Faallo:Damac La'aanta Gabiley, Dulqaadka Wajaale, Duur
Xulka Siilaanyo iyo Dareen la,aanta Shacabka.
Hargeysa (TNN)-Wakhtigii ololaha Doorashada Somaliland
waxaa ka jiray guud ahaan Dalka Somaliland Tartan xoogan
oo lagu kasbanayay taageero, Xisbi kastaana dhankiisa u
raadsanayay taageerayaal, kuwaasi oo loo samaynayay
balan qaadyo dhinac walba leh.
Waxaa jiray saadaal iyo rajo Xisbi waliba ku
Xisaabtamayay Gobollo gaar ah oo ku Rajo waynaa inay
Codkooda siin doonaan, ka dib marka ay ku qancaan
Barjaamika Xisbigiisu soo bandhigo.
Gabiley Waxa ay ka mid ahayd Goboladda difaaca u ah
Xisbiga maanta ku guulaystay tallada Dalka S
omaliland waana halkii uu Axmed
Siilaanyo saldhigan jiray marka ay saadaashu
isbedesho, waxaa int aa sii dheerayd
Degmada Wajaale oo ka
tirsan Gobolka oo iyadu Muruqooda iyo Maalkooda Galiyay
s idii Xisbiga Kulmiye u soo bixi lahaa kana dhabeeyay
hadafkoodii iyo ujeedadii ay ka lahaayeen inay ku
guulaystaan taladda Dalka.
Aan u daadago dulucda mawduuca aan Qalinka u qaatay
inaan wax ka taataabto manta, Waxaa is w aydiin
Mudan, Axmed Siilaanyo
maanta hadii uu ku guulaystay tallada Dalka ma dhagaha
ayuu ka fur aysanayaa Dadkii soo doortay ee
maalkoodu ku baaba'ay Guushiisa?
Ma waxa uu illawsanyahay Awo odii iyo Cududii badashay
Daahir Rayaale inay meesha
ka maqantahay? Ma waxa uu
isleeyahay Gabil ey hadaad siisay Wasaarada
Arimaha Dibada wax danbe kuuguma hadhin?
Ma waxa uu la dagaalam a yaa siyaasiyiinta Gabiley
si aanay u hana Qaadin?
Mise Waxa uu Jaanis siinayaa Mucaarid hor leh oo Gilgila
sidii Xukuumadii hore?.
Su'aalahaasi iyo qaar kale oo badan waa kuwo ay
iswaydiinayaa dadka ku dhaqan Gobolka Gabiley. G abiley
maanta waxaa u baryay waa Cusub oo walaac iyo walbahaar
leh, waxaa soo dib u soo abuur maya mucaaridnimo
aanay filayn inay dib ugu soo noqdaan, Waxaa bilaabmay
Guux badan oo ku lidi ah Xukuumada Cusub ee Madaxwayne
Siilaanyo soo dhisay.
Gabiley waxay ku badalatay Lixdankii kun ee cod ee ay
islahaayeen Faa'iido ayuu soo wadaa in Shaq adda
lagaga eryo 10 masuul oo Xilal Wasiirro u dhigma ka
hayay Xukuumadii Rayaale, kuwaasi oo dh amaantooda
ka soo jeeda Gabiley, taasi oo noqotay isbeddelkii ay ku
taamaysa Xukuumada Cusub inay Dalka ka samayso.
Isbeddelku maaha hebel, hebel ku Beddal balse waa in
Talo talo badasha meesha la keena, Axmed Si
ilaanyo waxa uu baday masuuliyiin aan shaqada ay hayaan
Cid qaban kartaa jirin, oo ahaa biri ma ga ydo aan
la taaban illaa Dawladii alle ha unaxariistee
Maxamed X.ibraahin cigaal.
Waxaa wax lala yaabo ah Damac la'aanta foosha xun ee
Siyaasiyiinta Gabiley iyo waxa ay la aamusa
nyihiin ee ay ugu jawaabi laayihiin Dadkii ay matalayeen
iyo Shicibkii ay hormoodka u ahaayeen, mise tolow Xantii
la sheegayay ayaa dhab noqotay ee lahayd,
Gabiley hadii la siiyo Wasiirka
Arimaha Diba da dib u soo jeedsan mayso?.
Ilawsho dhawaa ma Umulbaa Xukuumada siilaanyo? Ma
durba ayuu ilaaway hiilkii
Togwajaale,
hirdan kii Gabiley u
soo gashay Guusha Xisbigiisa, talada xumi waa tii meesha
ka saartay Xukuumadii Daahir rayaale, hadii aad ku
dhaqanto inaad fuliso balan qaadyadii aad ku taamaysay
wakhtigii ololaha wax kaa xumaanayaa ma jiro, dadka
Somalidu waa indho ku garaadle,
markaa waxaan ku odhon lahaa inta aad dhaw dahay dib
isugu noqo, dadkii ku soo doortayna dib u fiiri wax
badan ayaa halkaa kaaga soo bixi doona.
Xukuumad waliba mucaarid ma waydo balse waxaa jirta
taariikh ma hadho ah oo is qoraysay taasi u un
baana ka dhaxal ah wax lagaga tago Dal ama Dad, Somalidu
waxay tidhaahdaa "Biyaahan hortoo
da arko ,dabadoodu waa Huubee bal aan sugno Hadhaaga,"
iyo waxa ay soo wada Xukuumada cusub i.
Nimco Muxumed Ibraahin
Timacade News Reporter
Hargeisa/Somaliland
Qaali540@hotmail.com
|