Gaboosoow Is-dhegayso: Nuxurka Qoraalkii uu ku joojiyay Fadhiyadda G/Deegaanka Gabilay





Hargeysa (TNN)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, imikana ah Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose) , ayaa shalay ka gal gashay masuuliyadda qoraal uu soo saaray 31-kii Bishii December 2011-kii kaasi oo uu ku joojiyay fadhi aan caadi ahayn oo ay Golaha deegaanka ee degmadda Gabil ey ku doonayeen inay ku doortaan Guddoomiye cusub ka dib markii xilkii iyo xasaanadiiba laga qaaday Maayar kii hore ee magaaladdaasi Aadan Muxumed Badde, oo lagu eedeeyay inuu musuqmaasuqay hanti qaran.

Wasiirkii hore waxa uu xiligaasi soo saaray qoraal uu ku joojiyay fadhiyada aan caadiga ahayn ee golaha deeg aanka Gabiley, haddana waxa uu shalay dafiray inaan qoraalkiisu sabab u noqon karin joojinta fadhiyada aan caadiga ahayn ee Golaha deegaanka Gabiley.

Waxaanu akhristeyaashayadda halkan ugu soo gudbinaynaa nuxurka qoraalkii Dr. Gaboose,  uu ku joojiyay fadhiyada aan caadiga ahayn ee Golaha deegaanka Gabilay oo shabakadda Somaliland.Org ay nuqul ka mid ah heshay, kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Tixraac warqada ku taariikhaysan 31/05/2011 ee ay soo gudbiyeen xildhibaanada Golaha Deegaanka Degma da Gabiley oo ka koobnaa 10 Xubnood, ujeedadooduna ahayd codsi buuxin jagada Gudoomiyaha iyo qabashada shir aan caadi ahayn.


Haddaba, iyadoo ay wakhtigan xaadirka ay xasaasiyad ka jirto oo ay waxyeeli karto xasiloonida Degmada, isla markaana maayarka Degmadu xaq u leeyahay inuu maxkamada iska difaaco Eedeemaha kagu soo eedeeyay.
Sidaas awgeed, waxaa la idin farayaa, Gudoomiyaha Gobolka iyo ku-simaha maayarka in aan la qaban Karin shir kaas aan caadiga ahayn ee arrintaas khusaysa, Nabad gelyada awgeed ilaa amar danbe.”

source:so