“Dalkii Faraheenuu Ka Sii Baxayaa Oo Waxa La Sii Waree ga ya Dad Soo Galooti Ah, waxayna khatar ku yihiin.” Xil X. Boobe

 

Haegeysa (TNN)-Xildhibaan Xasan Axmed Boobe oo ka mid ah Mudanayaash Golaha Guurtida  a yaa maalintii shalay walaac ka muujiyay dadka soo galootiga ah ee dalka ku soo qulqulaya ee maalinba maalinta ka dambeysa ku soo badanaya Magaalooyinka Dalka, isagoo sheegay  Xildhib aan Xasan Axmed Boobe in dalku qarka u saaran yahay inay la wareegaan dad soo gelootiga ah oo aanay jirin cid kaantaroolaysa, isla markaana aan la siinin wax u cadeyna inay yihiin soo gelooti oo ay khatar ku yihiin Amaanka Dalka, dadkan uu sheegay Xildhibaanku inay khatar ku yihiin xaalada Amaan ee Dalka ayaa waxa uu sheegay inay yihiin dad ka yimid Dalalka aynu  dar iska nahay ee Itoobiya iyo Somalia.


Xildhibaan Xasan Axmed Boobe waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlayay fadhigii  shal ay ee Golaha Guurtida ee ay kaga doodayeen xaalada Amaan ee Dalku ku sugan yahay  wakhti gan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aynu wada ognahay in dalkii la qabsaday oo ay  k umanaan Gudhuu iyo Oromo ay qabsadeen dalkii, si buuxda ayaanay ula wareegeen innaga  ay aa dalkeena ka seexanay, haddii aan laga hawl gelin oo aan wax laga qaban dadkani sida ay ku socdaan way la wareegayaan Dalka”. Xildhbaan Xasan Axmed Boobe la hadlay Xukuumadda waxa uu yidhi “Waa in Xukuumadu ay si degdeg ah dalka uga saartaa dadka shisheeyaha ah ee meel walba buux dhaafiyay ee aan haysan wax inoo cadeynaya inuu qofkani yahay Ajaanib  a ma soo galooti, Golaha Guurtida waxaan u soo jeedinayaa in arintaa Guddi loo saaro oo sida  ug u dhakhsaha badan looga hawl galo”. Si kastaba ha ahaatee Dareenkan Xildhibaanku ka  muu jiyey xaalada dalka ee Dadka soo galootiga iyo dhibaatada ay ku hayaan, ayaa u muuqata mid keenaysa baraarujin dhinaca Xukuumadda iyo Dadweynaha lagagana hor tagi karo xaaladaha Amaan darro ee dalka ka dhici kara haddii la kaantaroolo ama la xadido dadka soo galootiga ah ee dalka ku soo qulqulaya.

 

 



Cabdiraxiim Ismaciil Cabdilahi {Bidaar}
Cabdiraxiim9909@gmail.com
Hargaysa/Somaliland