Dawladda Fransiiska oo Marwo Edna Adan Guddoonsiisay Bilad Sharaf
Safiirka Fransiiska u Fadhiya Djibouti oo Biladaa Chevalier de la Order de la Legion d’Honeur oo Edna Gacanta U Geliyey Biladdaa Hargeysa (TNN)- Xaflad balaadhan
oo ka dhacday Cisbtaalka weyn ee EDNA ADAN
UNIVER SITY HOSPITAL ayaa Safiirka Fransiska u fadhiya
Djibouti guddoonsiiyey Marwo Edna Adan
bilad ka mid ah kuwa ugu qiimaha badan ee dalkaasi bixiyo. Biladan
Chevalier de la Legion d’Honeur waxa
kal hore go’aamiye in la siiyo Edna Madaxweynaha dalka Fransiska
Nicolas Sarkozy. Biladan Sharaftan oo
la bilaabay 1802 waxa la siiyaa dadka
geesinimo la yimaada (dhinaca militariga) hase yeeshee wakhtigan
xaadirka waxa la gudoonsiiya askhaas kooban oo ku mutaysta wax qabad
balaadhan oo caalimi ah oo dad badan taabta. In kasta oo inta badan
la siiyo dadka Fransiska haddana dad aan tiro badan oo ajnebi ah
ayaa la guddoonsi yaa oo badiyaa lagu maamuso waxqabad xagga
horumarinta bilaadminimada. Waxa ka mid ah dadka ajnedbiga ee la
siiyo qoraayaasha, dhakaatiirta, sugaanyahanada, synisyahnada iyo
dhakhaatiirta waawweyn.
|