Waxba Kama Jiraan Xukuumaduna Ma Qaban Qaabinayso Wax Mudaharaad ah Arrintaasi waa Buuq ay Mucaarid
 


Hargeysa (Timacade News)- Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) ayaa buuq ay mucaaridku samaysanayaan ku tilmaamay warar  sheega yay in xukuumaddu ay qaban qaabinayso mudaharaadyo ka dhan ah  Guddo omiyaha  Xisb iga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo lagu beegayo marka uu dalka dib ugu soo laabanayo dhawaan.

Wasiirka Wasaarada Beeruhu wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu maanta xafiiskiisa ku siiyay Weriyaha shabakada wararka ee Ramaasnews ee Somaliland Cumar Ma xamed Faarax, waxaanu Wasiirku waraysigaasi kaga hadlay arrimaha siyaasada iyo  wax qabadka Wasaaradiisa.

Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:-

S: Wasiir waxa xukuumada aad ka tirsan tahay lagu eedeeyaa inay bilaabayso  yooyootan kii siyaasadeed ee hore loo soo af-jaray iyo inay dayaacado ka fidinayso socdaalka  Guddo omiyaha KULMIYE raad intee leeg ayaad arrimahaasi ku leedihiin?


J: Komishan ayaynu u dhiibanay Arrimaha doorashada oo ay wakhtiga ku haboon qabtaan taasi oo caalamkuna inagula shaqeynayay, inaguna xukuumad ahaan aynu ka masuul  nah ay sidii doorashadu ay nabad gelyo ugu qabsoomi lahayd.waxaan qabaa Anigu in Komishan ka loo daayo shaqadooda markaa waxaad moodaa in Mucaaridku ay doco-docaynayaan Komishanka markii ay waayeen sidii komishankii hore ee iskabarbar hadli jiray. Waxaan aaminsan nahay inay komishankani yihiin rag shaqadoodii haysta.

Markaa waxaad moodaa in markii shaqadooda uun ku koobnaadeen ayaa la bilaabay doco-docayn iyo in la yidhaahdo xukuumada ayaa hortaagan doorashada.

Guddoomiyeyaashu xisbiyada iyo Xildhibaanada Goleyaashu markay marayaan dibadaha laakiin waxaan ogahay inaanay dadka u sheegin warar lagu farxo oo ay wadaan uun cayda xukuumada waxa haboon inay ogaadaan in wadaniyadu ay ka qaalisan tahay wax  walba.qofka dibada jooga ayaana had iyo jeer ugu naxdin badan dadka oo mar walba wuxuu ka fikirayaa maxaa ka soo yeedhi.dadkeena dibada laftoodu waxaan odhan karaa ma jecla warka fiican ee dalka looga sheegayo ee waxay u riyaaqayaan waxa xun ee qofku sheegayo taasina waa wax ilaahay laga magan galo.

Mucaaridkuna waa inay dadka dibada wax wanaagsan u sheegaan, olalena laguma galo cambaaraynta dalkaaga, haddii inta aad dibada u baxdo tidhaahdo dalku wuu baa’basan yahay waxba ma aad soo kordhin ee wuxuun baad sii didisay.dadka qurbo jooga ahina cod ma dhiibaan ee dhaqaale ayay dhiibaan dhaqaalahoodana dalka qeyb ayay kaga qaateen horumarkiisa oo dad badan oo dalka jooga ayaa ku tiirsan lacagta laga soo diro qurbaha. Waxaa haboon oo aan kula talinayaa in waxay bixinayaan aanu sababin Nabadgelyo xumo.

Xukuumaduna shacbiga ayay ka timid ee cirka kamay soo dhicin dadkan xukuumada ahi waa dadkii shacbiga uun ka yimid.dadkeenu inta badan way iska xiiso badan yihiin’e xiisaha badan waxa ka qaalisan dalka.

S: Wasiir waxa la idinku eedaynayaa in xukuumadu ay doonayso inay xidho siyaasiga Eng. Maxamed Xaashi, xilli dalku doorashu isu diyaarinayo maxaa looga jeedaa arrintan?


J: Walaahi Anigu ninkaas odayga ah wixii dadku ay sheegayaan uun baan maqlay’ee oo wax gaar ma odhanayo.ninku haddii uu madaxtinimo doonayo xisbi mucaarid ha ahaado ama qof shacbi ahba ha noqdee waxa waajib ah in xukuumada jirta loo hoggaansamo,Soomaalidu waxay tidhaahdaa haddii shaadhkaaga lagugu qabsado waa laga gar baxaa.marka aad doonayso inaad barito wax xukunto waa inaad xukunka kaa horeeya ayidaa. Gar iyo gardarraba wax waad ku xukumi kartaa bini’aami ayaynu nahay.way ka dhacdaa caalamka oo xukuumadaha u waaweyn ayaa khalad ku xukuma dadka.

Waxaan leeyahay Maxamed Xaashi hore waxa loo yidhi nin Hulaab xumi inuu wax qarsanayo ayaa la moodaa. Waxa lagaaga fadhiyaa in wixii aad sheegaysay aad haayadaha sharciga ee kuu yeedhay ka hor sheegto.

S: Wasiir waxa wararka ay Wargeysyada qaar qorayeen in Xukuumadu ay Mudaharaad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ay ka qaban qaabinayso dalka, arrintaasi maxaa idinku kalifay?


J:Wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan warkaasi sheegaya in xukuumadu ay mudaharaad ka dhan ah Siilaanyo ay qaban qaabinayso arrintaasi waa buuq ay samaysanayaan mucaaridku.

Xukuumadu nabad gelyo darro ma abuurayso ee hadh iyo habeen waxay heegan ugu jirtaa sugida amniga dalka, Guddoomiyaha KULMIYE waa nin murashax ah oo ah Guddoomiye Xisbi qaran qadarin iyo tix gelin ayuu xukuumada ka mudan yahay, xukuumada Somaliland-na ma abuurayso mudaharaadyo wararka arrintaasi la xidhiidhaana waa been abuur cad.

S: Wasiir warbixin kooban naga sii waxqabadkiinii sanadkii hore ee 2009-ka iyo qorsheyaasha ugu muhiimsan ee sanadkan 2010-ka?


J: bilowgii sanadka cusub ee 2010-ka ayaynu ku jirnaa waxaynu maraynaa bishii u horreysay ee January, waxaanu Ilaahay rajaynaynaa inuu inoo noqdo sanad khayr qaba oo bash bash iyo barwaaqo ah. oo aynu kaga raysano abaarihii iyo dhibaatooyinkii ina soo maray.icitiraafkiina aynu helno doorashooyinkuna si wanaagsan oo nabad gelyo ah ay inoogu qabsoomaan.

Sanadkan rajadaydu way fiican tahay oo mooralkaygu wuu fiican yahay, waxaanu wasaarad ahaan qabnaa rajo badan oo ah inaanu helno mucaawimooyin.runtii haayado badan oo caalami ah oo beeraha ahi ma joogaan, dalka waxa jooga Haayado yar yar oo maxali ah oo ay ka mid yihiin ADO, CANDLE-LIGHT iyo Haayada DRC oo ah urur caalami ah laakiin aan beeraha uun ku koobnayn Ceelal yar yar ayay fulisaa.

Haayada FAO ayaa ugu weyn Haayadaha Beeraha ka shaqeeya waxaanay qandaraasyo ku siisaa haayadaha kale kuwo maxali ah iyo kuwa caalamiga ahba.rajadayadu Wasaarada Beeraha aad bay u fiican tahay waxaanu filaynaa inay haayado badan oo beeraha ahi inoo yimaadaan oo ay dadka wax u qabtaan.

Sanadkii hore wax yar dadka looma qaban aad baanu u shaqeynay Ceelal badan waa la qoday,mashaariic faro badan oo beeraha xirfadooda iyo waxsoo saarkoodaba kor loogu qaadayay waa la sameeyay sanadkan cusubna waxaanu rajaynaynaa inaanu ka sii badino.

S:Wasiir Abaaro ba’an ayaa meelo kala duwan oo dalka ah laga soo sheegayaa, markaa maxaa dadkaasi loo qabtay?


J:Abaartu dalka meelo badan oo ka mid ah way ka jirtaa gaar ahaan goboladaAwdal, Salal iyo Tog-dheer oo abaar ba’ani ka jirto gaar ahaan biyo la’aan ayaa ka taagan,horta waxa loo baahan yahay in qorshe laga samaysto oo sanad walba xiligan oo kale aan qeylo dhaan lagu dhufan.abaartuna waa mid ay bini’aadmigu keeno iyo mid dabeecaddu keento.

Abaaraha dadku keenaan kow ayaynu ka nahay dhirtii ayaa iyagoo qoyan la jarjarayaa oo baabuurta la soo saarayaa,shacbiga waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada oo kaliyi waxba ma qaban karto dadku deegaankooda ha ilaashadaan. Dadweynuhu waa inay ogaadaan geedkan la soo gooyay ee qoyani inuu yahay nolashoodii.

Ma aha in sanad walba la baaqee waa in dadku isku tashadaan, xukuumad ahaana awoodeenu aad uma balaadhna laakiin shacbigu markay nabad-gelyo haystaan shacbiguna waa inay gacan siiyaan waayo askariga booliska ah meel walba ma taagna.

S: Ma filaysaa haddii la taageerom in beeralayda dalku soo saari karaan cunto dalka ku filaata ama qeyb ka mid ah ay daboolaan?

J: Horta cuntada aynu cunaa maba aha cuntada dalka ka soo baxda oo waxa u badan Baasto iyo Bariis, beeralaydeenu cuntada wadaniga ah ee ay soo saaraan waa Galay iyo Hadhuudh waxay awoodi karaan inay raashinka ay soo saaraan ku bedeshaan cuntada dibada ka timaada. Beeralaydeena qalab badan waa la siiyay inkasta oo aanu dalka ka jirin baankii horumarintu ictiraaf la’aanta darteed.

Waxa kale oo beeralaydeenu u badan tahay dhinaca khudrada, horta waxaynu ku filan nahay waa khudradda, khudradda dalka taala inteeda badani waxay ka soo go’day dalka.



Source:Ramaasnews