WAR-SAXAAFADEED

 



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo numberkiisu tahay JSL/M/XERM/249-1263/082012 ku dhaq an-geliyey xeerka cayimaada wakhtiga doorashada golayaasha deegaanada.

Madaxweynuhu:-



Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,



Markuu Arkay: Qodobka 8aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha

Deegaanada iyo Madaxtooyada Xeer Lr: 20/2001,





Markuu helay: Go’aanka ay Guddiga Doorashooyinka Qaranku ku cayimeen in Doorashada Go layaasha Deegaanku qabsoonto Maalinta Arbacada ee 28ka bisha November 2012 oo ku bee gan 14 Bisha Muxaram taariikhda hijriga.



Wuxuu Soo Saaray



Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka cayimaada WAKHTIGA DOORASHADA GOLAYAASHA DEEGAANADA oo la qaban doono Maalinta Arbacada 28ka November 2012.



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.