Dal Jacaylka Qurbe Joogga iyo Daayacaadda
Xukuumadda Riyaale


 

By: Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)(UK & Holland)



Waxan halkan ka salamayaa dhamaanba umadda reer Somaliland, gudaha iyo dibaddaba ee jecel nabadda, horumarka, wanaaga iyo gooni isu taagga Somaliland.
Sannadka 2010-ka, Sannadkii isbedelka khayrka leh, guusha, horumarka, iyo ictiraafkaba Somaliland u siday Rabbi (SWT) ha inooga dhigo (Aamiin).


-------------------------------------------------------------------------------------------------
 

1. XARBUL-QANAMKII oo u Gudbay Bulshda Qurba Joogga SOMALILAND

Ereyga Xarbul-Qanam [ama dagaalkii adhiga] waxa curiyey ama uu maskaxdiisaba ka soo maaxday (19.01.2010) madaxweynaha Jamh. Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin. Sidaa darteed, xuquuqda ereyga Xarbul-Qanum waxay u dhawrsan tahay madaxweynaha.
Xarbul-Qanamkii xukuumaddu wadday kuma eka keliya dalka gudihiisa, waxa uu hadda ka tallaabay badaha waaweyn, rabaana waxa uu kala kulmaba, inuu isku ballaadhiyo oo laga dareemo xaggaa iyo qurbaha.


Wax lala yaabo maaha haddii wasiirro ama masuuliyiin ka mid ah xukuumaddu ay si  gurra can u hadlaan, amaba ay ereyo gef ah oo aan loo meel dayin afkooda ka soo baxaan.
Sababtuna waxay tahay, waxaynu ka wada dheregsannahay oo aynu inbadan aragnay ama maqalnay qaabka iyo hannaanka uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  mud ane Daahir Riyale Kahin u hadlo, mar-mar iyo dhifka uu shirka jaraa’id ku qabto qasrigiisa madaxtooyada ee uu shacabka Somaliland farriimaha u sii mariyo saxaafad aan la ogolayn inay isaga su’aalo weydiiyaan!.


Haddaba shirkii jaraa’id ee ugu dambeeyey ee uu madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somalil and mudane Dahir Riyale Kahin ku qabtay qasriga madaxtooyada (19.01.2010) waxa uu guud ahaanba kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya dalka iyo bulshada Somaliland gudaha iyo dibeddaba. Ujeedada maqaalkaygani waxa ay khusaysaa keliya qayb ka mid ah arrimihii uu madaxweynuhu ka hadlay, taasoo ahayd qaybtii uu kula hadlayey farriintana ugu gudbinayey bulsho weynta Somaliland ee ku nool qurbaha ama dalka dibeddiisa. Shirkiisaa jaraa’id oo ujeedooyin badan lahaa, waxa uu madaxweynuhu si gaara ula hadlay dhalliil xoog lehna u soo jeediyey bulshda qurbe joogga reer Somaliland oo uu ku eedeeyey inay lacagtooda ku bixiyaan bur-burinta qaranka Somaliland.


Hadalkii madaxweynaha afkiisa ka soo baxayna wuxuu ahaa sidan: “Bal nasiibdarrada aan anigu la yaabanahay, dadkaa dibedda jooga ee lagaga qaadhaan urursanayo Somaliland ma jirto, dee Somaliland oo jirta inay wax ku bixiyaan baan jeclaan lahaa, Somaliland ma jirto inay wax ku bixiyaan ma ahayn!”

Waa dhalliil iyo eedeyn aad u culus, gef iyo meel ka dhac weyna ku ah bulshada qurba  joo gga reer Somaliland. Waana wax aad looga xumaado in madaxweynihii idlaa ee qaranka iyo qoomiyadda Somaliland (muxaafid iyo mucaaridba) ay ereyada noocaas oo kale ahi, ee aan sal iyo raadtoona lahayn ay afkiisa ka soo baxaan.


Xaashaa Lillaah, uma qalmaan bulshada qurba joogga Somaliland in lagu sheego kuwo  la cag ku bixiya sidii Somaliland loo dumin lahaa ama dabinno iyo dibin-daabyo loogu dhigi lahaa. Iyaga weeyaan kuwii dalkan dhisay, la’aantoodna aanu marnaba hiigsan kareen halka uu maanta taaganyahay. Waa arrin la fahmi karo in loo diyaargaroobayo olalaha doorashooyinka inagu soo fool leh ee ay xisbiyadu ugu tartami doonaan ciddii qaban  laha yd hoggaanka dalka. Waxaase nasiib darro ah in wax walba laga dayo siyaasad iyo erayo xajiimaysan oo loogu jawaabayo xisbiyada tartanka kugula jira.

Dabcan, madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu canaanto bulshada uu madaxweynaha u yahay ee qurba joogga ah, balse canaantaasi waa inay noqotaa mid wax toosin ah, mid uu madaxweynuhu bulshada qurba joogga ah ku canaananayo sida iyaga loogu baahanyahay inay si muuqata uga wada qayb galaan dib u dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha ee dalka.
Waa meel ka dhac iyo arrin aan meesha qaban inuu madaxweynuhu qurba joogga reer  So maliland dhalliil culus u soo jeediyo kuna sheego inay yihiin kuwo xisbiyada macaaridka kula shuraakoobay bur-burinta qaranka. Haddaba waa kuwama bulshada qurba joogga reer Somaliland? Kaalintee bay kaga jiraan horumarka dalka?

2. Dal Jacaylka Qurbe Joogga iyo Dayaacaadda xukuumadda Riyaale

Dal jacayl haddii uu jiro, waa ka ku beeran bulshada qurba joogga reer Somaliland. Qurbajooga Somaliland waa kuwo iyagu aan marnaba isweydiin: muxuu adiga dalkaagu kuu qabtay? Maxaad adigu dalkaaga u qabatay mooyaane! Waa kuwo iyagu mar walba heegan u ah horumarinta dalkooda hooyo.

Waa lafdhabarta dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka hooyo. Waxa ay ku soo kordhiyaan dalka mooyee, ma jirto wax ay dalka dib uga qaataan ama ka lunsadaan. Muwaadin kasta iyo qoys kasta oo qurba joog ihi waxay ku fikiraan sidii ay mar uun dalkooda hooyo wax uga dhisan lahaayeen ama dalka uga dhisi lahaayeen meherado keeni kara fursado shaqo oo dalka iyo dadkaba faa’iido u keeni kara.

Marka ay noqoto booqasho iyo dalxiisna, boqollaal kun ayaa sannad walba dalka soo  boo qda, soona geliya lacag iyo dakhli adag. Bal qabsoo astaamahani waa kuwo keliya u gaar ah qurba joogga Somaliland oo ay si weyn uga duwanyihiin qowmiyadaha kale ee qurbo joogga ah, kuwaasi oo iyagu isa siiya maalgelinna ku sameeya dalalka ay martida ku yihiin.
Waxaa xaqiiq iyo marag madoonba ah, in aanu qurba joogga la’aantood dalkeenu hiigsan kareen halka uu manta joogo. Waxtarka, dib u dhiska iyo maal-gelinta (qoys illaa qaran) ay qurba jogga reer Somaliland sameeyaan ayaa intuu doono ka badan ka ay xukuumaddu samaysay.


Xagga dedaalka aqoonsi raadiska iyo ka dhaadhicinta qadiyadda Somaliland adduunka, sidii dalka loogu samayn lahaa xidhiidh iyo saaxiibo joogto ah oo magaceenna kor u qaada, ka warbixinta wacyiga iyo isbedellada dalka ka jira, kor u qaadista magaca iyo sumcadda  dal ka iyo dadkiisa, xuska iyo xoojinta maalinta madaxbannaanida (18 May) iyo dhacdooyinka kale taariikhiga ah ee mudan in la xuso, hirgelinta warbaahin ku hadasha magaca iyo afka Somaliland (TV, Radio, Wargeysyo, Homepages & Internet websites), u jilibdhigga loolanka siyaasadeed ee cadawga Somaliland ku hawlanyahay, kor u qaadidda dareenka  wadani nimo, iyo hawlo kale oo badan.

Qurba joogga Somaliland, siiba kuwo ku nool waddamada laga oggolyahay xorriya-tul-qa wlka, waxaa caado u ahaan jirtay inay si joogto ah u abaabulaan bannaanbaxyo taageero loogu raadinayo gooni isu taagga Somaliland. Dalalka ay ka hici jireenna waxa ka mid ahaa UK, Holland, Germany, Canada iyo wadammada Scandinavian-ka. In kasta oo ay ictiraaf raadisku tahay waajib qaran oo qof kasta oo reer Somaliland ahba saran, haddana waxaa muuqata in dhaq-dhaaqyada noocan ahi sannadihii ugu dambeeyey sii liciifayaan. Waxaana ugu wacan xukuumadda hadda jirta oo ay ka waayeen wax dhiirri gelin ah iyo wafdiyada xukuumadda ka socda oo dadka kula dhex jira fikrad kala qaybin ah (xisbul xaakim iyo xisbiyada macaaridka), halkii ay ka soo bandhigi lahaayeen waxqabadkooda, astaanta ummadnimo iyo ta danta guudna xoojin lahaayeen.

Waxa aan marnaba muran ku jirin in ay xukuumaddu si weyn u daayacday aqoonta,waayo aragnimada, awoodda iyo kartida bulshada qurbe-joogga reer Somaliland. Waxa iyadna  x usid mudan siyaasadda arrimaha gudaha ee ka bixi la’ qaska iyo xaalad abuurka iyo  siyaas adda arrimahaa dibadda ee fadhiidka noqotay, qalaalasaha sharci iyo ka siyaasadeed, muranka iyo muddo kordhinta aan dhamaanayn ee xukuumaddu horseedka ka tahay, ayaa iyana waxay saamayn weyn ku leeyihiin ku soo hirasho la’aanta iyo maalgelin la’aanta  So maliland ee bulshada caalamka iyo bulshada qurbe-joogga Somaliland.


Haddaba waxaa guud ahaanba la odhan karaa in xilligii ay talada dalka haysay  xukuumad da madaxweyne Riyale in dareenkii iyo hilowgii muwaadinimo ee qurba joogga Somaliland hoos u dhac weyni ku yimid. Dhaq-dhaqaaqyadii ictiriraaf raadiska ee ay ku hawlanayeen bulshada Somaliland ee ku nool wadammada reer galbeedka waxaa iyana ku yimid hakad. Kaddib markii ay wax dhiirri gelin iyo abaabul ahba ka waayeen xukuumadda iyo  wasaar adda arrimaha dibadda, wakiilada dawladdda u fadhiya dalalka reer galbeedkuna ay xilkii iyo kaalintii kaga aaddanayd ka soo bixi waayeen.

Waxa lagama maarmaan ah in madaxweynuhu fahmo in qurba joogga Somaliland ayna  aha yn kuwo qolal ama bakhaarro ugu xeraysan xisbul-xaakimka ama xisbiyada mucaaridka oo keliya.
Ogsoonow madaxweyne, waxaa jira dad aad u tiro badan oo ka mid ah bulshda qurba  joo gga Somaliland (>50%) oo iyugu aan xisbina ka mid ahayn, diyaarna u ahayn inay ka mid noqdaan. Waxayse diyaar u yihiin inay taageeraan hogaamiyihii iyo xisbigii dalka iyo  dad kaba daacad u ah, hogaamiyihii aan dantiisa iyo ta xisbigiisa uun difaacayn ee mudnaanta koowaad siinaya danta dalka iyo dadka uu ka masuulyahay.

Quluubta iyo codadka bulshada Somaliland ee qurbe joogga ahi ma aha iib iyo mid lagu  ka sban karo xoolo lagu bur-buriyo iyo ballanqaadyo aan la oofinayn. Waxay u baahantahay daacadnimo, nasteexo, caddaalad loo wada siman yahay iyo samo umadda lagu hago.
Siyaasadduna kama maaranto fahanka, u kuurgalka iyo kasbashada xidhiidhka iyo  xaala dda nololeed ee bulshada. Haddiise ay dhacdo in xukuumadda iyo shacabka ay kala xidhiidh furtaan oo ay haadaan weyni u dhaxayso, waa masuuliyadda hoggaamiyaha inuu fahmo halka wax ka qaldameen, qirto inuu yahay bini’aadam qalad geli kara, laakiinse diyaar u ah inuu wax toosiyo.

Marka aad u kuur gasho khudbaddii uu madaxweynuhu saxaafadda u jeediyey, kama  maql aysid xukuumad ahaan waxaas iyo waxaas ayaa naga qaldan ama erey keliya oo uu ku sheegayo carqladaha ka horyimid ee xukuumaddu dhaafi la’dahay. Nabadda ha la ilaaliyo, khataro iyo halis baa inagu hareeraysan, cadawgiinna iyo ka idin kala qaybinaya iska jira, dawladda ayaa taa, teer iyo tanba xaq u leh; waxay ahaayeen weedhaha sida  isdebajoo gga ah afka madaxweynaha uga soo baxayey. Dhaliisha iyo eeddaba waxaa iska leh  xisb iyada macaaridka ah. Xisbiyada macaaridka ahi, waxay mucaarid u yihiin inay bulshda u sheegaan dhalliilaha iyo galdalloolada xukuumadda ee aan danahooda u adeegeyn. Xaq bay u leeyihiin inay farta ku fiiqaan halka ay wax ka qaldan yihiin.

Sida uu madaxweynuhu u dhigayo, taa macneheedu maaha in xisbiyada mucaaridka ahi ay Somaliland jiritaankeeda iyo qaran-nimadeeda u gafeen ama ay wax bur-burinayaan ee tartanka iyo loolanka siyaasadda ayaa sidaa ku salaysan, oo aan ahayn mid meel keliya taagan.

3. Habdhaqanka wefdiyada xukuumadda iyo saamaynta ay ku leeyihiin Bulshada Qurbe joogga Somaliland:

Waxa arrin aad looga xumaado ah madaxwyne Riyaale ku eedeeyo muwaadiniin dalka iyo dadkaba isaga uga daacadsn inay yihiin qaran dumis iyo kuwo lacag ku bixiya sidii dalka  S omaliland loo burburin lahaa. Haddaba qaabkee bay u dhaqmaan hawl-wadeennada  qaran ku (oo madaxweynahu ku jiro) marka ay dalka dibadda uga soo baxaan? Shirkiisii jara’id madaxweynuhu waxa uu ku afgobaadsanayey inuu isagu bulshada qurbe joogga marka uu booqdo la kulmo, u kuur galo oo kula taliyo adkaynta astaanta umadnimo. Waxba kama  ji raan weeye arrintaa madaxweynuhu sheegayo. Marka madaxweynaha ama qaar ka mid ah golahiisa wasiiraddu ay wefdi ama booqasho ku yimaaddaan qurbaha, waxay is arkaan ama ay la kulmaan keliya dad aad u tiro yar oo dano gaar ah, fikir siyaasadeed ama hayb-reernimo la wadaaga masuulkaa booqashada ku yimid. Iskuma hawlaan madaxda  xukuum adda ee booqashada qurbaha ku timidaa inay la kulmaan, u kuur galaan, oo wacyi geliyaan dhammaanba bulsho weynta Somaliland ee ku nool dalalkaa ay booqanayaan.

Waxay ilduufaan ama aanay garan karin qiimaha, dareenka iyo farxadda ay leedahay la  k ulanka iyo xog waraysiga masuul sare oo ka socda qaranka Somaliland oo dadkiisii marti u ah. Wufuudani waxay la yimaadaan fikir ah kala qaybin, halkii ay xoojin lahayeen astaanta umadnimo dadkana isku soo jiidi lahaayeen si dareenka umadnimo loo kobciyo. Iskuma  ha wlaan inay hantaan kartida, fikirka wacan iyo wax qabadka ku dihin bulshadaa qurba  joo gga ah ee ay booqashada ugu yimaadeen. Masuuliyiintani ma fahmi karaan dareenka dal-tabyo ee ku beeran bulshada Somaliland ee qurba joogga ah, kuwaasi oo iyaga mar walba heegan u ah horumarinta dalkooda hooyo.

Waxa nasiib darro ah in masuuliyiinta qaranka ee booqashada ku yimaddaa ay u badan yihiin kuwo taageerada ay u raadinayaan xukuumadda iyo ta xisbiga kala weyntahay ta aqoonsi raadiska, astaanta umadnimo iyo danta guud ee iyagaba laftoodaba xilka  kara amada huwisay.

Waxa ay had iyo jeer ku hawlan yihiin hadal haynta xumaanta xisbiyada mucaaridka oo ay badanaaba ku sheegaan kuwo qaran dumis ah, danta Somalilandna aysan ku jirin oo ay lumi doonto haddii ay xisbiyadani talada dalka qabtaan. Danta dalka iyo ta dadkaba waxay ka doorbidaan dan shaqsiyadeed iyo danta kursiga madaxweynaha. Labadii erey ee  afko oda ka soo baxana mid baa ah madaxweynaha iyo xukkuumadda ha la taageero. Halkii ay shacabka SL ku dhiirri gelin lahaayeen wadaniyaddu qiimaha ay leedahay iyo inay  dhism aha dalkooda ka qayb qaataan. Waxaa ka muuqata masuuliyiinta xilka ka haya  xukuum adda inay yihiin niman magaca qaranka Somaliland ka dhigtay mid lagu fushado mashaariic iyo dano gaar ah, balse xilka ay sidaan dalka iyo dadka midna aan wax loogu qaban.

Masuuliyiinta xukuumadda ee dalkeena haatan xilka u haya, siiba kuwa booqashada  qurba ha ku yimaadda, waxaa iskaga qaldan xisbinimadii iyo wadaninimadii! Waxaa ka  dhaadhac san in Somaliland-nimada iyo xisbul-xaakimku isku macno yihiin.

Haddaba sida aan aaminsanahay Xisbigu waa fikir mabaadii’i ku salaysan, oo aad qaadan karto ama aad ka tegi karto. Halka wadaninnimadu tahay wax aan la kala dooran karin, ee ay tahay dareen qofka ku abuuran oo noloshiisa iyo jiritaankiisaba ka mid ah. Qofku wuu ka maarmi karaa inuu xisbi ama urur ka mid noqdo, laakiinse waddan kama maarmi karo. Bal ka soo qaad akhristoow adigoo bilaa dal ah? Sidee ayuu jiritaankaagu noqon lahaa?

Haddaba su’aasha in la isweydiiyo u baahani waa: Sidee bay xukuumadda hadda jirtaa  mu dadaa ay xilka haysay u gudatay xilkii iyo waajibkii ka saarnaa (gudaha iyo dibaddaba) xoojinta iyo barbaarinta dareenka wadaninnimo iyo in dadka la isku soo jiido si ay  midnim ada iyo wadajirka umaddu u adkaato?

Xukuumad kastaba wax qabadkeeda iyo wixii khayr iyo khasaare ay la timaaddo ayaa  taa riikhda u gala oo lagu xasuustaa. Haddaba xukuumadda madaxweyne Daahir Riyaale iyo xisbigeeda fadhiidka ah ee uu isagu hoggaaminayo, sida ay u hagratay ictiraaf raadiskii iyo habsami u socodkii siyaasadda arrimaha dibadda oo kale ayeyna xukuumadda hadda jirtaa isku hawlin kobcinta, xoojinta iyo kor u qaadista rejada muwaadinka Somaliland(gudo iyo dibedba). Waynu qiyaasi karnaa halka uu dareenka ummadnimo iyo ka waddaninimo  mar ayey la wareeggii xilka madaxweyne iyo hoggaanka dalka, maantana waxa uu marayaa heerkii ugu hooseeyey taariikhda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu xisbiyada mucaaridka ku eedeeyey kuwo bulshada qurbe joogga Somaliland qori dab leh kula dhex jira oo kala qaybinaya. Xaqiiqda dhabta ah ee  madaxw eynuhu aanu ogayn, amaba is diidsiinayo ee xukuumadda iyo xisbul-xaakimkaba ka  jeedi yey bulshada qurbe joogga Somaliland waxa ugu wacan habdhaqanka masuuliyiinta iyo  ha wlwadeennada xukuumadda, kala qaybinta iyo xaalad abuurka uu madaxweynu horseedka ka yahay iyo hagardaamooyinka dalka iyo dadkaba lala rabo oo maanta wax la qariyo ka weyn. Xisbiyada macaaridka iyo hoggaamiyeyaashooduba waa muwaadiniin xalaal ah, ku xardhan taariikhda dahabka ah iyo halgankii dalkan lagu xoreeyey, iyagaana dalka iyo  dad kaba ka bedbaadin doona ugana lexejeclo iyo nasteexoba badan ninka iyaga ku  eedeeyn aya inay qaadhaan u gurtaan si ay Somaliland u dumiyaan.

Shirkan jaraa’id ee uu madaxweynuhu qabtay waxa uu si cad daaha uga rogay kalsooni  d arrada xukuumaddarajo la’aanta ay xukuumaddu ka qabto inay kasbato taageerada  buls hada Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna taageerada bulshada qurbe joogga Somaliland oo xisbi iyo siyaasi kastaba lama huraan u ah. Markaa madaxweynuhu waxba yaanu sas iyo hinaase ka qaadin magaca, maamuusta iyo maskabka ay xisbiyada mucaaridka ahi  dun ida ka soo hooyeen. Xilkii iyo masuuliyaddii aad hagratay ayey umadda Somaliland u  hay aan.


Fuloow guuli kuu dhaweydaa!! Adiga ayaa uga dhawaa mucaaridka inaad kasbato  maskax da iyo maanka bulshada Somaliland.


Guul, horumar iyo ictiraaf Somaliland

 

 

 


Eng/Architect Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) (UK & Holland)