Wasiirka Arimaha Dibadda Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah Ee Somaliland
Oo Khudbad Dheer Ka Hor Jeediyay Goloha Guurtidda

"Wufuuda dalka imanaysa ee u badan wadamadda Reer Galbeedka ah
darajadda sarrena leh.... " Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland
Hargeysa (TNN)- Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta iskugu yimaadeen
Goloha Guurtidda Somalil and, ayay warbixin kaga dhagaysteen Wasiirka
Arimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr:
Maxamed C/laahi Cumar.
Fadhigan oo uu shir Gudoominayay Gudoomiye ku Xigeenka Kowaad ee
Goloha Guurtidda Somalila nd Sh. Axmed sh Nuux Furre,
Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar waxa uu
Goloha uga warbixiyay halka ay marasio xaaladda Siyaasaddeed ee
dibaddu, waxana uu sheegay in ay ku guulayteen in tii ay taladda
dalka hayeen in ay xidhiidh Wanaagsan la yeeshaan qaar ka mid ah
dalalka beesha caalamka.
Wasiirku waxa uu si adag ugu n uunuuxsaday waxyaabihii u qabsoomay
tan iyo wakhtigii uu la wa reegay xilka Wasiirnimno, waxana uu
sheegay in ay beesha caalamka ka dhaadhiciyeen Qadiyad da Somaliland.
Wasiir Maxamed Cumar waxa uu sheegay in uu si weyn u rumaysan yahay
in xidhiidhka ka dhaxe eeya beesha caalamka iyo Somaliland uu yahay
halkii ugu Wanaagsanayd ee uu abid marro xidh iidhkoodu waxana uu
yidhi isaga oo arintaas ka hadlayaa “Xidhiidhka aanu lee nahay
caalamka ha day tahay waddamadda Maraykanka ama waddamadda kale ee
reer galbeedka ah, intuba waxa an aaminsanahay in ay meele wanaagsan
marayaan, wax ba idinku habsaamin mayo xidhiidhka a ynu lee nahay
waddamadda Yurub iyo kuwa Maraykanka, waxa ugu weyn in waddamadda
Yurub ay intoodda badan laba jibaareen mucaawimaddii iyo kaalmaddii
ay siin jireen Somaliland, waxaa taa dheer in waddamadda qaar
Tusaale ahaan waddamadda Ingiriiska iyo wadanka Denmark in ay
muwcaawimadaas ay si toos ah u siinayaan Somaliland, halka ay markii
horre ay gacan sadd exaad soo marin jireen”.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay jiraan Wufuud badan oo ka socdda
caalamka kuwaas oo ka soo degay Dalka, waxana uu sheegay in
imaashiyaha ay yimaadeen dalka ay sababtay Xidhiidhka ay Somaliland
la lee dahay caalamka intiisa kale, Wasiirku waxa uu intaasi ku
daray in ay yadaddiilo far badan ay galisay dadka reer Somaliland ka
dib markii wufuud caalami ahi ka soo dageen madaaradda dalka “Waxa
si horr dhac ah u bilaabay oo rejo weyn in galinaysa in waddamadda
qaar ay ku dhiiraddeen in ay toos ah ula shaqeeyaan Somaliland,”
ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland.
Dr Maxamed C/laahi Cumar waxa uu dhanka kale sheegay in wufuudda
dalka imanaysaa ay ka turjumayso horumarka ay gaadhay Somaliland,
iyo xidhiidhka joogtadda ah ee ay samaysay Xukuumadda uu hugaaminayo
Madaxweyne Siilaanyo waxana uu yidhi “Wufuuda dalka imanaysa ee u
badan wadamadda Reer Galbeedka ah darajadda sarrena leh haday tahay
safiiro, wasiiro xildhibaano iyo madax kale ha ahaadaane, haday
tahay dalkalka reer galbeedka iyo wadamadda kale ee arintani waxay
ka turjumaysaa horumarka dalka ka socda ee shacabka Somaliland ku
tal aabssadeen waxay kalloo ka turjumayaan horumarka ay dawladdani ku
talaabsatay”.
Wasiirku waxa uu carabka ku dhuftay in Xaaladda Somaliland waxa laga
weydiin jirey muddii Lab aatanka sanno ee ay jirtey Goloh Amaanka,
balse waxa uu wasiirku sheegay in ay nasiib wanaag tahay in
wakhtigan si toos waxa looga weydiiyo masuuliyiinta Somaliland,
taasna ay ku gaadheen ayuu yidhi wasiirku dadaalka Xukuuamdan Cusubi
u gashay qadiyadda iyo karaamadda Somaliland.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office
|