Dr.Cabdi Xuseen Gaas oo maanta xilkii gudoomiyenimo ee jaamacada hargeysa sirasmiya ula wareegay.

 

 



gudoomiyihii hore ee jaamacada Hargeysa Muuse Aadan oo isaguna munaasibadaasi uu xilka ku wareejinayey ka hadlay ayaa...
 


Hargeysa (TNN)-Gudoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay jaamacada Hargeysa Dr.Ca bdi Xuseen Gaas ayaa maanta si rasmiya ula wareegay xilkii gudoomiyanimo ee jaamacada Har geysaad.
.
Xafladan xilka loogu kala wareejinayey gudoomiyihii hore ee jaamacada Hargeysa Muuse Aad an iyo gudoomiyaha cusub ee jaamacada Dr.Cabdi Xuseen Gaas oo lagu qabtay xarunta jaa macada hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka qorshaynta qaranka isla markaana ah gudoomiyaha guddida sare ee jaamacada Hargeysa,xunbo ka mida guddida sare ee jaama cada,agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada,hormoodka kuliyadaha ee jaam acadaas iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
.
Furitaaankii munaasibadaasi ayaa waxa ka hadlay wasiirka qorshaynta qaranka isla markaana ah gudoomiyaha guddida sare ee jaamacada magaalada Hargeysa waxaanu sheegay in loo ba ahan yahay in shaqaalaha iyo hormoodada kuliyadaha ee jaamacada magaalada Hargeysa ay si fiican ula shaqeeyaan gudoomiyaha cusub ee jaamacada waxaanu yidhi “hadii aanu nahay guddida sare ee jaamacada sidii aanu ku magacawnay gudoomiyahan cusubi waxay ahayd sida nidaamka caalamiga ah ee la maro marka la doonayo in cid loo magacaabo jago sare, waxaanay magacaabidaasi nagu qaadatay mudo ilaa laba bilood ah iyada oo laga sii daayey warbaahinta, dad badan ayaa soo qortay oo ku dhaw labaatan kuwaas oo lagu kala saaray waraysiyo lala yeeshay xubnahaas soo codsaday jagadan, guddidu waxay isku raacday inuu xilkan hayn karo Dr.Cabdi Xuseen Gaas.”
.
gudoomiyihii hore ee jaamacada Hargeysa Muuse Aadan oo isaguna munaasibadaasi uu xilka ku wareejinayey ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacadu iyo xaalada ay haatan ku sugan tahay jaamacadu waxaana hadaladisii ka mid ahaa “jaamacadu waxay gaadhay inay maanta ka kooban tahay toban kuliyadood iyo hal institu te,gudoomiyaha cusub iyo guddida cusubi waxay inooga baahan yihiin inaynu taageero buux da la garab istaagno si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo, jaamacadani waa inay noqoto mid laga bilaabo dhismaha horu marineed ee aynu doonayno inaynu gaadhsiino wadankeena.”
.
Gudoomiyihii hore ee jaamacada magaalada Hargeysa oo ka war bixinaya jaamacada ayaa yi dhi “ardayda jaamacada u diwaan gashani waxa weeye 3538 arday iyada oo mararka qaar ay dhacdo inaan ardaydu is diwaan gelin balse inta diwaan gashani waa intaa, shaqaalaha joogta da ah ee jaamacadu waxay dhan yihiin 28, tirada shaqaalaha kale ee kuliyadaha marka laga bilaabo hormoodada kuliyadaha tiradoodu waxa weeye 39 qof, shaqaalaha hoose ee jaamaca da oo iskugu jira kuwa nadaafada iyo kuwa amniga waa 48 qof,jaamacada intii ay jirtay waxa ka qalin jabiyey 2032 arday oo iskugu jira lab iyo dhadig.”
.
Gudoomiyihii hore ee jaamacada Hargeya Muuse Aadan oo ka war bixinaya xaalada dhaqaale ee jaamacada ayaa yidhi “jaamacadu waxay ku tiirsan tahay lacagta laga qaado ardayda inkasta oo ay jirto lacag aan badnayn oo ay ku kabto dawladu, jaamacadu waxay Acount-no ku leedahay dhawr meelood.
.
Acount-ka Dahabshiil oo ah kay ardaydu ku bixiso lacagta jaamacada waxa hada ku jira 1,22000$ lacagtaasina waa hal bil mushaharkeed, waxa jira Acounta kale oo ay jaamacadu ku leedahay laanta koobaad ee baanka somaliland kaasna waxa noogu jira 41,360,711oo shilinka Somaliland ah, waxa kale oo jira Acounta kale oo laanta koobaad ah balse la dhigo lacagta adag waxaana ku jira 1083$, waxa kale oo jira Acount kale oo ah Salaam bank waxaana ku jira 10,585$, waxa kale oo jira Acount Dahabshiil ah oo ay ku jirto 5200$ waxa kale o oo jira dayn lagu leeyahay jaamacada oo loo baahan yahay inay bixiso kuwaas oo ah mushaharooyin ay leeyihiin shaqaalaha rasmiga ah ee aan macalimiinta ahayn 12,477$, shaqaalaha macalimiinta ahina waxay leeyihiin 19,890$ isu gayntooduna waxay noqonaysaa 32,368 $, waxa kale oo jira dadka aanu wax ka soo iibsano ee aanu ka soo qaadano stationary-ga iyo shiidaalka 13,145$ isu gayn daynta lagu leeyahay jaamacadu waxay noqonaysaa 42513$”ayuu yidhi gudoomiyihii hore ee jaamacada hargeysa Muuse Aadan.
.
Gabagabadii gudoomiyihii hore ee jaamacadu waxa uu ugu duceeyey gudoomiyaha cusub in ilaahay xilka u fududeeyo.
.
Ugu danbayntii gudoomiyaha cusub ee jaamacada Hargeya Dr.Cabdi Xuseen Gaas oo isaguna ka hadlay munaasibadan uu xilka kula wareegayey ayaa sheegay inuu sida ugu daacadsan ug a soo bixi doono xilkan loo igmaday isaga oo ka codsaday guud ahaan hawl wadeenada jaam acada Hargeysa inay ula shaqeeyaan si wada jira.
.
Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada waxbarash ada Khadar Axmed Diiriye waxaanu sheegay in wasaarada waxbarashadu ay garab taagan tahay maamulka cusub ee loo dhisay jaamacada magaalada Hargeysa.
.
Iyaguna qaar kamida hormoodada kuliyadaha kala duwan ee jaamacada hargeysa oo hadalo koob-kooban kasoo jeediyay munaasibadaasi ayaa sheegay inay hiil iyo hooba la bar-bar taa ganyihiin gudoomiyaha cusub ee jaamacada hargeysa.
.
 

 


Guuleed muxumed ibraahim (guuleed yare)
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland