“Doorashadu Waa Inay Dhacdaa 27-Ka Septem ber ,Nin Aan Rabitaanka Shacbiga Haysana Looma Baahna Inuu Kursiga Sii Fadhiyo

Guddoomiyaha Guurtida Md: Saleebaan Maxamuud Aadan

 

Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka  dig ay in doorashada madaxtooyadu ay dib uga dhacdo 27 ka September, 20 09, kuna baaqay in xilwareejinta madaxtooyadu ay noqoto 29 ka  Octobe r,2009, isaga oo intaa ku daray in goleyaasha dawladdu ay si  dimuqraad iya ku yimaadaan oo rabitaanka shacabka, iyagoo dhinaca kalana dhaliilo usoo jeediyey hawlqabadka komishanka doorashooyinka.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo ka hadlaya arrimahaasina waxa uu yidhi “ maalintii uu  kalfadhig eenii 37aad xidhmay khilaafaadkii taagnaa ee golayaasha komishanka iyo axsaabta ee ka dhashay qabyada iyo dib u dhicii doorashada  madaxtoo yadu weli qabyadeedii way taagan tahay, haddii aan hawlaha la qabyo tirina doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku dhici  may so, waxa ugu weyn ee uu golaheenu ka hawlgelayaa maanta waa inay noqoto inaynu u hawlgalno sidii doorashadaasi madaxtooyadu ay u  qabso omi lahayd 27 September, dhawr goor bay dib u dhacday waxay keentay kala shaki iyo qaybsan ama golaheena ha noqoto ama bulshada ha noqoto ee sidii aanay mar dambe dib ugu dhicin inaynu u hawlgalnaabaa waajiba, doorkeenii wacyigelinta iyo nabadgelyada ee doorashada waa inaynu u hawlgalno sidii doorashadu nabadgelyo ugu dhici lahayd, wada shaqaynta aniga iyo xukuumaddu waa inay noqoto mid midhadhasha, wixii khilaafa ee jira inaynu xalinaana waa waajib ayaan qabaa, doorashaduna dhacdo 27 ka September xil wareejintiina noqoto 29 ka October, 2009 ama  Xukuum adu ha soo noqoto ama xisbi cusub ha helee hawshaasina maaha inaynu ka aamusno, ummadani cida ay soo doorato waa inay doorasho mucayina ku timaado, ama inaga ha ahaato ama cid kale ha ahatee, inaguba muddo dheer baynu fadhinaa, haddii aynu soo noqonayno waa inaynu rabitaanka ummadda ku cusboonaysiinaa, nin labaatan jeer soo noqonaya waa la ogol yahay, ninkii uu dadweynuhu yidhaahdo, nabadgelyana dee waa nabadgelyo, ta madaxtooyaduna waa inay sidaa noqotaa,  dimuqraadiya da meel marinteeduna waa inay mar dambe dib u cusboonaysiyo oo ay rabitaanka ummadda ku timaadaa, sidaa ay ku noqon lahayd, waa ta laynooga fadhiyo kalfadhigeenana joogtana ay inoo noqoto”

Mar uu ka hadlayey komishanka doorashooyinka waxa uu yidhi “ doorasho oyinka waxaynu u xilsaarnay komishanka illaa hadda wagash wagash baa ka muuqata,komishanka waa la hiifayaa, canaantii waxba tari mayso  wax ay iigu muuqataa inaynu tilmaano komishanka oo gubaa bino, komishanka khilaaf dhexyaalo oo ishaystaana hawsha ma qaban karaan, komishanka wax aanu ka codsanaynaa inay qoys ahaan u wada shaqeeyaan wixii ummaddana ay ka midhadhaliyaan, ilaa hadana anigu ma arko wax hawla oo ay qabtaan, hawshana u soo jeestaan, hadda guddomiyihii komishanka waxa la ii sheegayey inuu ka qaybgalay doorashadii Lubnaan, waarninkii tiisaba daryeelaa tu kale ku dara, maalin laga tago anigu ma arko, taasna inay soo jestaan ayaa wanaagsan, xanta taala wadanka waxay tahay iyaduba hawl ma qabtan waa in la kala dareeriyaa, waa inay taasi beeniyeen, inagu inter peace hawsha u maynu diran ee todobadaa nin baynu u diranay, wali natiijadii server ka wakhtigeedii heshiis laguma aha, inter peace lagama rabo ee iyagaa laga rabaa natiijada serverka, waynu ku qasbanahay inynu komishanka u yeedhno oo aynu qorshahooda wax ka waydiinaa, laakiin arrinteenu yey noqon kuwani waxba qaban maayaana aynu la shaqayno”.

Mar uu ka hadlayey khilaafkii golaha guurtida dhexdiisa ee ka dhacay go’aankii muddo kordhinta madaxweyne Rayaale waxa uu yidhi “arrintii mudo kordhinta madaxweynaha io madaxweyne ku xigeenka arrintii golaheena hor timaada ee ummada saamaynaysa ee xilkeda aynu guddanayno aragtida baarlamaanka adunka ayaa systamkisu yahay in aragtida lagu kala duwanaado, laakiin aakhirka waxa lagu kala baxaa in cod lagu kala baxo, ama qolada leh ha la kordhiyo ha badato ama qolada qabta yaan la kordhin ha bataan, markii haddii cod la qaado way dhamaatay go’aan ka goluhuna waa ka la gaadhay, illaahow muu hal cod ama cod ka guddoomiyaha lagu kala badiyo, go’aankii goluhu waa kii la gaadhay, aragtida kale ee timaada waa in qolo kale timaadaa ileen laba xisbi o iska soo hor jeeda ma kala nihine o si kala ragu isku raacaa, waxaanan soo jeedinayaa in guddi labadii dhinaca aynu madaxa iskugu dhufano, anigu idin cayimi maayo, qolo waliba 11 xubnood ha soo magacaabato, qolo kastaana ciday soo diranayso yaanay cidhifyadii xag jirka ahaa soo dirana ha soo dirato ragii raga isku jiidi lahaa, waa inay ka mid noqdaan doorashada xubnahaana labadiina qolo ayaan idiin danaynayaa guddidaasaynu turxaan bixintii khilaafka golaha ka rabnaa wixii shakhsiyaad ka dhex dhacayna gudidaasaa xalinteeda u xil saaran.

Inkasta oo ay jawiga madasha fadhiga weedho kul kulul oo ay isku fara saari gadheen ay isku waydaarsadeen siciid Cabdilaahi Yasir oo isagu goor dambe soo galay kana mid ahaa mudanayaashii muddo kordhinta ogolaa iyo xildhibaan Cabdilaahi Dhugad oo isaguna ka mid ahaa 35 kii mudane ee diiday korodhsiimadii Xukuumadda.

Hadaan waxa madasha fadhiga shalay aan ka soo xaadirin mudanayaashii go’aanka muddo kordhinta xukuumadda ugu cad cadaa, sidaa Xaaji Cabdi Waraabe, Sheekh Axmed Sh. Nuux Fure, Muxumed Aw Axmed, Cabdiqaadir indho, Dheeg Maxamed Yaasiin, Maxamuud Diir qadhaadh iyo Xoghayaha Cabdilaahi Dheere oo dhamaan tood ka muquurtay madashaasi
 


Haatuf