyo ta So maliyeed iyo ta geeskuba sidaas ayay ku jirtaa,
waxii intaa ka danbeeya haddii talo wanaa gsan iyo da?daal iyo
muwaafaqo la helo horaa loo socon karaa waxa socdana saamayn ay aynu
ku yeelan karnaa.
Ugu danbtaynta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya maxaa laga
filan karaa?
Waxa ka soo baxi kara wax rabitaanka dadka waafaqsan iyo waxa lays
dhaafsanaayo iyo sida danahaaga loo raadinaayo, in aynu markaas
inaguna waxaas ka fakarno oo laga wada tashado, waa layna
tijaabinayaa ee waa inaynu tijaabadaas ka hawl galanaa.
Source: Geeska Afrika
|