Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo she e gay in doorashooyinka Somalialnd ay Dib uga dhacayaan Wakhtigii loo cayimay

 

Hargeisa (longlivesomaliland News)Komishanka Doorashooyinka Qaranka  S omaliland ayaa maanta sheegay in ay doorashooyinka Madaxtinimada  Som aliland dib uga dhacayaan wakhtigii loo cayimay ee 27 September.

Shir ay komishan ku yeesheen magaalada hargeisa oo ay ku gaadheen go’a ankooda oo ay u dhamaayeen todobada xubnood ee guddida doorashadu ka kooban yahay, ayaa waxay si wada-jira u gaadheen inay duruufaha lagu jiraa ay leeyihiin tix-gelintooda,

Sidaa daraadeedna waxay go’aamiyeen qodobadan in lagu dhaqmo:

1- In laga noqday go’aankii ahaa diwaangelin la’aan in doorashooyinka lagu galo taas oo ay hore u ansixiyeen afar xubnood oo ka mid ah komiishanka doorashooyinka, madaxweynuhuna uu taageeray.


2- Inaanay Suurtagal ahayn qabashada doorashooyinkii xiligii loo mudeeyey oo ku beegnayd 27 September 2009, iyaga oo sheegay inay ka eegeen dhinacyada Farsamado ee Siyaasada, iyo dhaqaalahaba.


3- Inay Fursad siiyaan waan-waanta socota ee dib-u-heshiisiinta Xisbiyada qaranka Inay ka dhursugaan heshiis ay u dhan yihiin sadexda Xisbi qaran oo lagu mudeeyo xiliga ay doorashadu suurtagal noqon karto iyo qaabka  la gu gelayo.

Ugu danbeyntii waxay xubnaha komishanka doorashooyinku ugu baaqeen Xisbiyada qaranka, Golayaasha xeer-dejinta iyo Xukuumada in dalka dib  loo gu soo dabaalo tallo loo wada dhan-yahay iyo dhaqansamaantii dalkeena looga bartay. Komishanku muu cadaynin wakhtiga dhabta ah ee  doorash ada la qabanayo, balse waxay sheegeen in dib udhigis iyo mudo kordhini muhiim tahay inta xal laga gaadhayo Muranka cakiran ee ka jira Somaliland.

 



Mustafe Future

Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Office/Somaliland