Derajiyo Xil yaa Doorkan inaga Mudan? Bulshadana
Daadahayn kara? (Qaybtii 1-aad)
Saddexdan nin,
Derajiyo Xil yaa Doorkan inaga Mudan,
Bulshadana Daadahayn kara?
Cadceed baa dul joogtoo, dhidid baa ka
da’yoo, diif baa ku raagtoo, bulsho daashay
weeyee.
******
Dareenkii wadanigiyo yaan ka dhiman
damiirkoo, dhibaatadu damqaysaa?
******
Derajiyo
xil yaa mudan, Bulsho daadahayn kara?
Waa dacar qabiilkuye, yaa diidey odhan kara?
******
Dadka
yaa hor iman kara, hadal deeqa odhan kara?
Kasban kara rag iyo dumar oo xumo ka daahira?
******
La
iskama durduriyee, dawladaha deriskiyo
sumcad dunida yaa ku leh, ictiraaf iyo keeni
kara aqoonsi dawladnimo?
|
Eng/Architect Hussein Adan Igeh
(
Hussein Deyr)
|
Sannad wacan oo wanaagsan. Sannadka 2010-ka, Sannadkii
guusha, horumarka iyo ictira afkaba Somaliland u
siday Rabbi (SWT) ha inooga dhigo (Aamiin).
Waxaan
halkan ka salaamayaa dhammaanba umadda reer Somaliland,
gudaha iyo dibadda ba, ee jecel nabadda, horumarka,
wanaaga iyo gooni isu taagga Somaliland.
Maqaalkan aan ugu magac daray:
Derajiyo Xil yaa Doorkan inaga Mudan ? Bulshadana
Da adahayn kara?, waxaynu si kooban ugu falaqayn
doonaa marxaladaha kala duwan ee ay dawladnimada
Somaliland soo martay iyo weliba talada muwaadiniinta
Somaliland la gudbo on marka ay doorashada inagu
soo fool leh dooranayaan hoggaamiyaha ay 5-ta sano ee
soo socda talada dalka ku aamini lahaayeen .
Waa dib u milicsi awodda iyo kartida shacabka
Somaliland, waayaha ay Shalay soo maree n, Halka ay
Maanta taagan yihiin iyo Aaya ka talinta Berri oo
gacantooda ku jirta.
Hordhac:
Magaca, sharafta iyo karaamada ummadi leedahay waxa
markhaati cad iyo tilmaanba ka ahi waa halgankii,
nafhuriddii iyo kifaaxii ay soo galeen iyo kolba siday
uga gil-gisheen isk agana dulqaadeen dulmigii iyo
cadaadiskii lagu hayey. Halgankaa iyo nafhuriddaa la soo
m aray waxa dabadeed lagu xardhaa diwaannada sooyaalka
taariikheed ee ummaddaasi lee dahay, kaasoo loo
sii gudbiyo fac ka fac, isla markaana noqda bar wax laga
soo dheegto iyo halbeegga xasuusta halgankii qadhaadhaa
ee ummaddaasi soo martay kaasoo ay xus kiisa,
xurmadiisa iyo xaq-siintiisaba mariyaan si aanay
xasuustooda uga libdhin.
Markase
ummadi si dhib yar ku illawdo taariikhda halgankeeda, ay
xasuusan waydo waay ihii soo maray iyo qiimaha ay
shalay ku kacday nabadda iyo xorriyadda ay maanta
hadhs anayaan, ay kala saari waydo nacabkeeda iyo
nasteexeeda, ay ka faanto ama ka xishooto wixii ay
shalay ku faani jirtay; waxa muuqata inaysan ummaddaasi
waxba ku qaadan dulm igii iyo xasuuqii shalay loo
gaystay. La arkee, waana dhacdo suurto gal ah, in
ummaddaa mar kale loo gaysto mid la mid ah dulmigii iyo
cadaadiskii soo maray ee ay badhkood ka soo badbaadeen,
maadaama aysan waayihii iyo dhibtii soo martay ka
korodhsan duruus iyo w aayo aragnimo ay wax ku
qaadato.
Haddaba, marka aynu eegno Somaliland, ma aha dhacdo si
dhibyar lagu illoobi karo laguna dafiri karo halganka
dheer ee loo soo maray dib u xoraynta dalka hooyo taasoo
guushee dii, gobannimadeedii iyo dawladnimodeediiba
maanta la wada hadhsanayo. Qiyaas ma leh inta geesi
naftiisa u huray, inta hooyo u goblanatay, inta carruur
u agoonowday, inta oori weyday saygeedii.
Waynu
wada ogsoonahay waxa dhib, dhac iyo dhagar qorshaysanba
loo gaystay shicib w eynaha karaamada leh ee
Somaliland, waynu wada ognahay xasuuqa, isir-tirtirka
iyo gum aadka aan xadka lahayn ee lagula kacay
shicibka Somaliland, weynu ka wada dharagsana hay,
yar iyo weynba, dibin-daabyada, dacatiga iyo
cidhib-tirka naf, maal iyo moodba lahaa ee umaaddeena uu
u geysatay Taliskii Kelidihii Taliyihii Arxanka Darnaa,
ee Afweyna iyo xu lufadiisii sanadihii 1981 illaa
bilowgii 1991.
Waxaa oo dhan iyo wax ka sii daranba, way u dhabar
adaygeen ummaddan karaamada iyo haybaddaba leh ee reer
Somaliland illaa iyo guushii Eebbe (SWT) timid oo ay
gobanimado odii luntay geesiyadii SNM dib gacanta ugu
dhigeen. Halgankii iyo kifaaxii ummaddani u soo martay
hanashada dalka hooyo ma aha mid si dhib yar loo
hilmaami karo; hagarna daaba hadalkeeda.
Shicibka karaamada iyo kartidaba leh ee Somaliland waxay
naf, maal iyo muruqba u hureen sidii nabad gelyada,
xasiloonida iyo dib u dhiska dalkooda hooyo ay uga wada
shaqayn lah aayeen. Waxay si shuruud la’aan ah ugu
hoggaansameen dhawridda iyo ka dambaynta ax diga
qaranka iyo distoorka dalka u yaalla. Waxay si hagar
la’aan ah hiil iyo hooba ula ga rab istaageen
hoggaamiyeyaashii ummaddan Somaliland soo maray (C/raxmaan
Tuur, Cig aal iyo Riyaale) sidii ay uga midho dhalin
lahaayeen himilada iyo hiigsashada ummadda So
maliland oo ah in la helo qaran madax-bannaan oo ka mid
ah bulshada caalamka.
Shicibka
karaamada leh ee Somaliland waxay sameeyeen dadaal,
dulqaad iyo dal-jacayl x ad-dhaaf ah waxayna la
yimaadeen himiladii, sifihii, kartidii, horumarkii iyo
wax kasta oo u mmad in la aqoonsado rabta lagu
aqoonsan lahaaba. Waa iyaga kuwa mar walba dalka ka
badbaadiya dibin-daabyada, dabinnada iyo colaadaha
cadawgu soo maleego si aanu marn aba himilada iyo
rabitaanka shicibka Somaliland u rumoobin. Waa iyaga
kuwa isdaba taaga ee aamina hoggaamiyahooda, illaa iyo
inta uu isagu caddaynayo in aan la aamini karin!
Sida aynu la wada soconno, Somaliland waxay muddo badan
raadco dheer ugu jirtay sidii ay bulsho weynta dunida
uga mid noqon lahayd ugana heli lahayd ictiraaf iyo
aqoonsi caa lami ah. Dawladnimada iyo
madaxbannaanida Somaliland waxay taam iyo mid
dhamaystiran noqon kartaa oo keliya markay beesha
caalamka ka hesho aqoonsi buuxa. Haddaba, ictira afka
iyo aqoonsiga Somaliland waxa uu ku xidhan yahay
shuruudda ah isbedel-siyaasadee d oo si nabadgelyo ah ku
yimaadda, iyo doorashooyin si dimuqraadiyad ah oo xalaal
ah uga dhaca dalka Somaliland. Doorashooyinkaa oo dunida
aynu aqoonsiga ka rabnaa ay in bad an
qabsoomiddeeda inaga sugayeen welina ay aad u
danaynayaan, nasiib darrose marar badan dib loogu riixay
sifo aan waafaqsanayn sharciga iyo distoorka dalka u
yaalla.
Haddaba marka ay Somaliland dawlad ahaan, dhaqaale ahaan,
siyaasad ahaan iyo sumcad ahaanba taagantahay halka ay
maanta marayso, aynu la wada soconno khataraha, carq
aladaha iyo hagardaamooyinka ku gedaaman Somaliland (gudaha
iyo dibeddaba), muwaa diniinta Somaliland-na ay 7 sano
kaddib mar kale fursad u heli doonaan inay soo doortaan
madaxweyne, Su’aalaha muhiimka ah ee shacab weynaha
Somaliland horyaalla, loona baahan yahay in ay
muwaadiniinta Somaliland si weyn uga fikiraan waxa weeye:
1. Waa maxay khibradaha iyo
waayo aragnimada inooga korodhay hannaanka
dimuqraadi yadda ee dalka ka hanaqaaday iyo
doorashayooyinkii hore inoo soo maray?
2. Waa maxay khataraha
dalka iyo dadkaba uga iman karaa:
o Haddii ay doorashadu mar kale dib u dhacdo?
o Haddii ay doorashadu u dhici weydo si xor iyo xalaal
ah ook shubasho ama wax is-dabam arini ay timaaddo?
o Haddii guud ahaanba doorashadu dhici weydo oo laga
maarmo?
3. Madaxweynihii ugu
horreeyey ee ay ummaddu sida tooska ah u soo doorteen ma
hirge liyey himilooyinkii umadda iyo ballamihii uu
qaaday markii xilka loo igmaday uu la wareega y?
Ma ku dhaqmay xeerarka iyo dastuurka dalka u dhigan? Ma
ku dhaqmay tiirarka dimuqr aadiyadda saldhigga u
ah? Ma tixgeliyey xuquuqda aasaasiga ah ee uu leeyahay
muwaad inkii isaga soo doortay ee codkiisa siiyey?
4. Derajiyo Xil yaa Doorkan
inaga Mudan, Bulshadeenana Daadahayn kara?
5. Hooggaamiyehee iyo
Xisbigee ugu habboon oo doorkan talada iyo ayaaha
dalkaba muw aadiniinta Somaliland ay ku hallayn
karaan?
6. Maxaynu ku kala
dooranaynaa saddexdan Musharrax? Waa maxay tilmaamaha
ama ast aamaha muhiimka ah ee hoggaamiye lagu
doortaa? Taariikhdiisa? Wax qabadkiisa? Aqoon tiisa?
Qawlkiisa? Daacadnimadiisa? Naf hurristiisa? Hantidiisa?
Qabiilkiisa?
7. Maxaa la gudboon
muwaadiniinta Somaliland oo la inooga baahanyahay ee ay
dunidu inaga filaysaa si aynu u helno aqoonsi caalamiya?
Haddaba
si aynu su’aalahan kor ku qoran ugu helno jawaabo buuxa,
isla markaana aynu iskula meel dhigno musharraxa
derajiyo xil doorkan inaga mudan ee aynu ku aamini karno
talada iyo hoggaanka dalka hooyo, waxaa habboon inaynu
dib u milicsano:
Taariikhda iyo waayaha Shalay dalkeennu soo maray iyo
marxaladaha laga soo gudbay.
7 sano ka dib hanaqaadkii hannaanka dimuqraadiyadda ee
dalku u gudbay, duruufaha laga dhaxlay iyo heerka uu
dalku Maanta marayo siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo
sumcad ahaanba. Mustaqbalka iyo aayo ka talinta dalka ee
Berri iyo kaalinta kaga aaddan muwaa diniinta
Somaliland si loo helo isbeddel siyaasadeed oo dalka ka
dhaca kaasoo horseed ka noqon doona hirgelinta himilada
iyo rabitaanka shacabka ee hakadka galay.
1.0 Shalay
1.1 (1991-2002):
Marxaladdii Axdi-Qarameedka:
Kaddib
markii halyeyadii SNM ee uu hoggaaminayey guddoomiyaha
xisbiga mucaarida ah Kulmiye ahna musharaxa madaxweynaha
mujaahid Axmed M.Maxamud “Silaanyo”, ee soo hooyey
guusha iyo dawladnimada maanta la wada hadhsanayo ay si
buuxda ugu guulayst een dib u xoraynta dalka,
beelaha Somaliland waxay samaysteen qaab iyo hannaan is
ma amul, si naba-gelyada iyo kala dambayntu ay u soo
noqoto. Marxaladdan oo ahayd mid leh duruufeheeda gaarka
ah, waxay beelaha Somaliland u arkeen inay lagama
maarmaan tah ay in la helo dhisitaanka maamul loo
dhan yahay. Marxalladan oo ahayd waqtigii ay dawla
dnimada Somaliland ku salaysnayd wax qaybsigii
hab-beeleedka, waxaa saldhig u ahaa Axdi-Qarameedka ay
dhigteen beelaha Somaliland ku wada nool.
Isa saamaxaad guud, wixii tagay ka samirkii, maaraynta
waxa taagan iyo ka saadaalin mu staqbal dambe
aayihii, ayey ummadda Somaliland mar kale fursad iyo
nasiib u heleen in ay dib u dhistaan qarankii ka
gaagaxay. Wax la kufo oo hadana la kacaba, wada tashi,
isku tashi, isu tanaasul, danta guud koow iyo yaan dib
loo noqon ayaa saldhig u ahaa hannaan ka ay ku
sifoobeen dadweynaha Somaliland. Taasina waxay u
horseeday, nabad waarta, dib u dhiska dalkii burburay
iyo hannaanka dawladnimo ee maanta la wada hoos
hadhsan ayo.
Mahadi Eebbe ayey u sugnaataye, kartida iyo dulqaadka
shicib weynaha Somaliland waa deeqaha iyo darajooyinka
Rabbi bixiyo ee uu ummadan ku galladay,taasi oo ay kaga
duwa nyihiin inta hayb Soomaalinimo iyaga la wadaagta.
Marxaladdii ay Somaliland dawladnimadeedu ku salaysnayd
Axdi-Qarameedka, hadal hayn ta iyo danta ay beesha
caalamku ka leedahay Somaliland aad buu u koobnaa ka hor
intaa nu Somaliland ka hirgelin nidaamka Xisbiyada badan.
In kasta oo ay xilligaaba jireen codad iyo waddamo badan
oo beesha caalamka ka mid ah oo Somaliland mar walba ku
ammaani jiray xallinta khilaafkeeda iyo nabad-gelyo ku
wada noolaanshaha beelaha Somaliland wa da deggeni
ay samaysteen. Somaliland waxa loo arkayey dal aan
dunida ka haysan aqoon si balse ku guulaystay inuu
ka soo kabto bur-burkii dagaalladii sokeeye, dadkiisana
u hors eeday inaay nabad iyo hannaan dawladnimo ku
wada noolaadaan.
Hanaqaadkii Jamhuuriyadda Somaliland waxaa horseed ka
ahaa dadweynaha reer Somalil and, oo ay
hoggaaminayeen labadii madaxweyna ee ugu horreeyey kadib
markii ay Somali land la soo noqotay
qaranimadeedii. Eebe labadoodaba raalli ha ka noqdo,
naxariistiisa jan nadana ha ka waraabiyee
Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Madaxweyne
Maxa med X. Ibrahim Cigaal waxay asaaska u dhigeen
dhismaha qaab dawladnimo oo uu leeyah ay qaranka
Somaliland. Inkasta oo waqtiga iyo xaaladda ay xilka
madaxweynenimo ku hay een uu aad uga duwanaa ka
hadda jira, oo ay dhib iyo mashaakil badanba u soo
dhabar adeygeen, haddana waxay ku guulaysteen in
himilada umadda Somaliland ay hirgasho oo ay dal iyo
dawlad u gaar ah umaddu hesho.
Taladii,
tacabkii iyo tiirarkii adkaa ee ay labadaa madaxweyne
laga dhaxlay, ayaa qaranka iyo ummadda Somaliland ka
badbaadiyey masiibooyinka iyo halaagga aan loo kala
hadhin ee ku habsaday dalkii iyo dadkii Somaliya la isku
odhan jiray (Rabbi iyagana ha ka saaro).
Haddii aan hagar laga gelin iyo taariikhdooda oo daah la
saaro, dhaxal aayatiin leh oo lagu faano ayey labadaa
halyey ummadda Somaliland uga tageen. Rabbi(SWT)
naxariistiisa jannada ha idiinku deeqo(Aamiin).
1.2 Ka tanaasulkii hanka iyo
damaca siyaasadeed:
In la
helo xal waara iyo nabad-gelyo ay beelaha Somaliland ku
wada noolaadaan waxa ugu weyn ee suurto geliyey waxa
weeye: kaddib markii hoggaamiyeyaashii jabhaddii
wadaniga ahayd ee SNM iyo siyaasiyiintii reer Somaliland
ee waqtigii Axdi-Qarameedka talada dalka hayey ay ka
tanaasuleen damacoodii iyo hankoodii siyaasadeed, isla
markaana ay si toos ah taladii dalka ugu wareejiyeen
hoggaamiye dhaqameedyadii iyo odayaashii Somaliland.
Arrintan iyada ahi waa waxa keliya ee hoggaamiyeyaasha
ciidanka iyo siyaasiyiinta u dh ashay Somaliland
ay kaga duwan yihiin siyaasiyiinta u dhashay dalkii la
isku odhan jiray So maliya, kuwaasi oo illaa
waqtigan xaadirka ah aan haba yaraatee wax tanaasulaad
ah ka samayn damacoodii siyaasadood, dadka iyo dalka ay
masuulka ka yihiina aan haba yaraat ee wax axsaan
ah ama u tudhis ah u samayn. Taasina waxay keentay kala
qaybsanaan iyo bur-bur bulsho oo ku habsaday dalka iyo
dadka aynu walaalaha nahay (Rabbi iyagana ha ka saaro
dhibta, tawfiiqda iyo taladana ha waafajiyo -Aamiin).
1.3 Marxaladdii xisbiyada badan
Marxaladdii Axdi-Qarameedka oo ahayd waqtigii ay
dawladnimada Somaliland ku salaysn ayd wax
qaybsigii hab-beeleedka, waxa lagu soo gaadhay in la
sameeyo dastuur qaran oo lagu ansixiyey afti dadweyne
(97%), looguna gudbay marxaladdii labaad ee ay
Somaliland soo martay taasoo ahayd Habka xisbiyada badan.
Dastuurka qaran ee la qaatay waxa uu daahfuray in loo
gudbo marxalladii labaad oo ahay d hirgelinta iyo
ku dhaqanka nidaamka axsaabta siyaasiga ee badan iyo
hannaanka dimuq raadiyadda oo loo tartamayo
hoggaanka iyo talada dalka.
Hana-qaadka iyo hirgelinta habka Xisbiyada badan ee
Siyaasiga ah iyo hannaanka dimuqr aadiyadda ee ay
Somaliland ku tallaabsatay waxa uu si rasmi ah u soo
jiiteen indhaha iyo dhegaha beesha caalamka. Waxana
durbadiiba badatay hadal haynta iyo hanka ay bulsh
ada caalamku ay Somaliland u qabto, kuwaasoo ku baaqayey
in Somaliland wax lala qabto lagana taageero geeddi
socodka dimuqraadiyadda iyo dhinacyada mashaariicda
horuma rinta bulshada.
Quwadaha
waaweyn ee dunida, gaar ahaan dalalka horseedka ka ah u
ololeynta fidinta b arnaamijka dimuqraadiyadda
waxay u arkayeen in Somaliland qaadday tallaabo wacan oo
wax ku ool ah tusaalena u noqon karta dalalka qaaradda
Afrika intooda badan.
Quwadaha u ololeeya hannaanka dimuqraadiyaddu waxay
aaminsan yihiin in dimuqraadiy adda oo Afrika ku
faaftaa ay tahay daawada keliya ee lagaga hortegi karo
dagaallada, co llaadaha, musuqmaasuqa iyo
keli-talisnimada Afrikaanka daashatay. Isla markaana ay
bul sho weynta iyo dalalka Afrika dimuqraadiyaddu u
horseedi karto horumar lagu tallaabsa do, maamul
wanaag iyo xukuumad tayo leh oo shicibku la xisaabtamo.
1.4 Madaxweynihii ugu horreeyey ee
doorasho ku yimid:
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin waxa uu nasiib u helay
inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyey ee ay umadda reer
Somaliland sida tooska ah codkooda ugu doortaan. Halkii
labadii madaxweeyne ee isaga ka horreeyey uu xilkooda
madaxweyne salka ku hayey ax di-qarameedkii
beelaha Somaliland. Mudane Riyaale waxaa xilkiisa
madaxweyne saldhig u ahaa codka dadweynaha iyo dastuurka
qoran ee qaranka Somaliland.
Waxa uu
madaxweyne ka noqday dal iyo dad laga galay godobo iyo
dambiyo taariikhi ah, dal iyo dad ka soo kabtay bur-bur
iyo baro kac baaxad leh, dal aan haysan aqoonsi
caalamiya, dal aan loo sheeganayn taageero dhaqaale kol
ay tahay tu bini-aadannimona, dal iyo dad iyagu isku
tashaday oo u baahan keliya hoggaamiye u horseeda halka
ay danta ummaddu ku jirto. Itaal waa halkiisee, aanu
isagu dalka iyo dadka toona hagar ka gelin.
Bishii May 2003-dii, waxa uu madaxweyne Daahir Riyaale
Kaahin xilka madaxweynenimo qa btay waqti ay rajeda iyo
yididiillada ummadda reer Somaliland marayeen heerkii
ugu sarr eeysey. Waxa uu horseed ka noqday ummad
iyo qaran idil oo dhisan oo la yimid sifihii, kar tidii
iyo wax kasta oo ummad in la aqoonsado rabta lagu
aqoonsan lahaaba.
Waxa uu
nasiib u helay inuu la kowsado dhacdo iyo mucjiso aan
hore uga dhicin qaaradda Afrika. Waxa dalka ka hirgalay
hannaanka dimuqraadiyada oo ku dhisan habka xisbiyada
badan oo iyagu loollan u gala hoggaaminta dalka iyo
dadkaba.
Waqtigaa
rejada uu adduunku Somaliland ka qabay waxay ahayd mid
aad u sarraysa.
Adduunku wuxuu arkayey in Somaliland ay ka jirto
nabadgelyo iyo xasilooni si rasmi ah la iskugu hallayn
karo, goleyaalshii sharci dejinta iyo garsoorkii,
hay’adihii amniga qaranka, saxaafad madaxbannaan,
dhawridda xuquuqda aadamaha iyo xoriyatul qawlka iyo
xisbiyo siyaasi iyo dimuqraadiyaddii oo dhab ahaan dalka
uga hirgalay. Waxaa waqtigaa muuqday ifafaale fiican oo
ay Somaliland ku hiigsan karaysay aqoonsi caalami ah.
2. Maanta: (2003-2009):
7 sano kaddib iyo halka xaalka Somaliland marayo!
2.1 Labada weji ee hoggaamiyaha ama siyaasiga:
Waa hoggaamiyaha ama siyaasiga ka reeba ee ka taga
aragtida ama fikirka isaga u meelmara ee taariikhda u
gala, sida: inuu yahay nin masuul ah oo qawlkiisa iyo
ficilkiisaba lagu kalsoonaan karo, iyo inuu yahay nin
beeniyey ballan qaadyadii uu sameeyey oo caddeeyey inuu
yahay nin aan xilkas ahayn, aan lagu kalsoonaan karin,
oo aanay ballani xidhin.
Xumo iyo
samaan, Khayr iyo khasaare, Wax tar iyo wax yeello, Laga
raysay ama loo darsay; hoggaamiye kastaba isaga ayaa ka
taga raad raaca iyo sooyaalka taariikhdiisa ee dadkiisa
iyo duniduba ku xasuusan doonaan.
Waxa
jirta in hoggaamiye ama siyaasi kasta (siiba kuwa Afrika)
oo tartan ugu jira in xil loo doorto (heerka uu doono ha
ahaadee) uu badanaaba, mi-mid iyo dhif mooyaane,
leeyahay laba muuqaal oo aad u kala duwan:
Marka uu
codka kaa rabo si uu loollankaa ugu guulaysto, waxa uu
muujiyaa muuqaalka ugu habboon ee dadka soo jiidan kara;
erayo macaan, khudbado dadka qiiro geliya, ballan qaadyo
badan, fir-fircooni iyo hawl karnimo dheeraad ah,
dulqaad, deeqsinimo iyo nin dadka iyo dalkaba maanshayn
doona., iwm.
Muuqaalka kale ee kaa ka soo horjeeda ee uu hogaamiyuhu
ama siyaasigu leeyahayna wa xa uu la soo baxaa
marka uu xilka qabto ee uu kursiga madaxnimada ku
fadhiisto.
Mid mid iyo dhif mooyaane, waxa uu la soo baxaa dar-dar
cusub iyo amarro uu bixiyo si wixii uu isagu rabo loo
fuliyo. Waxa uu ka fogaadaa bulshadii uu ninka wanaagsan
iskaga dhigayey, koox yar oo ay isaga isku dan yihiin
mooyaane. Waxa uu bilaabaa inuu askar iyo ilaalo badan
isku wareejiyo. Waxa uu qoonsadaa ciddii waad
qaldantahay ama wax baa qaldan tidhaa. Waxa uu bilaabaa
xoolo urursi iyo hanta boob. Hogaamiyihii bulshada ninka
wanaagsan iskaga dhigayey markii uu bulshada u baahnaa,
waxa uu dabadeed qaadaa wadiiqadii ku ridaysey dariiqii
weynaa ee keli-talisnimada iyo kursi jacaylka. Waxa
kaliya ee uu ku dadaalaa wixii dantiisa gaarka ahi ku
jirto, danta shacabkana dhegaha ayuu ka furaystaa!
Wax
kasta oo uu kursiga iyo xukunkiisa ku difaacan karo wuu
isku dayaa.
Waxa dabadeed halkaa ka bilaabma in hoggaamiyihii la
doortay, kursigiisa awgii uu dalka iyo dadkaba geliyo
qalalaase siyaasadeed iyo muran aan dhammaad lahayn
kuwaasoo dalka u horseeda bur-bur bulsho oo aan laga soo
kaban karin.
2.2 Sannadkii Muddo
kordhinta, Muranka iyo Is-maandhaafka siyaasadeed.
Sannadkii dhamaaday ee 2009-ka waxay bulshda Somaliland
ku xasuusan doonaan inuu a haa sannadkii Muddo
kordhinta, Muranka iyo Is-maandhaafka siyaasadeed. Waxa
uu ahaa sannadkii ay dalka Somaliland soo mareen
murannadii iyo carqaladihii siyaasadeed iyo dis
toori ee ugu adkaa taariikhda illaa iyo intii ay
Somaliland la soo noqotay madaxbannaanidii ay 1960-kii
lumisay. Is-maandhaafkan iyo murannada siyaasadeed ee
7-dii sano ee ugu d ambeeyey soo noq-noqonayey,
waxay hoos u dhigeen sumcaddii iyo magacii ay Somaliland
dunida ku lahayd, cidina ugu deeqin ee iyadu kasbatay.
Waxaa yaraaday oo hakad galay hankii iyo hadal-hayntii
ay beesha caalamku Somaliland u qabtay. Waxay dunida iyo
dalal ka Somaliland taageeraaba ay aad uga cabsi qabeen
in Somaliland noqoto qaran fashilmay oo xilkiisii gudan
kari waayey.
Waxa
abuurmay shaki iyo walaac ay qabaan dalalka Somaliland
taageera una ololeeya aq oonsigeeda, waxayna ka
cabsi qabaan in Somaliland ay ka leexatay tubtii
habboonayd ee ay 18-ka sano haysay, una leexatay hilin
qaldan, taasoo dhaxalsiin karta in bulshada caa
lamku odhan karaan Somaliland weli uma bisla gooni isu
taag ay Somaaliya ka go’do iyo aq oonsi caalamiya
toona.
La soco qaybta 2-aad ee Maqaalka:
Derajiyo Xil yaa Doorkan inaga
Mudan ? Bulshadana Daadahayn kara?
Wa Billaahi Tawfiiq,
Guul ,
Ictiraaf iyo
Aqoonsi Somaliland
2010 (Insha Allah)
By: Eng/Architect Hussein Adan Igeh
(Hussein Deyr)
(UK & Holland) |
|