Washington: Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka Hadlay Xarunta Dawladda Maraykanka u Qaabilsan Horumarinta Dimuqraadiyada
 


“Somaliland iyadaa isku filan inay dhisto dal dimuqraadiya, waxay se u baahantahay in lagu taagee ro horumarka dhaqaale iyo dhismaha kaabayaasha adeega bulshada sida wadooyinka iyo dekeda ha iyo shaqo, aqoon , iyo xirfad abuurista dhalinayarada”


Washington (TNN)- Waxa ka dhacay Xarunta Horumarinta Dimuqraadiyada ee Dalka Maraykanka, National Endowment for Democracy, shir balaadhan oo loo qabtay in lagu xog waraysato Dr. Axm ed Xuseen Ciise oo haatan ku sugan magaalo madaxda dalka Maraykanka ee Washington. Shirkaas oo ah “Somaliland: Sanad ka Dib Doorashadii Madaxatinimada” waxa lagu casuumay inuu ka hadlo Dr. Axmed Xuseen oo soo bandhigo aragitida aqoonyahan ee ku saabsan horumrarka ay gaadhay Somaliland iyo caqabadaha ay u baahan tahay in ka talaabsado. Waxana ka soo qaybgalay madax , safiiro iyo wakiilo hayadaha ugu muhiimsan ku siyaasadda arrimaha dibedda iyo mucaawinooyinka uu bixiyo dalka Maryakanku sida USAID iyo State Departmentka.

Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu uga warramay shirkaas halkii ay Somaliland maraysay 1991 iyo  h alkay maanta marayso, horumarkay gaadhay iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee horyaala. Wuxuu aa d ugu dheeraaday dhibaatada dhalinyarada reer Somaliland haysata ee ay ugu horayso shaqo la’a anta wuxuuna tilmaamay siyaabaha kala duwan ee lagu waaji lahaa dhibaatooyinkaa. Wuxuu xusu usiya inay dawladda Maraykanku ahayd tii ugu horaysay ee wax ka qabata dhibaatooyinkii Somali land horyaalay 1992 markii dal burburay dib loogu soo noqday oo ay ka mid ahaayeen biyo laa’aan iyo miinooyinkii dalka daadsanaa, waxaanu tilmaamay in labadaa arrimood ba ay dawladda Marayk anku gacantii ugu horaysay ka gaysatay ilaa imikana loo aayo mucaawinadaas, balse intii ka damb aysay inaanay jirin mucaawino muuqata oo laga helo dalka Maraykanka marka laga tago seminaa ro iyo tababaro yar yar. Wuxuu tilmaamay in loo baahanyahay imika in laga caawiyo mashaariica da kaabayaasha daqaalaha sida wadooyinka, dekedaha , warshadaha wax soo saarka, soo saari sta macdanta iyo kor u qaadista aqoonta dhalinyarada. Waxa kale oo ku dheeraaday sida dimuq aardiyada Somaliland ay aadka ugu baahantahay in golaayaasha dalku ay lahaadaan awoodii dheel itirka (checks and balances) ee dawladnimo si loo helo dimuqraadiyad buuxda.

Ka dib khudbadii Dr. Axmed, waxa la guda galay dood furan oo taabatay dhinacyo badan oo ka mid yihiin furista ururada siyaasadeed, dekedda Berbera iyo damaca kaga jira dalal badan oo China ka mid tahy, dhalinyarada iyo dhibaatooyinka horyaala, maamulka xukuumadda cusub iyo waxa ilaa i mika u qabsoomay iyo waxa aan sidii la rabay u socon ee u baahan saxitaan, dalalka jaarka ah, dhi baatooyinka ka taagan deegaanka buuhoodle iyo siday Somaliland u aragto arrimaha ka taagan Somalia iyo inay wax ka qaban karto.

Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ku sugnaan doona dalka Maraykanka laba todobaad oo kale wuxuu si doo kale ka hadli doonaa dawr xarmood oo kale oo ay ka mid yihiin National Democratic Institute, NDI iyo USA Africa Foundation, wuxuuna booqan doonaa magaalooyinka waaweyn ee Chicago, Atl anta, San Francisco iyo Portland.

Source:Waaheen