“Waar Waa Loo Soo Dhigtay Dadkii Jilicda-Sanaa, Ummadi Marka Ay
Dumayso Waxa Lagu Gartaa Keeda Jilicda San Ayaa La Dhibaa”Sheekh
Aadan Siiro

Hargaysa(TNN)- “Waxaynu ku heshiinay in keenii xil qabtaa uu inuu
intaas oo guri iyo intaas oo baabuur yeesho, waxaynu ku heshiinay in
keenii masuuliyad qabta Saladiisu ay $100 noqoto, waxaynu ku
heshiinay in keenii xil qabta Marfashkiisa maalintii $2000 lagu
budliyo, waxaynu ku heshiinay in keeni xil qabta marka wax laga
waydiiyo waxa uu ka masuulka yahay inuu yidhaahdo Tolaayeey yaa reer
Hebalaay Ilaahay sida khayrka qabta ha ina waafajiyo. Waxaynu
dawladd iyo dad jira noqonaynaa marka qofkasta meesha ku haboon la
geeyo oo dadka jilicda san la ilaaliyo”.
“Waxa aynu ognahay maanta oo dalkeena ka dhaca in kuwa wax haystana
laga warwareego ku danyarta ah ee maatida ahna la cadibayo, dawladda
hoose in badan ayaanu la hadalnay oo aanu nidhi maatida daaya oo
ilaaliya. Maaha sharcigu inuu agoonta iyo kuwa jilicda san inuu
qabto, waxaanu leenahay dalka waxa xoreeyey waa kuwaa maanta dhulka
la jiidayo, iyaga ayaan cashuurta bixiya oo uu dalku wax ku yahay.
Waxaan leeyahay yaanu sharcigu qaban kuwaa salaadii kalahaya ee
Ilaahay baryaya ee leh Ilaahayow dalka noo hagaaji waa kuwaas kuwa
Ilaahay ducada ka aqbalayo”.
“Waar dalka yaanay 100 nin qaybsanin, waar yaanu sharciga dalku inta
waawayn ee wax haysata la jirin, ummadi marka ay dumaysi waxa lagu
gartaa dadkeeda jilicda san ayaa la dhibaa”
“Abu Suufiyaan Binu Xarbi ayaa markii danbe ee dadku wada muslimeen
isku dayey inuu wado yar xidho, markaas ayaa Cumar Binu Khadaab
loogu yeedhay oo uu ku idhi wadada ha xidhin ee kan ka qaad oo kaana
ka qaad, markaas ayuu sadexdii uu wadada ku soo durkay ka kiciyey,
markaas ayuu ku yidhi labadaasna qaad oo Muslimiinta ugu dar,
miyaanad ogayn in maanta Islaamku talinayo. Abu Suufiyaan Binu Xarbi
waxa uu ahaa nin wakhtigaas Maka ugu guryaha badnaa, waa ninkii
dagaalkii UXID hogaaniyey ee Nabiga (NNKH) jabiyey ee Carab oo dhan
isku keenay”.
“Dalkeena waxa ka dhacday in kii awooda lahaa wadadii ayuu xidhayaa
oo cashuurtii inuu bixiyo ayuu diidayaa oo wuxuu doono ayuu yeelayaa.
Maxaa Maatida loo laynayaa oo loo duminayaa guryahooda yar yar ee ay
dirqiga ku dhisteen iyada oo aan waddo loo samaynin. Waar maxaad
Xaqa u difaaci laadihiin oo aad Maatida u barbar istaagi laadihiin,
waar maxay ku dhacday in maalin walba mid aan waxba ahaynin inta uu
halkaa isa-soo taago uu ummadda u baabiinayaa isaga oo aan waxba u
diyaarin oo aan wado iyo biyo iyo wax kale toona u diyaarin?. Waxa
dalkeena ka socoto in la yidhaahdo hebel oo wasiir ah ayaa guri
looga dhisayaa, ma waxaynu ku jirnaa in wasiir waliba uu guri intaas
oo Mitir ah uu ku jiro?. Waar aynu kuwii hore ka saarno oo aynu
kolba kuwa wasiiro ah aynu u banayno, waar ninwalowba marka aad
xilka wareejiso gurigana dawladda iskaga wareeji oo yaan maatida la
baabiinin”
“Dad aan waxba loo diyaarin ayaa inta uu nin u yimaado uu odhanayaa
halkan ayaan u baahanahaye ha layga raro dad danyar ah oo
muwaadiniin ah, markaasaynu inaguna wada ag taaganahay. Dawladda
waxaan leeyahay waar maatida iyo dadka jilicda-san ilaaliya, waar si
qorshaysan u dajiya. Hadii la helo dawladd cadaali ah qofkasta oo
reer Somaliland ah waxa ku soo hagaagaya 7KM”.
“Waxaan leeyahay ninka dulmiga wada reer ha u samaynina reer maahee,
Waar waa loo soo dhigtay dadkii jilicda-sanaa, Islaan Tamaandho meel
ku iibinaysa uun maxaa cagafta dul dhigay ee Kunkan wado ee ay
xidheen kuwii lacagta haystay loo arki laayahay”.
source:Waaheen
|