Mudane Cabdillahi Ismaaciil Cali Ciro
ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo xarunta
maamulka Dawladda Hoose ee magaalada Tog-Waja ale. Munaasibadani
dhagax dhiga ahayd , oo uu soo qaban qaabiyey Godoomi yaha Tog-Wajaale ,
Mudane Cumar Aadan Qaasaali.
Waxaa munaasabaddan ka soo qayb galay , Wasiir ku Xigeenka Wasaarada
Qorshaha ,Mudane Axmed Xaashi,Wasiiru Dawlaha Wasaarada Hawlaha Guud iyo
Guriyeynta ,Mudane Maxamed Aw Cabdi Sheekh (Xirsi),Badhsaabka Gobolka
Gabiley,Mudane Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib),Cuqaal, Waxgarad, Ganac sato
iyo dadwenyne aad u tiro badan.
Waxa ugu horayntii madashaasi ka hadlay , Wasiirka Wasaarada Arimah Guda
ha,Mudane Cabdillahi Ismaaciil Cali (Ciiro) , oo u mahad celiyay
maamulka maga alada Tog-Wajaale,ee ku marti qaaday dhagax dhigga,wuxuuna ku
booriyay in aanu dhagax dhigani aanu noqon kii ugu danbeeyey, balse uu
noqado kii ugu horeeyey.Waxanu ku wargaliyey in ay Wasaaradu qorshe heedu
yahay, qiim ayn lagu samayn doono degmooyinka, isla markaana degmo
kasataana lagu qiimayn doono , kolba siday wax uga qabato
arrimaha bulshada .Dagamadii wax ka qaban waydana lagala noqon doono
dagamanimada.Waxa kale oo uu maamulka ku war galiyay, in ay qorshaha ku
daraan biyaha iyo Jeel loo dhiso dagmada .
Waxa isna halkaa ka hadlay ,Wasiirka ku Xigeenka Wasaarada Qorsheenta
Qaranka , oo isna sheegay in ay xukuumad ahaan diyaaar u yihiin wixii karaan
kooda ah , inay waxtar ka geystaan magaalada Tog-Wajaale .
Waxaa kale oo iyaguna halkaas hadalo ka soo jeediyay ,Wasiiru Dawlaha Hawl
aha Guud iyo guriyeynta, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Cuqaal ,Waxga
rad iyo Ganacsato reer Tog-Wajaale ah,oo dhamaantood tilmaamay muhimadda
ay leedahay wax qabadku ,kuna wargaliyay in ay u wada guntadaan horumarka
dagmada Tog-Wajaale.
Waxaa xafladaasi deeq sibidh ah
gudoonsiiyay Taliyaha Saldhiga Booliska, Gana csade ,
Cumar Cabdillahi Cige, oo ka mida ganacsatada dagmada Tog-Wajaale.
Ugu dambeeyntii waxa halkaas ka hadlay ,Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale ,oo
u mahad naqay Wasiirada iyo Maamulka Gobolka Gabiley , wuxuuna ka wara may ,
waxqabadka degmada Tog-Wajaale , sheegayna in ay ka go'an tahay wixii
itaalkooda ah.
Weriye
Nimcaan Dheeg Ibrahim
Longlivesomaliland
News Media
Gabiley Office
Somaliland |