EAPI Warsaxaafadeed
March 25, 2010
 

 

Washington-DC (TNN)-Waxa maanta saacadu markay ahayd 11kii subaxnimo magaalo madaxda Maraykanka ee  Washin gton DC kulan ku yeeshay, Xildhibaan Donald Payne, oo ah gudoomiyaha gudida Africa u  qaabilsan ee barlamaanka Maraykanka, iyo xubno ka kala socda Jaaliyada  Somal iland ee Washington DC iyo Jaaliyada Columbus Ohio. Kulankanu wuxu u dhacay si waji furan, wax aana laysku afgartay in Somaliland laga caawiyo dhinaca dhaqaalaha iyo nabadgelyada, isla  mar kaana dadaal dheeraada loo saaro sidii doorashada madaxwaynaha Somaliland ugu dhici  lah ayd sida ugu dhakhsaha badan.


Kulankaas xildhibaan Payne wuxu ku tilmaamay inuu muddo dheer Somaliland arimaheeda iyo  hor umarkeeda ka shaqaynayay, imikana uu diyaar u yahay inuu ka caawiyo dhinacyo badan. Ergada Jaaliyada Somalilandna waxay xildhibaan Payne ugu mahadnaqeen fursada uu siiyay inuu kula  kul mo isaga oo ku dhex jira xaalada siyaasadeed ee barlamaanka Maraykanka oo xasaasiya  wakhti gan xaadirka ah, waxaanay ka dalbadeen Xildhibaan Payne inuu ku dadaalo sidii Somaliland loogu samayn lahaa ilo dhaqaale oo shaqo u sameeya dhalinyarada Somaliland.

Waxa kulankanu uu ku soo beegmay iyada oo ay magaalada Washington ku sugan yihiin wafti  bal aadhan oo ka socota xukuumada Somaliland iyo labada gole ee barlamaanka iyo guurtida. Waftigaas oo kulamo la yeeshay Wasaarada arrimaha dibada ee dawlada Maraykanka laakiin aan wax kulan ah la yeelan cid ka socota barlamaanka Maraykanka.


Xubnaha Jaaliyada Somaliland ee kulanka ka qayb galay waxay kala ahaayeen:


(1) Xaashi Ismaaciil (2) Mahdi Gaboose (3) Ibraahin Raage
(4) Yusuf Cawaale (5)Abdi Muuse Khaalid (6) Ali Ahmed Yusuf
(7) Abdiqani Ibrahim (8) Abdirahman Ibrahim (9) Yaasin Mire



 


Source: East Africa Policy Institute