DOOD
FURAN: SOMAALILAND IYO XAALADA MURUGSAN EE ASXAABTA
SIYAASADA
Abwaan:
Siciid Cabdi Dheen
Waxaan
jecelahay bal in doodan shacbiga somaliland ila eego oo
aynu mashqaca yara saarno xaalada guud ee dalku ku jiro
afkaarteenana ka dhiibano
Jahwareerka haysta shacbiga soomaaliland iyo siyaasada
aan salka lahayn ee ka dhex taagan ashkhaas siyaasiyiina
oo dalkiii dib u dhac ku hasysa .Shacbiga somaliland
ayaa ilaa imika ku jira nolol aan horu socod lahayn oo
wax mustaqbalana aanu hor oolin. Dantii umada iyo wax
qabadkiii loo hawl gali lahaa waxa laga doortay asxaab
is eryata iyo ashkhaas isu muuqanaysa.
Hadaba reer
Soomaaliland maxaa inala gudboon ama aynu ka yeelaynaa
dhibkan dalka ka jira:
A-Miyaynu iska daawanaa oo
ilkaha ayaynu ku eegnaa
B-Ma dadarta iyo jaadka
ayaynu maqsinada la fadhinaa oo sheeko ayaynu ka
dhiganaa dhibka umadeena haysta
C-Ma sidii rag yeeli jiray
ayaynu ka dhiidhinaa xumaha iyo qaska dalka lagu
hayo.Soomaalidu w axay ku maahmaahdaa [
Raqba waa rageeda].Waxa
hubaal in dalkan lagu hayo hagardaamo iyo dhibaatooyin
badan.
Shacbiga Somaliland
in badan ayuu samray una dulqaatay siyaasadaha guracan
ee maamulka talada hayaa uu ku hayo umada, waxaynu ka
soo gudubnay marxalado badan oo dalka dagaal ka ridi
lahaa oo ay ka mid ahaayeen:
1-Khilaaf joogto ah oo lagu
kala dhex rido labada gole ee dalka, walina taagan
2-Doorashadii iyo hanaankii
dimuquraadiyada oo laga tagay , ilaa imikana la garan
karin in doo rasho xalaala dalka laga qaban doono.
3-Dekada Bebera oo ilaa
hada aan u socon sidii loogu talo galay
4-Khilaafka adhiga iyo
kootadii aljaabir oo ilaa hada umadu ka dayrinayaan
5-Shaqo la'aan baahsan oo
dhalinyaradii badaha ku dhamaatay dalkana ka yaacayaan
6-Mudaharaado rabshado
keena tirana la dareemi karo inta dhib inaga soo gaadhay
oo shacbi iyo maato ku dhinteen
7-ku tagri falida hantida
dadwaynaha oo noqotay mid la caadaysatay
8-Maantana waxay xaaladii
isu bedashay in la adeegsado qaraxyo iyo nidaam
argagaxiso oo l agu ugaadhsado saraakiisha
soomaliland,iyo ciidamada kuwaas oo marna lagu eedeeyo
xisbiga UDUB marna xisbigaKULMIYE, halka xisbiga UCID uu
in badan ka digay in laga waantooba xadhig maleega ka
dhex aloosan labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE.
Waxa hubaala hadiii dalku ku sii jiro xaaladan murugsan
ee siyaasadeed in ay iman karto iska hor imaad baahsan
oo keena colaad iyo dagaal.Waa xaqiiq in aan nina caano
ka maalayn hadii nabada aynu haysano la tuuro oo lagu
badasho dan gaara oo rag leeyihiin.
Waxa sanadkiii hore dhacday in magaalada
Ceerigaabo ay ka qayb
gashay tartanka cayaaraha oo ka dhacay puntland.Waxa
dhalinta reer Ceerigaabo
umada soo hor dhigeen hadal macquula oo aan u garaabay .
Markii la waydiiyay
maxaa uga qayb gasheen tartanka cayaaraha
Puntland , waxay noogu jaw aabeen, waxaanu waynay
wax aan qabano,Dalkii shaqo ma jirto, ma jiraan naadiyo
sports oo somaliland ka jira,tacliin fiican ma haysano ,marka
ma sida dhalinta kale ayuunbaanu qaadka cu naa ama aanu
gidaarada fadhinaa.
Runtii waan u
garaabay anigu, waayo hadaan dhalinyarada loo samayn
waxay nolol maalmeed ka ku qaataan ama ay ku
mashquulaan, dee markaa qaarna badaha ayay isku
biimaynayaan , qaarna Puntland
iyo Soomaliwayn ayay
doonayaan, halka qaar badanina la cadeeyay inay
als habaab ku biiraan.
Gabagabdii reer Soomaaliland , waxaan leeyahay waar aynu
talo keeno iyo awood aynu aayah eena kaga tashano
, runtana ha loo sheego siyaasiyiinta aan umadeena u
naxayn, hana la oga ado in nin sheekha iyo nin siyaasiya
iyo mid shacbiya iyo mid qurbaha joogo in dalkeeenii
inoo baahan yahay , lana rabo in arinkan laga hadlo.
wabilaahi tawfiiq

Abwaan:
Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London , UK |
|