Doorka ay Haweenku ku leeyihiin Cunista Iibinta
iyo Faafinta Qaadka

 


 

Waxaan ognahay in qaadku yahay Mukhadaraadka Waa weyn ee Saameynta ku yeeshay Bulshadeen a Somaliland ama dadka Soomaalida ahba,waxaana uu dhib u geystaa sharafka,Hantida qof kasta oo cuna Daroogada Cagaaran ee Qaadka.

Hadaba waxa la yaab noqotay in casrigani Maanta ay jiraan haween fara badan oo raga kula  tartam aya Cunista,faafinta Daroogadani,halka waayadii hore ay ceeb ahayd in la arko haweeay qaad  cunt a,manta se waxa la odhan karaa waa ay isugu fanaan haweenku,oo haweenayda aan cunin waa mid ka indha xidhan oo aan la socon casriga oo Gaabisa.

Laakiin runtu waxay tahay in haweenkua cuna qaadku ay yihiin Aaafo aan Aaafo ka danbeynin oo soo wajahday Guud ahaan dadka Soomaalida ah!!waxayna keenaysaa qarax joogto ah oo ka dhex dhaca iyada iyo ninkeeda iyo Bulshada dhinacyadeeda Kala duwan,Maxaa yeelay waa Qoftii loo Baahnaa in ay hagto,Dhaqaaleyso,DaryeeshoAqalka iyo Carruurta.

Hdii ay hawshaasi La waaysna waxaan shaki ku jirin in Bulshada kusoo deynayaan Dhalaan akhlaaq  X un,taasina waa khasaare aad u xeel fog oo aaan sahlanayn daweenteedu .

Hadaba hadaan u soo noqono Dumarkeena Somaliland iyo doorka aan la qarin Karin ee ay ka  qaatye en dhooofinta,keenida,Cunida iyo Iibinta Mukkadaraadka qaadka waa mid ka muuqda Suuqyada  Maga alooyinka waaweyn ee Somaliland kuwaas oo maalinba maalinta ka dsanbeysa si xoog leh ugu soo kordhaya Dalkeena,waxayna gaadhsiisan tahay meel aad u fog oo ay uga gudbi karaan ka ganacsiga daroogooyinka kale Sida:Xashiishada,Khamaradaiyo wixii kale ee la halmaala

Waxaan iyna Xusid Mudan in dumarka qaarkood ay aaminsan yihiin in qaadku uu gaadhsiinayo  hayba d,sharaf,Horumar iyo Sinaan,hadaba Su,aasha isweydiinta Mudani waxay Tahay Magaadh siinyaa Dum arka qaadku Horumar Sinaan iyo sharaf?waxa hubaal ah in dadbani ku jawaabayaan “Maya”

Marka laga reebo haweenka ka ganacsada Qaadka waxaa lagu Qiyaasaz kuwa Raamsada oo kaliyada Cadad dhan 10%kiiba Somaliland,waxaaba kaba sii daran in dumarkaasi ay la jaadaan Rag,taasina ay ka dhalan karto musiibo iyo dhaqan dooris.

Akhrista waxaan filayaa in aan ogaanay in ay jiraan dumar badan oo qaatay Caadadaasi Xun laakiin Ma isweydiiney Maxaa Dumarka ku khasbay in ay QAADAAN Wadadani Xun?waxaan odhan karnaa in haweenku ay Jaadaan ama ka gancasdaan waxaa kow ka ah Ragga Soomaalida oo iyagu ah  Masha qaystsayaaal Raamsda Caleentani Cagaaran.waxaana Tusaale inpoogu Filan Dhacdadani 1981kii Ka dhacday MagaaladaZiyeelow oo ah Mudaharaad ay Sameynayeen Dumar Soomsaali ah,kagana  Caban ayeen Ragooda oo ku dhex Milmay Cunista Daroogada Cagaaran,waxayna dumarkaasi sheegteen Rag la,aan iyo Msaruuf la,aan,waxa haweenkaasi muslimiinta ah aqalkooda kac soo saaray waa arrin aan la dhayalsan Karin,waxaana ka cdhalan kara arrintani Su,aal dhsaqaale oo ah Ragaa Qaadka Cunaa Ma Masruufka Carrurta ayuu ka Qayilaa Mise Waxbuu ka Dhimaa?wey iska cadahay in qaad cunaha a anu ammasan galinaynin Maruufka Carruurtiisa taasina dhalin karto in dumarkuna ay qaadaan talaa booyin la mida midka uu qaaday Ninkeedu



Si kale hadaan u eegno Asbaaha dumarka ku dhiiri Geliya Cunista qaadka waxaan tusaale kale u soo q aadan karnaa Cilmi Baadhis ay Sameeyeen Aqoonyahanada dhirta Maanka doorisa oo ay ku  sheegee en Sidan:

1: Hadii ninku yahay mid ka ganacada Qaaqdka Wwey qaadan kata ama wey u nugushahay ha weena ydiisu

2:Hadii laba waalida ama Laba walaalo ah ay ka baayac mushtareeyaan Qaadkawaxay waxay u badan tahay in Dumarkooduna ay qaadan karaan

3:Dhex galka kuwa ku mashquulsan ka ganacsiga Daroogadani

4:La saaxiibidQofka Cuna Qaadka,ama u adeegida kan ka ganacsada

Guntii iyo Gaba gabadii waxaab kusoo afmerinyaa Maqaakkani in Dumarka Somaliland eek u hawlan  Ii binta,Cunida iyo Faafinta Qaadku uu yahay mid lid ku ah Diinteena iyo dhaqankeeena,sidaa sidaa  dart eeedna waxaan usoo jeedinayaa haweenku in ay ka waantoobaan caaadadaasi isla markaana Ay oga ato in ay ku Xadgudbayso Xuquuqda Ninkeeda,Ilmaheeda oo ay ka dhalan karaan Guul darro lasoo gu dboonaata Qoys Muslin ah kuna farxayaan Cadawga Muslimiinta ee doonya in ay dhaqan dooriyaan Nolosheena

 

 

 

 

 

 

Axmed hanad Guray Baqaye
hanad_baqaye@hotmail.com
burco somaliland