Docomentiyadii Kaydka Ku Ahaa Wasaarada Qorshaynta Muddo 19 Sano Ah Oo Magaalada Lagu Daadiyey Iyo Khatarta Fadeexadeed Ee Ka Dhalan Karta Sirta Ku Duugan

 

 


Dukumantiyadan Ayaa Waxa Ka Mid Ah Heshiisyadii Ay Xukuumadihii Marxuum Cigaal Iyo Rayaale La Galeen Hay’a daha Caalamiga Ah

 


Hargeysa, December 12, 2010 (TNN) - Docomentiyadii iyo faylashii ku kaydsanaa xaruntii hore ee wasaarada  qors haynta qaranka oo muddadii 19 sano ee Somaliland jirtay xaruntaasi yaalay ayaa shalay lagu soo daadiyey  Barxa da xaruntaasi, kadib markii ay dhawaan Wasaarada Qorshayntu u wareegtay dhismaha cusub ee laga hirgaliyey agagaarka xafiiska xisaabaadka guud ee qaranka, taa soo ay dad weyne tiro badani iyo Caruur yar yari ay ku soo qamaameen Docomentiyada sida qashinka loo soo daadiyey. Faylashan ku kaydsanaa xarunta wasaarada  qorsha ynka qaranka iyo xafiisyadooda kala duwan ayaa khatar ku ah in wax badan laga ogaado siraha dawladda iyo  ma amuladii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray, kuwaas oo qorshayaashii u degsanaa iyo qoraaladii ay u  qore en hay’adaha caalamiga ah ay xambaarsanaayeen Macluumaadada qoraal la soo daadiyey iyo buugaag ay ku qornaayeen qorshe sanadeedyada xukuumadii hore.

Ducumantiyadan ayaa sidoo kale u muuqda inay waji gabax iyo dhabar jab ku yihiin xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo qaabka ay u dayacday Sirihii Xafiisyadii ay ka dhaxashay maamuladii hore oo ay muhiim ahayd inay Kayd ahaan u xafido qoraalada iyo macluumaadka hay’adaha dawladda.

Xaruntan laga soo faqay Ducumantiyada ayaa la sheegay in lagu wareejinayo Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta, ta as oo u soo guuri doonta, halka Wasaaradii Qorshayntuna ay u wareegtay dhisme cusub oo looga dhisay xaafada shacabka.

Arintan fadeexada ah ayaa dad badani ay u qaadan karaan dayac ay xukuumada Siilaanyo ka samaysay ducuman tiyadii ku kaydsanaa xafiisyada hay’adaha dawladda, taas oo la odhan karo waxa ay bilowday sune ku xun  habma a mulka iyo xafidaada siraha dawladda, isla markaana ay dadka qaar kood tilmaameen inay ahayd in la gubo haddii laga maarmay oo xukuumadan haddu ay xafido meelaha ay marinayso qoraalada iyo macluumaadada hay’adaha dawliga ahi.

Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa masuuliyiinta sare ee wasaarada Qorshaynta Qaranku looga baahan  yah ay inay si degdeg ah wax uga qabtaan sidii ay usoo xarayn lahaayeen qoraaladan magaalada ku faafay, isla  mark aana ay xil iskaga saari lahayd inta daadsan barxada xaruntii hore ee wasaarada Qorshaynta.

Wariyeyaal ka tirsan wargeyska Haatuf oo booqday shalay goobtaas lagu soo qubay ayaa qaar ka mid ah  shaqa alihii dhismaha ka waday xaruntii hore ee wasaarada qorshaynta qaranka ayaa yidhi “Anagu waxaanu nahay  sha qaalihii meesha dib u dhisku ka waday, Faylalka iyo Waraaqaha Formanka ayaa nagu yidhi, barxada ku daadiya oo halkaa iska dhiga, formankana waxa sidaa faray Injineerka oo la sheegay xaga Diinta iyo Awqaafta inuu amarku kaga yimid in dibada la soo dhigo waraaqaha oo dhan” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalahii dib u dhiska  ha lkaa ka samaynayay waxaanu intaa ku daray in arintani tahay arin fool xun.

Cabdi Cali oo ka mid ah dhalinyarada Hargeysa oo halkaasi ku sugnaa ayaa isaguna waxa uu yidhi “Tanoo kale  ma an arag xafiis dhan oo Faylashiisii iyo macluumaadkii sirtii ku duugan tahay oo dibada la soo wadho, taasi waxa ay muujinaysaa qayrul masuulnimo, waana in lala xisaabtamaa cidii ka dambaysay, xukuumadduna si dhakhso ah uga jawaabtaa”.

Qaar ka mid ah Qoraaladan iyo Faylashan ayay ku saxeexnaayeen Wasiiradii soo maray Qorshaynta qaranka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Axmed Xaaji Daahir, Cali Sanyare iyo Wasiiro kale.
 

 

Source:Haatuf