“Doorashooyin Badan Ayaa Hore Dalka Uga Qabsoomay, Dib Ayaanan U
Qiimaynaynaa Wixii Dhacay”

Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland
Baashe Maxamed Faarax ayaa.........
Hargeysa (TNN) - Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda
Somaliland Baas he Maxamed Faarax ayaa sheegay in doorashadii ugu
dhibaatada badnayd ee dalka soo m artay ay ahayd doorashadii u
dambeysay ee Goleyaasha deegaanka, waxaanu ku dooday inay Gole ahaan
qiimayn ku samaynayaan doorashadaasi iyo gal-daloolooyinkeedii.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Doorashooyin badan ayaa hore dalka
uga soo qabsoom ay, hase yeeshee tii ugu dhibaatadda badnayd waxay
ahayd doorashadii Goleyaasha deeg aanka ee wadanka ka qabsoontay
28-kii Bishii November ee la soo dhaafay,”ayuu yidhi Gud domiye Ku
xigeenka Wakiiladdu.
Baashe Maxamed Faarax waxa uu tilmaamay in Golaha Wakiiladda xil ka
saaran yahay inay dib u qiimeeyaan doorashadii Goleyaasha deegaanka
si aanay khaladaadkii dhacay dib ugu soo noq-noqon wadanka.
“Xil baa naga saaran in wixii dhacay Gole ahaan aanu dib u qiimayno,
waxna laga soo saaro si aanay dib inoogu soo noq-noqon. Waxaanu is
weydiinaynaa in aanu shir gudoon ahaan la kulano Komishanka iyo
inaanu ugu yeedhno gole-weynaha markaa arrintaasi tallo marka aanu
ka yeelano ayaanu go’aan ka qaadan doonaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku
xigeenka koowaad ee Wakiiladda oo u waramayay caawa TV-ga Qaranka.
Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland
|