Daraasad ku saabsan Kufsiga oo ku soo kordhaya
Somaliland, gaar ahaan Hargeisa.

Daraasadan waxaan ka xog waraystay xubno ay ka mid
yihiin Saraakiil Boolis ah, xeer-ilaalinta, wasaar adda
caddaaaladda, maxkamadda gobolka, ciidanka asluubta,
Dhakhtar, odey dhaqameed iyo wadaad, iyo waliba
dhibannayaal kufsi loo geystay. Warbixin sannadeedkii
booliska iyo warbixino urrudda bulsh adda.
Kufsiga oo ka mida tacadiyada ka dhanka ah sharafta
bini'aadamka oo saameyn jidhaaneed iyo maska xeedba u
geysata dhibanayaasha ayaa faraba'an ku haya dumarka iyo
carruurta reer Somaliland mag aalooyinka waaweyn oo
shantii sanno ee u dambeeyay soo kordhaya sannadba
sannadka ka dambee ya lagasoo bilaabo
2006 ilaa 2010
tiradda tacadiyadda kufsigu ee kadhacay dalku waxa uu
kor u kacay 63%( boqolkiiba saddex iyo lixdan).
Magaallada ugu badan ee kufsigu kadhacaa waa caasimada
dalka ee Hargeysa oo ay degan yihiin buls hadda ugu badan
ee reer Somaliland. Dhibanayaasha loo geysto kufsigu waa
dadka da'doodu u dhaxa yso 1 sanno ilaa
18sanno oo u
badan oo isugu jira gabdho iyo wiilal. Haddaynu eegno
goobaha ugu dab an ee kufsigu ka dhaco waa goobaha ay
degan yihiin dadka danyarta ah, kuwa ka soo noqday
qaxoon tiyadda iyo kuwa ka yimid wadamada jaarka ah sida
Ethiopia iyo Somalia. 53% (boqolkiiba saddex iyo
konton),kiisaska kufsiga ayaa ka dhaca goobaha anaynu
soo xusnay, halka 26%(boqolkiiba lix iyo laba atan)
kiisaska kufsigu ka dhacaan meelaha dooxyadda iyo
meelaha cagtu ku yar tahay, ama cidladda ah,
20%(boqolkiiba labatan) kiisaska kufsiga waxay ka
dhacaan xaafadaha magaaladda Hargeysa dhe xdooda.
Dadka gaysta kufsiyadda waa dhallinyaro inamo ah oo inta
badan kooxo ah.
Haddaba waa maxay saameynta kufsigu leeyahay?
Kufsigu waxa uu leeyahay saamayn jidh iyo tu maskaxeed,
waxa ka mid ah kuwa jidhka ee soo gaadha dhibanaha: in
la garaaco, nabaro loo geysto, lafaha laga jabiyo, la
jarjaro jidhka, iyo xubanaha taranka oo dhaawacyo halis
ah ay soo gaadhaan taa waxa u dheer xanuunadda lagu kala
qaado galmada sida HIV/AIDS , jabti iyo qaar kale oo
badan. Mararka qaarna uur ay ku qaadaan kufsiga loo
geysto dartee d.
Xagga maskaxda waxa soo gaadha dhibanayaasha,werwer fara
badan, hurdada oo ku adkaata, in uu qofku ku riyoodo
dhacdadii, xusuus murugo leh, baqdin iyo argagax. Waxaa
iyana saameyn kale ah in dumarka iyo gabdhaha la
kufsaddaa kuwa laqabaa ku waayaan guryahoodii ama
meeshii ay deganaay een oo ay caydhiyaan bulshaddu ama
bulshadda caaddis maskaxeed saaraan.
Qaab nooceeya aya loo xaliyaa kiisaska kufsiga?
Dalkeena Somaliland marka la xaliynayo dhacdo kufsi
waxaa lasameeyaa in ama Maxkamadda uu maro oo dhibahu
dacwad geyso dambiilahana lasoo xidho oo maxkamadda la
hor keeno kadibna lagu xukumo 5 sanno ilaa 15 sanno inta
u dhaxays waa hadii loo daayo nidaamka caddaaladda,
Laakiin tani inta bad an ma dhacdo oo isla marka uu
dambigu maxkamadda galo ayaa qaab xeer dhaqameed loo
leexiyaa oo lagala baxaa maxkamadda oo dibada loo saaraa
si loogu xaliyo xeer-dhaqameedka oo saameyn aad u weyn
ku leh bulshadda ahna sharciga ugu badan ee lagu xaliyo
dhacdooyinka kufsiga marka loo eego shareecadda oo ay
bulshadeenu inta badan ku xaliso dhaxalka, ama nidaamka
kale ee sharci ee dalka ka jira, iyadoo ay u muuqato in
la doorbidayo xeer-dhaqameedka oo dan u ah dambiilah
maxaa yeelay isagga lama kulmayo wax ciqaab ah ee kaliya
wuxuu bixiyanaa magdhow lasiiyo ehelkii
dhibanaha.had daba waxaa is weydiin leh xeer-dhaqameedku
ma yahay mid siinayaa caaddaalad dhibanaha? Waxaa cad
inn uu xeer-dhaqameedku kasaarayo meesha caddaaladii
qofka dhibanaha ah waayo waxa uu kali ya siinayaa lacag
magdhow ah laakiin ma xukumayo ama ciqaabayo dambiilahee
gaystay fal dambiyee dka oo isna iska sii wadan karo
dambigiisa.
Dhacdooyinka kufsigu markii hore waxay ku eegaayeen
dumarka iyo carruurta gabadhaha ah laakiin s annodadii u
dambeeyay waxaa soo kordhayaa kufsiga loo geysanaayo
inamadda carruurta ah oo wax lalayaabo ku noqotay
bulshadda maadaama ummad muslim ah aynu nahay.
Waa maxay waxyaalaha sababay in kufsigu bato?
Waxaa jira waxyaalo sababay in uu kufsigu sii bato
magaalooyinka sida Hargeysa oo ay kamid yihiin :
•
Nidaamka loo xaliyo kiisaska kufsiga oo hadd iyo jeer
lagu xaliyo nidaamka xeer-dhaqameedka oo sid aan soo
sheegay magdhow bixin ah laakiin aan ciqaab culus
saarayn dambiilaha. Habka xeerka oo kiisa ska maxkamada
galena laga baxo oo loo leexiyo xeer.
• Magaallada Hargeysa oo dadka ugu badan gobollada
Somaliland ku nool yihiin, iyo waliba dad kasoo noqday
qaxoontiyadda, kuwa ka mid wadamadda jaarka ee Somalia
iyo Ethiopia iyo waliba qaar kale oo kayimaada qurbaha
dadkan kale duwan oo iyaguna saameyn dhaqan oo kale
duwan wata.
• Shaqo la'aanta oo iyana door muhiim ah ka ciyaaraysa
xagga dhalinyaradda oo ah dadka ugu badan ee geysta fal
dambiyeedka kufsiga oo iyaga oo kooxo ah kufsi wada
gala.dhallinyaradan waa kuwa me elaha sida maqaaxiyaha
ama suuqyadda iska fadhiya oo kadibna kooxo kooxo noqda.
• Tiknoolojiyadda casriga ah ee ay ka mid tahay Tv-yadda
, internetka, tilifoonadda. oo iyana faa'iido fara badan
u leh bulshadda ayaa haddana aanay ka maqnayn meesha
sida xun ee looga faa'iidayso, oo dhallinyaro badan ay
ka daawadaan waxyaalaha xun xun, iyo muuqaalo aan
fiicnayn, telefoonadda oo iyana ah meelaha sida fudud ay
isaga bartaan dhallinyaradda wiilasha iyo gabdhuhu
kadibna meelo laysku balamiyo sidaasna lagu kufsado
qaar.
• Guurka oo aad loo adkeeyay kadib markii waalidka qaar
ay ku xidhaan maal iyo hanta lasii ama nolol fiican in
ay ubadkoodu helaan darteed u diidaan inay guursadaan
Tallo soo jeedin:
Waxaan tallo ku soo jeedin lahaa in lasameeyo:
In dawladdu ay samayso xeer ama sharci adag oo ay ka soo
saarto kufsiga loo geysto dumarka iyo ca rruurta wiilal
iyo gabdho, oo laga daayo nidaamka xeer dhaqameedka oo
kasaaraya meesha xuquuqda dhibanayaasha. Nidaamka
xeerarka kala duwan ee dalka ka jira oo isna aad moodo
in dadka laftoodu ay kolba kii u dan ah raacayaan in la
mideeyo.
Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda
shaqo loo sameeyo, oo laga leexiyo qaybkan ay u
noolyihiin oo lasameeyo nidaam kale sida xirfado ama
meelo lagu madadaaloodo sida ciyaaraha iyo naadiyo wax
tar jidh iyo maskexeedba leh.
Waalidku in aanay adkayn guurka carruurtooda oo aanay ku
xidhin maal aan lagoyn karayn.

Huda Cali Xasan
Baratay: Caddaaladda Dembiilaha iyo Cilmiga Booliska
E-mail: hudahasan584@hotmail.com |
|