Berbera:
Dhoofkii Xoolaha ee Sayladaha Sucuudiga oo Markale Furmay Carrafadii
Kadib
Berbera (Timacade News)- Waxa markale si rasmi ah habeen hore uga
bilaabmay de kedda Berbera dhoofka xoolaha nool ee loo
iibgeynayo sayladaha dalka Boqortooy ada Sucuudi Carabiya oo
aan wax xoolo ah loo dhoofin intii ka dambaysay bishii Carr
afo ee la soo dhaafay.
Sida uu ku soo warramay weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Saaxil Mr.
Maxamed Ism aaciil Cumar (Biid), waxa subaxnimadii hore ee
shalay dekedda Berbera ka goostay markab lagu magacaabo MV BITA oo
shixnad xoolo ah u qaaday dhinaca dalka Sucu udiga.
Sidoo kale, waxa isna dhinaca dalka Yemen u qaaday xoolo nool markab
lagu magac aabo MV Noba oo qaaday 1200 lo’ ah iyo 2300 neef oo
adhi ah, halka markabka MV BITA uu qaaday adhi dhan 12621 neef iyo
580 geel ah.
Waxa kale oo xalay dekedda Berbera ka goostay markab la yidhaa MV
Muxamed oo xoolo nool u qaadaya shirkadda Indha-deero, kaasoo qaaday
xoolo tiradoodu gaa dhayso 23000 neef oo isugua jira 20,000
adhi, 1000 geel iyo 1200 neef oo dibi ah.
Sidoo kale, waxa habada marsada
Berbera ku sugan markab shixnad adhi ah u qaad aya shirkadda
Al-jaabiri, kaasoo la filayo inuu dekedda ka shiraacdo labada.
Dhaqdhaqaaqa xoolaha nool ee dekedda Berbera oo hakad galay dhawrkii
toddoba ad ee ka dambeeyey bishii Carrafo, ayaa dib u soo nooleeyey
xarakaadkii ganacsi ee ka jiray magaalo-xeebeedda Berbera.
Geesta kale, muddadii uu furnaa maxjarka caafimaadka xoolaha ee
Berbera, waxa s oo isa soo tarayey cabashooyin kala duwan oo
ka soo yeedhaya ganacsada xoolaha dhoofiya oo si weyn uga cabanaya
xaqsoor la’aan dhinaca adeegsiga maxjarka ah, kuwaasoo sheegay in
aanay wax tixgelin ah ka helin tan iyo inta xoolaha Al-jaabiri ka
baxayaan maxjarka qaranku leeyahay.
Source:Jamhuuriya Online
|