Republic of SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Tell: 4424126 / 4423774 / Email: afhayeenka_jsl@yahoo.com

Date: 26/08/2010

War-Saxaafadeed


Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu soo saaray  maa nta Digreeto uu ku ogolaanayo Maxjarka National Berbera Quarantine.

Markuu arkay: Qodobka 11aad iyo Qodobka 22aad ee Dastuurka qaranka.


Markuu arkay : Taladii gudiga kasoo talinta maxjarka cusub ee Berbera.

Markuu dhegaystay: Ganacsatada kala duwan ee xoolaha dhoofisa.

Markuu tixgeliyay: Duruufaha siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee wadanku ku jiro


Madaxweynaha JSL: Wuxuu ogolaaaday in maxjarka National Berbera Quarantine ka mid noqdo maxjarada xoolaha lagu caafimaadiyo.

Maxjarkan National Qaurantine Berbera waxuu furmayaa marka lahelo

ruqsad cadaynaysa in xoolaha looga dhoofin karo wadamada khaliijka.

Madaxweynaha JSL:

Isagoo tixgelinaya Qaybta 3aad, Qodobka 3.1.1 ee Xeerka Xoolaha ee Qaranka (national veterinary code) wuxuu madaxweynuhu cadaynayaa in gebi ahaanba maxjaradu noqodoonaan hanti qaran mustaqbalka loona celindoono ganacsatada wixii ka galay. Iyadoo maamulkiisa ay xukuumadu si buuxda u yeelan doonto.

Isagoo tixraacaya taladii gudiga xukuumada ee maxjarka cusub Madaxweynaha JSL wuxuu farayaa wasaarada xanaanada xoolaha deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, maamulka maxjarka iyo dhamaan ganacsada xoolaha dhoofisa in maxjarka shaqeeya ee dawlada loo wada isticmaalo si siman oo cadaalada. waxaana reeban wax kasta oo rebshad ama caqabad ku keeni karta xoolaha dhoofintooda.

 



ALLAA MAHAD LEH

C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

AF-hayeenka Madaxtooyada JSL