Danta Beeshu Waa Danta Berbera
Codkaaga Ku Ciil Bax..Q29
Ahmed Arwo

 


Sannad ka hore 2 June 2009 ayaan maqaal ka qoray Berbera oo uu Madaxweynahu dhowr cisho u hoyday  sii na baaqbaaqay mashaariic aan weli laga midho dhalin, iyo hadalo beer-laxawsi ah, ammaan iyo madax-salaax nin baahan looga barta. Waxa wax lala yaabo ah rag xilka 7 sano hayey oo doorasho doon ah inay noqdaan  q aar aan sheegi karin waxay qabteen, oo ku maaweeliyey dadka waxaad leedihiin Wasiirka barlamaanku loodin kari waayey, Maareeyaha ugu jeeb roon iyo, iyo..ma diidanin ee maxay dalka iyo bulshada u qabteen. Ma nin jeebkiisa ayey beeshu idinku raacdaa?Â

Anigoo kol kale idin xusuusin doonaa maqaalkii aan arrinta hore uga qoray bal aan tibaaxo sida loogu  badhee dho ee loogu kariyo dhagax aan bislaanayn barta awoowyaashay ku aasan yihiin. Awoowgey labaad ilaa  lixa ad ayaa ku xabaalan Berbera. Waa marso bulsho wacan oo kulmisa reer Soomaliland, waa xundhurtii  ganacsi ga. Waxaan xusuustaa bakhaaradii adeeraday ee timirta, iyo bariiska baa'sarcaha ah, iyo macawisihii 80X80, maradii maxamuudida ahayd, shaahii iyo sonkortii, daqiiqdii iyo qalabkii guryaha ay dhoobnayeen. Waxaan  raa ci jiray safarada laga soo daabulo badeecadda xiliyada fasaxa. Waxaan xusuustaa sida taajir iyo faqiir loo  see xan jiray debedda iyo sariiro cadiir ah, iyadoon qofna cabsiyi hayn, subaxiina kolka salaada la tukado loo  dhaq aaqi jiray dhinaca badda, qof dabaasha, mid kaluumeysta, iyo mid badda cagaha soo gashaba.Inaadeerka Axmed (Madx/Xig), waxaan leeyahay waxa Berbera u dan ah ayaa beesha u dan ah.

Waxaan xusuusinayaa bulshoweynta saaxil balamadii hore iyo wiidhiihi macaanaa:

1- Sedexdii wershadood iyo 350kii Milyan doolar, waa 2007

2- Wershadda sibidhka oo kol Garman laga iibiyey, kol Fransiis, ugu dambayna tujaar reer Berbera ah, waa sida socdaalkii kal hore uu Madaxweynahu inoo sheegay.

3- Dekedda Baerbera iyada dhulkaba lama dhigo. Waa  mid lala wareego oo xaraash ah, cid iibsataana lama arko, weli se waa balan iyo berrito. Kol waxa iibsaday German, Carab Qatar leh oo Imaaraad leh, tii ugu dambaysayna waa sharkad caalami ah oo Fransiis ah iyo 400Milyan dollar.

4- Waxa dheer dawladaha magacooda lagu qadhaabto, waa Maraykan oo saldhiga ka samaysanaaya, xusuuso 2008 iyo socdaalkii Madaxweynaha, waxa iyana saxaafadda laga biiliyo hantida qaranku malmaluuqday Yuhuud ayaa si ba'an u rabta marsada Berbera. Waa yaabe dadkaygu miyeyna ahayn kuwii qarni hore iyo waa dadku intan ka yar yahay kana cilmi yar yahay kuwii yidhi " Berberi wax faraq lagu qaado ka weyn"

5- Mashruucii Berbera corridor ee sanad walba laga dhigo wax cusub.

6- Haamaha shiidaalka een cidi aqoon Tootalka maamushaa cidda leh. Heshiis qarsoon oon dhammaad lahayn, bulshaduna ka qatantay.

7- Ku dar Maxjarka, wax weyn ma aha waa Xero-xoolaad hadhaysan, tamar ay xukuumaddu ku sameyso ayey weyday, tujaartii degaanka waa loo diiday, Carab ayaa loo suntay, khrashkiisa lama yaqaan, xoolaha dhoofaa waa kooto isaga ayey u xidhan tahay.

Xusuuso Cabdiramaan Awal Bari iyo baaqyadiisii, ku dar warsaxafeedyadii Xildhibaanada Siciid Cilmi Roble, iyo Maxamed Qabile. Ha iloobin baaqii ay u dhammaayeen dhammaan xildhibaanada laga soo doortay Berbera. Maankaaga geli Siyaasiga iyo odayada beesha Cabdilaahi Cabsiye iyo dardaarankii Salaymaan Cumar Ku-Joog, ha yareysan geesiga Ibraahim Dhegoweyn iyo digniinta uu ka baxshay xummaanta ay caadaysatay  xukuuma dda UDUB. Ninka gunta soo taabtay ee dhowaan afka gacanta geshay ha hilaamin, waa Siciid Ilka-weyn, Siciid UCID.

Intaas aan ku dhaafo sawirkan gooban,haddaba kal-hore iyo waxaan idhi iyo tan maanta taagan ila akhri. Berbeeri waa saaxi, danta qof u gaar ah, iyo jeeb nin kale leeyahayna dani uguma jirto bulsho weynta, Berberi wax faraq lagu qaado ka weyn....

SAAXIL WAA SAAXI
2June 2009

Socdaalka ayaamahan uu Madaxweyne Riyaale ugu gaalaabaxay degmooyinka iyo ilaa tuulooyinka SAAXIL, oo ah bilawgii olalaha dib-u-doorasho, waxa nabar aan dhaymo lahayn ka dhigay socdaaladii hore ee balamada xadiga badan loogu bushaareeyey reer Saaxil. Mar ma ahayn oo laba ma ahayn inta jeer ee wershado, shiida al , iyo dalxiis loogu balan qaaday. Reer Berbera waxba lamay hadhin, oo xataa waxa la ogaa in Dawladda  Hoo se mushaharkii shaqaalaha damaashaad iyo dabaaldeg ku bixisay…kolkii 300 Milyan oo doolar wershadaha ku kacaaya ee weliba khawaajaha weyn ee Jarmal waday la dul keenay ee dhagax-dhig iyo shaqo-qorid leysu diyaariyey. Ma ahayn wax lala yaabo.. oo niyad wanaaga iyo deeqsinimada reer Berbera waa mid ka dhab  ah ayd. Waxay se masiib ka timid, in xukuumadda mushaharka shaqaalahaas lunsatay, ogayd inaan waxba ka jirin waxan ay shacbiga ka iibisay. Saaxil maankeeda wey qabtaa , ma aha sakhraan, waalina laguma sheegin oo SAAXIL WAA SAAXI..maantana waa maalin kale, jawaabtana waxay la sugayaan halkeeda iyo dharaarta ay CODKOODA KU CIIL BAXAYAAN..

Ma se yihiin dadweynaha Soomaliland qaar sida xukuumaddu u aragto ah maangaab, aan arag wax sankooda dhaafsan… mise waa shacbi samir badan, wax fahamsan, balse la sugaaya maalinteeda, iyo kolka codka loo dhaqaaqo. Waxaan qabaa in arrinku yahay kan dambe ee aanu ahayn sida xukuumadda Riyaale u aragto..
Bal ila akhri warkii wacnaa iyo balankii seddexda boqol ee milyan ee doolar. Waa kan warkii oo sida uu u  qorna a aan idiin soo gudbiyey. Kaas wax ku qaado. Ku duub xusuustaada oo kol kale ha ku dhicin dabin hadimo iyo uurkutaalo kugu reeba. Aakhris wacan iyo maankaaga ood la kaashato. Waxa aan gadaal ka sheegi doonaa sida socdaalka manta isna dhab ahaan loo arko.

Madaxweyne Rayaale Oo Dhagax Dhigay Seddex Wershadood Oo Qiimaha Maalgashigoodu Ku Kacaayo 300,000,000 Dollar

Hargeysa (Harowo.com) June 26, 2007- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahi Rayaale Kaahin ayaa abaaro 9:00 subaxnimo ee saaka oo ku beegnayd munaasabadda qaaliga ah oo ah maalintii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay dalka ingiriiska.

Wuxuu dhagax dhigay seddex wershadood duleedka magaalada Berbera kuwaasi oo la filaayo in dhawaan laga dhisi doono wershadaha kala ah Wershad Casri ah Oo Sibidhka soo saari doonta (Cement Factory), Wershad laga samayn doono Dhuxul dhagaxda (Chipsen Factory) iyo tu kale oo laga dhalin doono biyaha iyo quwadda jibsanka koronto gaadhi doonta dhammaanba gobolada dalka oo dhan.

Madaxweyne Rayaale ayaa sheegay in dhismaha koobaad ee mashruucyadani la bilaabi doono dabayaqada bisha barakaysan ee Ramadaan, wuxuuna kula dar daarmay reer Berbera inay masuul ka yahiin  mashaariic daasi iyo ilaalintoodaba, Mudane Rayaale wuxuu sheegay in kumanaan qof oo reer somaliland ahi ay  shaqoo yin ka heli doonaan mashruucani oo uu sheegay inay ku baxayso maal gashi dhan 300,000,000 (seddex boqol oo malyuun oo dollar).

Dhinaca kalana wasiirka wershadaha Somaliland Mudane Maxamed Saleeban Maxamed (Ina Saleeban Weyne) oo ugu waramaayey saxaafadda maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Berbera ayaa sheegay in  mas hruucani seddexda wershadood ah ee qiimahaas ku baxayo ay fulinayso shariikad lagu magacaabo "German Somaliland Economic Development Company" isagoo sheegay in fullinta iyo farsamadana ay fullinayso  shariik ad lagu magacaabo Saougetta Eng. oo ah shariikadd jarmal ah. Wasiirka wershadaha Somaliland wuxuu  sheeg ay in mashruucyadani ay keeni doonaan mashaariic kale oo iyaguna bedda lagaga soo saari doono  kheyraa dka dabiiciga ah ayuu yidhi.

Saraakiil ka socota shariikadda Saugetta ee iyadu mashaariicdani hirgelinaysa oo la socota wefdiga  madaxwe ynaha ayaan iyagu wax faah faahin ah ka bixinin mashaariicdani wallow marka uu wasiirka wershadahu uu  wa rbixinta siinaayey saxaafadda ay goob joog ka ahaayeen, waxaa kale oo ay maanta wefdigani kala qayb  galle en madaxweynaha munaasabad balaadhan oo lagu xusaayey 47-sanno guuradda ka soo wareegtay maalintii xornimada somaliland ay ka qaaday gumaystahii ingiriiska oo lagu qabtay fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Berbera.

Origin:Â http://harowo.com/2007/06/27/5988/
Haddaba hadday damaashaadkii 2007 ka loo sameeyey seddexda wershadood ee seddex boqol oo milyan lagu maalgalinaayey, oo gaadhay dhagaxdhig, iyo balan shaqo qor, aan idinku xidhiidhiyo sida saxaafadda  Soomalil and ee ka turjumaysa dareenka dadweynahu u aragtay socdaalkan ayaamahan Saaxil mar kale dhagaxa loo karinaayo. Waa kan faallo ay ka qortay arrintan wargeyska HAATUF:

Saaxil:Safarka Madaxweyne Rayaale Ee Xiligan,Balanqaadyadiisii Hore Oo Aanay Waxba Ka Fulin,Kuwo Cusub Iyo Duruufaha Qalafsan Ee Wehelka U Ah Dadwaynaha Gobolkaasi

Berbera, May 29, 2009 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii  Saddex aad booqasho ku jooga magaalada Berbera, kaas oo kulan la yeeshay masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolka Saaxil, kulankaas oo uu Madaxweynuhu kaga dhegaystay warbixino iyo cabashooyin ku saabsan Baahiyaha Regaadiyey xafiisyada Addeega Asaasiga ah ee bulshada.

Kulanka Madaxweynaha iyo maamulka laamaha dawlada ayaa waxa ku wehelinayey Madaxweynaha xubno ka mid ah wasiiradiisa, Badhasaabka gobolka Saaxil, Maareeyaha Dekeda iyo Maayirka Berbera, waxaanay  masu uliyiinta laamaha dawladda ee gobolkaasi u qadimeen Madaxweyne Rayaale baahiyaha iyo duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha dawladda ka hawl galaa gobolkaasi iyaga oo si weyn uga cawday dhaqaale  dar o ku habsatay guud ahaan addeegyada bulshada ee asaasiga ah sida caasimaadka, biyaha, korontada iyo  wa xbarashada, kuwaas oo aan helin dhaqaale ku filan oo lagu socodsiiyo hawsha ay u hayaan bulshada.

Isuduwayaasha caafimaadka, Wakaalda biyaha iyo Waxbarashada oo ka mid ahaa masuuliyiintii kulankaasi ka hadashay ayaa u sheegay Madaxweynaha inay haysato duruufo adag oo aanay hay'addaha gobolku awood u lahayn inay wax ka qabtaan baahiyahaa addeeg ee ka jira hay'addahooda sidaa darteedna xukuumadda looga baahan yahay inay si degdeg ah wax uga qabato arimahaasi.

Madaxweyne Rayaale oo kulankaas ka hadlay ayaa ugu horayn waxa uu sheegay in masuuliyiinta aan fursada u helin kulankan inay cabashadooda ka hadlaan ay qoraal ahaan ku soo gudbiyaan, isaga oo intaasi ku daray in cabashada ay soo jeediyeen masuuliyiinta laamaha dawlada ee gobolka saaxil ay ka wada hadli doonaan  m a rka uu tago Hargeysa madaxda Wasaaradahooda, wixii suurto gal ahna isku deyi doonaan in wax laga qabto oo ay hawshooda sii laban laabaan.

Rayaale waxa uu kulankaasi ka dib uu kormeer ku tegay Cusbitaalka iyo Dekeda Berbera isaga oo halkaa kaga dhageystay Madaxda Cusbitaalka baahiyaha ka jira in xataa cusbitaalku aanu lahayn Ambalaas isla markaana ay ku yartahay dhakhaatiirta ka hawlgasha, waxaana uu Madaxweyne Rayaale u balan qaaday in si degdeg ah loo dabooli doono baahida Ambalaaska.

Waxa kale oo ay sheegeen wararka ka imanaya Berbera in shalay gelinkii dambe uu Madaxweyne Rayaale la kulmay madaxdhaqameedyada, Odayaasha iyo Waxgaradka gobolka Saaxil, kulankaas oo uu ahaa mid ay  alba abadu u xidhan yihiin oo aan loo ogolayn saxaafada ayaan la ogayn waxa ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo Odayaasha Reer Saaxil, hasa yeeshee sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw kulankaasi  wax yaabaha lagaga waxa hadlayey inay u badnaayeen marka laga yimaado cabashooyinka loo sheegayey  Madax weynaha iyo balanqaadada Rayaale uu ka bixinayo waxa laga wada hadlay sidii ay reer Saaxil u taageeri  laha ayeen Xisbiga Rayaale ee UDUB si uu xisbigaasi ugu guulaysto doorashada soo socota.

Gobolka saaxil oo ay ku taalo dekedda Berbera oo uu ka soo baxo dhaqalaha ugu badan ee dalku ayaa ah ka ugu yar dhinaca horumarka marka addeegyada Asaasiga ah ee Bulshada iyo Imkaaniyaadka Nolosha ee looga baahan yahay Magaalo xeebeeda Berbera, taas oo dadkii ku noolaa intoodii badnayd ay duruufaha qalafsan iyo dabeecadaha cimilada dartood ay uga haajireen magaalooyinka kale ee gobolada dalka.

Dad badan oo ka mid ah dadweynaha reer Saaxil ayaa ku dhaliila xukuumaddihii Somaliland iskaga dambeeyey kuwo dhaqaalaha ka soo baxa degada aan waxba ku soo celin gobolkii uu dhaqaaluhu ka soo baxayey, taas oo marka loo eego gobolada kale aad uga hooseeya baahiyaha aasaasiga ah, waxa kale oo dadka dhaliila  xukuu madda rayaale ay sheegaan in qadarka dhaqaalaha ka soo baxa dekeda Berbera ee loogu talo galay in wax  la gaga qabto addeegyada sida Caafimaadka, Waxbarashada, korontada aanay ka badnayn masuuliyiinta  maam ulka gobolka iyo degmada, kuwaas oo muddo dheer ku sugnaa gobolka isla markaana Regaadiyey hawlihii  ma amul ee ay ummadda masuulka uga ahaayeen.

Sikastaba ha haatee socdaalka Madaxweyne Rayaale ee xiligan oo ay dad badani u arkaan inuu yahay mid uu ku doonayo inuu dib u kasbado taageerada dadweynaha ku dhaqan gobolka Saaxil, kuwaas oo intooda badan wakhtigan aad u dhegaystaan asxaabta Mucaaridka kadib Markii ay ku hungoobeen taageeradii ay siiyeen  xu kuumadda Rayaale doorashadii madaxtooyada ee sanadkii 2003-dii, ayaa waxa la siweydiinayaa waxa ay ka bedeli karaan balanqaadyada cusub ee uu Madaxweynuhu u balan qaado dadka Reer Saaxil iyadoo  balanqaa dyadii hore ay noqdeen kuwo madhalays ah.

HAATUF

Waa adi iyo maankaa. Wararkan aan faallo la'aan idinku soo gudbiyey, waa xusuus iyo inaydun noqotaan dar u soo jeeda danta guud, ka foojignaada jaahwareerka iyo ballamada aan sal lahyn, ee maalin walba lagu  may dhaayo dhaca iyo musuqa dalka ka taagan. Ogow muwaadin, waxa la dhacayaa, la burburinayaa, lagugu  laalu ushayaa, laydinku kala xadayaa, waa maalkaagii, waa cashuurtii muwaaadin kasta min gobalka Awdal iyo  San aag laga qaaday, da' kasta iyo itaal kasta oo dhaqaale ha lahaadee. Waa tan laga qaaday miiskiinka  dawarsa da… waayo wax kasta ood cuntaa, wax kasta ood cabtaa, wax kasta ood huwataa waxa laga qaaday  cashu ur… ma jiro ruux markuu dhashay ilaa inta uu noolyahay aan cashuur bixini. Waa arrin aan laguu sheegin oo adna si yar kuu dhaafta.


Haddaba u kac la-xisaabtanka mas'uuliinta kaarbedka cas loo dhigo madaarka sidooy yihiin madax ajanabi ah oo dalka siyaaro ku timid. Isu diyaari inaad CODKAAGA KU CIIL BAXDO inaad ka bogsato, codkii kaa xumaaday, kolkaad hoggaanka manta talada haya u fooday ee CODKAAGI CADOW KUGU NOQDAY. Yaan mar kale lagu  da gin. Adigaa awoodda leh, adigaa u dhiibtay, adigaana ka qaadi kara. Sida goryada madaxa ciidda ha gelin, ee niyaddaada dhis oo dhe… HAA WAAN KARAA INAAN doorto hoggaan cusub, inaan rido xukuumadda  hawsh eeda gabtay..ee waliba iigu dartay cadaadis iyo xabsi… Waan karaa annigoon dagaalamin, inaan isbedel sameeyo…


Mahad oo dhan ALLAH leh
Ahmed Arwo
Samotalis@gmail.com

Guji LINKAN oo akhri Barnaamajka KULMIYE:
https://docs.google.com/fileview?id=0B2ihL4hM00JYZjk2MDI0YjQtM2YyOS00ODZmLTgxNDItOTYzNDAxOGYwYWI1&hl=en_GBÂ



JOIN SAMOTALIS Group
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/group.php?gid=143687650990&ref=mf

JOIN SAMOTALIS Page AT:
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589


http://samotalis.blogspot.com

 

 

 

Ahmed Arwo
Samotalis@gmail.com