"Doorashada Dawladdu Eed Kuma Laha"! Waa Yaab!
 

 

Laba casho ka hor waxa television-ka USA ka hadlay madaxwaynaha Maraykanka Barack Omaba oo qudbad u akhriyay dad shicib ah, oo ku yidhi, "Aniga ayaa ah Madaxwaynaha waddanka, wixii khalad ah ee dawladu samayso anigaa ka mas'uul ah oo eedeedu dusha iga saaran tahay dhamaanteed...". By: Mj. Rashid Garuf


Rayale: “Doorashada Dawladu Eed Kuma Laha”: Waa yaabe ma Dawlad Kale Ayaa Jirta?


Laba casho ka hor waxa television-ka USA ka hadlay madaxwaynaha Maraykanka Barack Omaba oo qudbad u akhriyay dad shicib ah, oo ku yidhi “Aniga ayaa ah madaxwaynihii waddanka, wixii khalad ah ee dawladu samayso anigaa ka masuula oo eedeedu dusha iga saaran tahay dhamaanteed, wixii khaldamayna si deg deg ah ayaanu u saxaynaa, shicibkana waxaanu waydiisanaynaa inay noo samraan intaanu hawsha dhamaynayno”.


Waxad xasuusataa markii Rayale wadanka ku soo noqday ee saxaafadu wax ka waydiisay dib dhaca dhowrka goor ku yimi doorashada madaxwaynaha ee Somaliland; wuxu yidhi “anigu doorashada raagtay kama masuul ahi”. Shibicka Somaliland waxay maqleen iyada oo marar badan wasiirada UDUB iyo masuuliyiinta xisbiga UDUB ay ku doodayaan; UDUB doorasho ayay diyaar u tahay, wax eeda oo aanu ku leenahay doorashada raagtayna ma jirto, ee waxay ku timi cilad farsamo, oo la soo deristay gudida doorashada qaranka iyo NGO’yada deeq bixiyayaasha. Su’aasha meesha talaa waxa weeye, waddanka ma waxa ka jira Madaxwayne kale oo aan Dahir Rayale ahayn? Waxa taa ka sii daran, maalintii dhowayd ee ay soo baxday dadkii lacagta lagaga dhacay Hargeisa, wasiirka wasaarada arrimaha gudahu wuxu yidhi “Dawlada shaqadeeda maaha inay dadka lacagta u illaaliso”.


Waxaa maanta xusid mudan in Madaxwayne Dahir Rayale, Madaxwayne ku xigeenka, wasiiradiisa, maamulka xisbiga UDUB, iyo dhamaanba inta taagerayaashooda ahi ay mar walba ku doodaan; inaan dib u dhaca doorashada ku yidhi aanay dawladu eed ku lahayd; qaraxyadii hargeysa ka dhacay aanay dawladu eed ku lahayd waayo way samaysay wixii ay samayn karaysay, dadkii lacagta laga dhacay dawladu eed kuma laha wayo shaqadeeda may ahayn inay dadka lacagta u ilaaliso, Burco iyo Bariga in lagu isticmaalo lacagta shilling Somaliga dawladu wax eed ah kuma laha waayo baankii Somaliland wuu ku yaalaa Burco ee dadku maxay lacagta Somaliland u isticmaali waayeen, Biyo la’aanta Hargeysa dawladu eed kuma laha waayo dadkii ayaa ku soo batay oo Hargeisa iska soo buuxiyay, Warshadii sibidhka ee ay ku balan qaaday dawladu eed kuma laha waayo shirkadii jarmalka ahayd ayaa been noo sheegtay oo eeda iska leh, dawladu eed kuma laha musuqmaasuqa, shan sanadood oo dawladu aanay keenin xisaab xidhkii kharashka dawlada ku baxa, dawladu eed kuma laha “Gudida Nabadgelyada”, dawladu ee kuma laha dadka mudaharaaday ee ku geeriyooday rasaasta ay police-ku soo rideen waayo illaahay baa ugu talo galay inay sidaa ku dhintay, dawlagu eed kuma laha…dawladu eed kuma laha…dawladu eed kuma laha..


Dawlada Rayale waxay caadaysatay inay tidhaahdo dawladu eed kuma laha oo cid kale eeda saarto; shicibka Somaliland miyay arkeen dawlada Rayale qof ka mida oo yidhaahda “khaladka dhacay dawlada ayaa ka masuula si deg deg ahna waanu u saxaynaa wixii khaldamay”? Dawlada Rayale ee waddanka xukumaysay 8-da sannadood hadii aad waydiisaan inay wali khalad samaysay; waxay idin sheegaan inuu wali soo socdo. Taasu waxay muujinaysaa ixtiraam-darada ay Madaxwayne Rayale iyo UDUB u hayaan shicibka Somaliland; Marka dambe ee aad maqasho Rayale, Wasiiradiisa, UDUB iyo taageerayaashooda; oo ku doodaya dawladu wax eeda kuma laha inay doorasho waddanka ka qabsoomi waydo. Waxad waydiisaa, haddii dawladu aanay eed ku lahayn oo ka masuul ahayn ma dawlad kale ayaa jirta oo ay ku halaynayaan? Shicibka Somaliland waxay kala dooranayaan dad masuula oo hadh iyo habeen ka wer weraya sidii shicibka Somaliland noloshooda horumar loo gaadhsiin lahaa, dad idiin shaqaynaya hadh iyo habeen, shicibka iyo waddankana lexejoclo wayni ka hayso; iyo Rayale oo eed ka cararaya maalin walba, waxa la yidhi “Nin eed ka cararaya reer ma dejiyo”. Rayale waa kaa 8-deed sannadood ka dib shicibkiisii ku yidhi “anigu doorashada raagtay eed kuma lihi isaga oo og in shicibku isaga u doorteen inuu waddanka maamulo”. Shicibka Somaliland waxay xaq u leeyihiin oo ay u haraadan yihiin inay helaan dawlad runta u sheegta mar walba, marka ay wax khaldamaan iyo marka ay wax hagaagaan labadaba, wax hel iyo wax waa labada, oo aan runta kala bakhaylin.
 

 



Rashid Garuf

Virginia, USA