Dr. Gaboose oo si Mixnad leh uga hadlay hawl-galkii Jid banaynta Iyo Xadhigii Xildhibaanadda Gabiley



 

Hargeysa,11 March , 2012 (TNN)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UMADDA ayaa qaab siyaasa deysan oo cod doon ah uga hadlay Xadhiga xildhibaanadii Golaha deegaanka Gabiley ee Sabtidii la gu xidhay Gabiley ka dib markii ay rabashado ka sameeyeen xarunta dawladda Hoose ee Magaalad aasi.Waxa kale oo uu Dr. Gaboose shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta ururkiisa qaab mi xnadaysan uga hadlay qaabka loo baneeyay jidka badhtamaha Suuqa Hargeysa iyo nawaaxigiisa.

Dr. Gaboose oo ka hadlayay shirkaasi jaraa’id wuxuu yidhi “Waxaan ogsoonahay caasimaddu inay tahay muraayidii iyo indhihii qaranka inay qurxoonaataana waa waajib saaran ummadda iyo qaran ka oo waxay ka turjumaysaa dadka qarankaas ku nool aragtidooda, haseyeeshee arrintaa qurxo on ee waajibka ah sidii loo fuliyey ee loogu tacadiyey ee arxandarrada iyo qorshe la’aantu ka muu qatay, kuwaas oo boqollaal dan yar ah saamaysay oo aan maanta quutal-daruurigoodii meel alaale iyo meel ay ku og yihiin aanay jirin, kuwaas oo bulsho is-xambaaraysay ahaa, bulshada dadka ugu jilicsana ahaa, iyadoo qaar meesha ay ku ganacsanaayeen ee waddooyinka hareerahooda aanu qofna jeclaysteen siigada, qiiqa gawaadhida, milicda iyo meeshaa waxa yaalay oo aanu qofna quu tal-darruuri ka raadiyeen, halkaana ganacsi u soo raadsadeen, hadduu ka helaayo dalkiisa meel u dhaanta oo ubadkiisa maalinta uga soo saaro inta yar oo dugsi amma caafimaad ugu diri lahaa.”

Guddoomiyaha Urur-siyaadadeedka UMADDA oo ka hadlayay Gudidii bilicda uu madaxweyne Axmed Siilaanyo u xil saaray wuxuu yidhi “Waxaan ahaa muddo sannad ka hor Guddoomiyaha Guddida Bili cda, waxaanan ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee arrintaas waajib ka saarnaa inuu fuliyo, waxa an xasuusinayaa madaxweynaha in isaga oo jecel inuu magaalada caasimada ahi noqoto meel wan aagsan, inuu magacaabay guddida bilicda magaalada oo aan anigu guddoomiye u ahaa, guddidaas ina waxay tiriyeen arrimo dhawr ah oo bilicda hortaagan, sida dadka waddada hareeraheeda ku ganacsanaaya, waayirada dab iyo telefoon waxa doona ha mareen ee malaayiin ee waddooyinka xanibay, gawaadhidan ciida ka badatay ee aan nidaam maamul midna lahayn, qashinka iyo nadaaf ad xumida meel walba hadheeyey, waxaas oo farabadan ayaa la taxay.”

Dr. Gaboose oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Marka aad doonayso inaad mashaakil xalisid si da lka u dan ah ciday arrintan khusayso waa inaad la tashatid, waxaanan ka bilaabay inaan guddida bacad la yaasha inaan isugu yeedho oo wasaaradda ugu yeedho, waxaan dareensiiyey magaala deenu siday ugu baahan tahay inay noqoto magaalo la tartanta caasimadaha, waxaan ka qaybg aliyey taladii, waxaan ka codsanay inay nagala shaqeeyaan sidii aannu magaaladda u bannayn lahayn, waxaan ku ammaanaya guddidaas markay daraasad soo sameeyeen waxay igula soo noqdeen qodobo dhawr ah oo dhammaantood muujinaaya inay yihiin dad doonaya xukuumadooda inay la shaqeeyaa, dad doonaya inay dalkooda dhistaan, dad doonaya inay garab istagaan wax alaale wixii qaranku ku hagaagaayo, waxay la yimaadeen inay oggolaadeen inay iyagu iskood waddooyinka uga guuraan oo rartaan alaabtooda meesha taal.”

“Maaha markaan wasaaradda joogay inaan dad daad-gurayn, dawladda Maraykanka waxay noogu deeqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha in loo dhiso guri casri ah oo cusub, dhulna ha la baadi go oba la yidhi, waxaannu dhulkii u qondaynay dhulka Badhasaabkii hore ee Ingiriiska, dhulkaana dad baa degena maati ah oo fara badan oo dadkayagii iyo dhiiggayagii ah, cagaf maannu gelin, waxaa nnu ka bilawnay qorshaha annigoo aad ugu mahadiyana Maayir-ku-xigeenka oo aad iyo aad iila sh aqeeyey inaan baadi goobnay goob dadkan la dejiyo, waxaannu la shirnay oo intaas oo maalin la shiraynay, muwaadiniin caadiya oo beero leh oo aannu kala shiraynay sidaannu beerahooda ugu sharciyeyn lahayn si aan dan guud uga qaadano goobo dadkaa aannu dejino, markaannu goobaha as helnay, waxaannu dhisnay baraagihii biyaha, waddooyinkii siday u kala jeexmi lahaayeen,”ayuu yidhi Dr. Gaboose

Isagoo hadalkiisa“waxaannu dhisnay nabadgelyadooda cidii u adeegi lahayd, markaannu intaas dhisnay ayaannu u tagnay oo ku wargelinay in waxa meesha laga dhisaya aanay ahayd dan shakhsi ee ay tahay dan ummadeed. Waxaan u yeedhnay nijaariinta magaalada hal musbaar lagama tuurin, anagaana gacantayada ugu furfurnay, iyagaana nala gadhwaday maacuunkooda, gawaadhidii oo dhan baannu soo kiraynay, qof kastana u saarnay, ciidan baannu dul-dhignay, markii la dejiyeyna koob kaliya oo ka jabay ma jirin, waa bani’aadam cabashaduna way imanaysaa, laakiin waxaan doonaya inaan halkaa ka iftiiyo inaan lagu tacadiyin adigoo qurux raadinaaya.”

“Madaxweyne quruxda ugu wanaagsan waa dadkaaga, maaha daaraha iyo waddada, daaraha iyo waddada laftooda dad baa loo bannaynaya, madaxweyne bulshada inteeda badan guri baad kaga jirtaaye, sixir barar baa dilay, shaqo la’aan baa dishay, nolol xun bay ku nool yihiin oo waajib kaa saaran yahay sidaad nolosha uga dulqaadi lahayd, dhul yar oo loo banneeyo looma waayey,”ayuu yidhi Dr. Gaboose.

Gaboose waxaanu intaasi ku daray “Madaxweyne iga rumayso, maalintaad ka soo degtay madaa rka eed London ka timi oo shirkaa ummadda loogu taliyey warbaahin iyo ummadba inuu guulo ahaa ee aad timi, waxaan filaayey inaad tegtid goobaha uu atamic bamku ku dhacay oo aad soo daaw atid oo aad dadkaagii soo eegtid, haddaanad eegi karinna mawqifka aad ka qabtay inaad dadka u sheegto ilaa hadda waad aamusan tahay, dadkaagiina gidaaraday yalaan, markaan kuu ololaynaa yey ee aan si gaar ah kugu ololaynaayey mid qudhaan aaminsanaa, waxaan aaminsanaa waa od ay, halgamay aan cidna dadkan ka jeclayn, waayo arag ah oo aan deg deg maamulkiisu noqonayn, waa oday cimriigiisa jecel shantaa sanno inuu taariikh wanaagsan kaga tego, waxaanan kuu hubaa inay bar madow oo kugu taal tahay cid kasta oo kugula talisayba, taana macnaheedu maaha inaan jeclayn in dalka waddooyinkiisa la banneeyo.”

Dr. Gaboose waxa uu ka hadlay 11 xildhibaan ee ka tirsan Golaha Degaanka Gabiley oo xabsiga loo taxaabay, waxaannu yidhi isaga oo arrintaa sharraxaya wuxuu yidhi “Arrinta Gabilay iyo xildhibaan nada la xidhay inaan ka hadlo, waa arrin aniga si gaar ah ii taabanaysa, waayo waxa lagu eedee yey xildhibaannada ka sokow xafiis bay furteen degreeto wasiir oo mabnuucaysa in aanay qabsan karin golaha degaanku shir ayaa taal oo ay jebiyeen raggaasi, waxaan warbaahinta u sheegayaa oo aan ummadda Somaliland u sheegayaa inaanay jirin wax digreeto ah oo Golaha Degaanka ee Gabiley maanta saaran oo ka xanibaysa inay shirkooda galaan, hadday jirtana waa maamulka iga dambeeya wuxuu soo saaray, iyagana ka jawaabaya.”

Maayirka Gabiley ee waqtigan marka sharciga la eego waa ku sii sime ee lama odhan karo waa ma ayir, waayo maayir waxa lagu noqon karaa oo kaliya, hadday golaha degaanku ku doortaan,”ayuu ku tiraabay Dr. Gaboose, isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Maaha in Marwo Khadra inaan ay ahayn qof fiican, maaha inaanay ahayn masuul sare oo magaaladu aad iyo aad ugu han weyn tahay, haseyeeshee waa in sharciga iyo nidaamka la maro.

source: so